WARBIXIN: Kaddib Hadaladii Ay Amaanta Iskugu Jeediyeen Paul Pogba & Zinadine Zidane, Halkan Kaga Boggo AFAR Qoddob Oo Fududayn Doona In Pogba Xidho Maaliyada Cad.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa dhawaanahan si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Real Madrid kaddib markii uu amaan kala dul dhacay tababaraha kooxdaas ee Zinadine Zidane iyo kooxdaba.

Intaa kaddib Zidane ayaa markiisa soo amaanay Pogba isaga oo sheegay inuu yahay mid xirfad xiddigaha kale ka geddisan leh isla markaana uu isagu si khaas ah u jecel yahay ciyaartiisa.

Haddaba, Iyadoo ay xaaladu halkaas marayso labada dhinacna u muuqdaan in midba midka kale taageero uyahay ayaan halkan kusoo bandhigi doonaan afar qoddob oo inta ugu badan suurogalin kara heshiis uu Pogba ku aado dhinaca Estadio Santiago Bernabeu.

1: Zidane

Tababare Zidane ayaa ah mid saamayn ku yeelan kara go’aanka uu qaadanayo xiddigii hore ee Juventus isaga oo heshiiskiisa kusoo guuleysan doona haddiiba uu si toos ah ula xidhiidho aragtidiisana uu ka dhaadhiciyo.

2: Paul Pogba

Waxa jiri doona in xiddiga qudhiisu uu qayb muhiim ah ku yeelan doono waxa qabsooma maadaama isagu yahay shaqsiga hawshani ku socoto isla markaana ay muhiim noqon doonaan dareemadiisa iyo rabitaankiisu, Pogba ayaa doonaya hanashada Champions League waxaana ay riyadaasi tahay mid in badan u sahlanaan doonta haddiiba uu u wareego dhinaca Real.

3: Wakiil Mino Raiola

Sida caadiga ah, Doorka wakiilka ciyaartoyga ayaa ah mid muhiim ah, Iyadoo uu wakiilka Pogba yahay shaqsiga inta badan kooxaha ku adkeeya saxeexyada ciyaartoyda ee Mino Raiola isla markaana uu heshiiska 26 jirkan ka celin karo Los Blancos ayaa la filayaa in markasta go’aanka ugu dambeeya ee ciyaartoygu uu ka saamayn bato.

4: Toni Kroos & Gareth Bale

Labada xiddig ee aan kor kusoo xusnay ayaa ah kuwo fududayn kara heshiiskan, Ugu horreynba xiddigahaas ayaa ah kuwo haatan laga fasaxi karo Bernabeu waxaana intaa dheer inay mudo dheer daba socotay Man United isla markaana heshiis xiddigo is weydaarsi ayaa qabsoomi kara.