WARBIXIN: Ka Hor Kulanka Madrid Derby Ee Estadio Wanda Metropolitano, Kooxaha Ree Madrid Oo Halis Wayn Ugu Jira In Ay Fursadii Ugu Waynayd Siiyaan Barcelona.

Sabtida waxaa horyaalka Spain ee La Liga ka jiri doona kulamo xiiso badan oo lagu ilaawi doono caajiska waqtiga kulamada caalamiga ah waxaana ugu wayn kulanka Madrid Derby ee kooxaha Atletico Madrid iyo Real Madrid ku dhex mari doona garoonka cusub ee Estadio Wanda Metropolitano kaas oo ay Real Madrid markii ugu horaysay cagta saari doonto tan iyo markii la dhamaystiray dhismihiisa horaantii xili ciyaareedkan.

Laakiin inkasta oo kulanka Estadio Wanda Metropolitano ee Madrid Derby uu muhiimad khaas ah u yahay kooxaha Atletico Madrid iyo Real Madrid waxa uu sidoo kale faa’iido wayn u noqon karaa kooxda Valverde ee horyaalka La Liga hogaaminaysa si la mid ah kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Valencia.

Aan xisaab ahaan u soo qaadano muhiimada uu kulanka Madrid Derby u leeyahay kooxaha ciyaaraya iyo waliba kooxhaa kaalinta kowaad iyo labaad ee La Liga ku jira ee Barcelona iyo Valencia iyo natiijada kulankani saamaynta ay yeelan karto.

Aan ku bilawnee kooxaha Atletico Madrid iyo Real Madrid ayaa sabtida November 18 iskaga hor iman doona kulanka xamaasada waalida ah xambaarsan ee Madrid Derby iyaga oo waada haysta dhibco isku mid ah oo min 23 dhibcood ah, waxayna muujinaysaa in kooxdii guuldaraysataa ay xaalad xun gali doonto maadaama oo ay haddaba min 8 dhibcood ka hooseeyaan Barcelona halak ay min 4 dhibcood sare u eegayaan Valencia.

Laakiin guuldaro soo gaadhay Real Madrid waxay la micno tahay in ka soo kabsashadii guuldarooyinkii Tottenham iyo FC Girona ayna waxba noqon doonin isla markaana haddii ay Barcelona iyo Valencia ay guulaystaan waxay sabab wayn Madrid u noqon kartaa in ay xaalad qalalaase cusub ah dhexda u gasho.

Waxa ugu xun ee jamaahiirta Madrid iyo Zidane ay filan karaan ayaa ah guuldaro ka soo gaadhay Atletico iyo Barcelona oo Leganes guul ka soo gaadha taas oo la micno ah in 11 dhibcood ay Madrid hoos uga dhici karto hogaanka La liga. Laakiin guul ay Madrid ka soo gaadho Atletico iyo guuldaro Barcelona soo gaadha ayaa ah waxa ugu fiican ee uu Zidane doonayo taas oo xaalad ahaan u muuqata mid adag waqti xaadirkan.

Dhinaca kale Atletico Madrid ayaa maanka ku haysa in guuldaro ka soo gaadhay Real Madrid ay sabab u noqon karto in xili horeba ay macasalaamayn doonto tartanka koobka horyaalka La liga iyada oo waliba quus ka taagan in ay u soo baxdo wareega 16 ka kooxood ee Champions Leaque, sidaa daraadeed, xili ciyaareedka kooxda Diego Simeone ayaa musiibo dhex gali doona haddii ay guuldaro ka soo gaadho Los Blancos.

Laakiin xaqiiqdu waxay tahay in kooxaha Atletico Madrid iyo Real  Madrid ay ku qasan yihiin in midkood ama labaduba ay dhibco lumin doonaan maadaama oo haddii ay barbaro galaan ay min 10 dhibcood ka danbayn doonaan hogaanka haddii ay Barcelona iyaduna kulankeeda Leganes guulaysato halka haddii mid ka mid ah kooxaha ree Madrid ay guulaysato ay tan kale dhibaato wayn ku noqon karto.

Kooxda Valencia oo xili ciyaareedkan wacdaro dhigaysa ayaa sidoo kale isha ku haysa natiijada kulanka Estadio Wanda Metropolitano iyada oo doonaysa in babraro ay galaan uu yahay natiijada ugu fiican ee ay kooxdeedu doonayso balse Barcelona ayaa doonaysa in Atletico Madrid ay guulaysato ama ay barbaro galaan labada Madrid.

DHIBCAHA KOOXAHA SARE EE LA LIGA KA HOR KULAMADA SABTIDA:

1-Barcelona- 11 kulan- 31 dhibcood

2- Valencia- 11 kulan-27 dhibcood

3- Real Madrid- 11 kulan- 23 dhibcood

4- Atletico madrid-11 kulan- 23 dhibcood

5-Villarreal -11 kulan -20 dhibcood

6- Sevilla- 11 kulan -19 dhibcood

Kulamada Muhiimka Ah Ee La Liga Laga Ciyaari Doono Usbuuca Sabtida Ka Bilaamaya:

Atlético Madird vs Real Madrid -Waqtiga 20:45

Leganés  Vs Barcelona- Waqtiga 16:15

Sevilla vs Celta Vigo – Waqtiga 18:30

Athletic Bilbao vs Villarreal – Waqtiga 20:45

Espanyol vs Valencia – Waqtiga 16:15

Comments

comments