WARBIXIN: Ka Hor Finalka Champions League, Ayaa Ka Soo Muuqday Shaxda Isku Darka Real Madrid Vs Liverpool? Miyuu Hadalkii Del Bosque Shaxdan Ka Run Sheegay?

Kooxaha Real Madrid iyo Liverpool ayaa si wayn ugu diyaar garoobaya kulanka finalka Champions League ee ay sabtida ugu badalsan yihiin magaalada Kiev ee dalka Ukraine. Caasimada dalka Unkraine ee Kiev ayaa si wayn looga dareemayaa diyaar garowga kulanka xiisaha iyo xamaasada badan ee Real Madrid iyo Liverpool.

Dhawaan ayay ahayd markii uu macalinkii hore ee xulka qaranka Spain ee Del Bosque uu dad badan kaga yaabsaday in hal ciyaartoy oo Liverpool ahi aanu ka soo muuqan karin shaxda kooxda Zinedine Zidane laakiin wargayska Daily Mirror ayaa sameeyay shax uu ka soo xulay xidigihii xili ciyaareedkan ugu bandhiga fiicnaa ee Real Madrid iyo Liverpool.

Afar xidig oo Liverpool ah ayaa ka soo muuqday shaxda isku dhafka ah ee kooxaha Real Madrid iyo Liverpool iyada oo 7 xidig ee kale ay yihiin kuwa laga soo xulay kooxda los Blancos. Laakiin afar xidig oo kale oo Reds ay ayaa ku soo baxay ciyaartoyda kaydka loogu qoray shaxda ugu fiican ee laga samayn karo Los Blancos iyo Reds.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa shaxda ugu fiican ee isku darka Real Madrid iyo Liverpool ee uu Daily Mirror ka sameeyay kooxaha finalka Champions League ku dagaalami doona iyo waliba liiska xidigaha shaxdan kaydka loogu qoray.

Aan ku bilawnee shaxda kooxda isku darka Real Madrid iyo Liverpool waxaa goolka ugu jira Keylor Navas iyada oo Loris Karius aanu booskan helin wuxuuna ku jiraa kaydka laakiin waxaa difaaca dhexe ku wada jira Sergio Ramos iyo Virgil Van Dijk oo kooxaha Real Madrid iyo Liverpoo ka kala tirsan.

Iyada oo markasta ay lagama maarmaan tahay in Sergio Ramos uu ku soo baxayo shax kasta oo laga sameeyo isku darka Liverpool iyo Real Madrid ayuu Van Dijk isna booskiisa ku helay wax qabadkii iyo doorkii uu ka soo ciyaaray deganaanshaha difaac ee Liverpool.

Da’yarka cidka kasta iyo naftiisaba ka yaabsaday ee Trent Alexander-Arnold oo loo xilsaari doono in uu Cristiano Ronaldo uu si toos ah uga hor yimaado ayaa ku soo baxay difaaca midig ee shaxda isku darka Real Madrid iyo Liverpool isaga oo Dani Carvajal ka qaaday booskan. Arnorld ayaa xili ciyaareedkan xogti Champions League ee la ururiyay lagu ogaaday in uu ahaa difaacii ugu fiicnaa.

Difaaca bixi waxaa loo soo doortay Andy Robertson oo isna xili ciyaareedkan door muuqda ka soo qaaday Liverpool isla markaana door wayn ku lahaa in ay finalka Champions league soo gaadhay wuxuuna booska ka helay Marcelo.

Khadka dhexe waxaa shaxdan ugu soo baxay Luka Modric iyo Toni Kroos oo Real Madrid ka wada tirsan iyada Jordan Henderson iyo Isco ay kaydka ugu jiraan laakiin Marcelo Asensio ayaa dhexda hore buuxiyay isaga oo Sadio Mane oo kaydka ku jira ka hor maray.

Weerarka shaxdan waxaa ku wada jira Mohamed Salah, Cristiano Ronaldo iyo Gareth Bale halka Roberto Firmino uu shaxdan kaydka kaga jiro.

Halkan Kaga Bogo Shaxda Isku Dhafka Real Madrid Iyo Liverpool:

Goolhaye: Keylor Navas- Real Madrid

Difaaca Midig: Trent Alexander-Arnold-Liverpool

Difaaca Dhexe: Serigo Ramos-Real Madrid

Difaaaca Dhexe: Virgil Van Dijk

Dhexda: Luka Modric-Real Madrid

Dhexda: Toni Kroos -Real Madrid

Dhexda Hore: Marco Asensio -Real Madrid

Weerarka: Mohamed Salah -Liverpool

Weerarka: Cristiano Ronaldo -Real Madrid

Weerarka: Gareth Bale -Real Madrid

Kaydka: Loris Karius, Raphael Varane, Marcelo, Jordan Henderson, Isco, Sadio Mane, Roberto Firmino.

Haddaba akhriste, miyay shaxdani tahay shaxda ugu fiican ee laga samayn karo shaxda isku dhafka ee kooxaha Real Madrid iyo Liverpool? Haddii aanad shaxdan ku qancin, sideed adigi ka dhigi lahayd haddii aad tahay tababare doonaya in uu shax ka samaysto ciyaartoyda Real Madrid iyo Liverpool adiga oo wax yar taageeranimada jeebka hoose ku ridanaya?.

4 Comments

  1. waxaan u arkaa ineysan cadaalad aheyn shaxdaani waxaana soo diyaariyey taageerayaal real madrid sababtoo

    ah wax qabadka firminho iyo bale iskuma dhawa, firmino wuxuu dhaliyey 10 gool 8 waa caawiyey

    Goolhaye: Keylor Navas- Real Madrid

    Difaaca Midig: Trent Alexander-Arnold-Liverpool

    Difaaca Dhexe: Serigo Ramos-Real Madrid

    Difaaaca Dhexe: Virgil Van Dijk -Liverpool

    Difaaaca Bidix: Andy Robertson -Liverpool

    Dhexda: Luka Modric-Real Madrid

    Dhexda: Toni Kroos -Real Madrid

    Dhexda Hore: Isco -Real Madrid

    Weerarka: Mohamed Salah -Liverpool

    Weerarka: Cristiano Ronaldo -Real Madrid

    Weerarka: Roberto Firminho -Liverpool

    Kaydka: Loris Karius, Raphael Varane, Marcelo, Jordan Henderson, Marco Assensio, Sadio Mane, Greth Bale.

  2. Wxaaan meeesha katuuri lahaaa garathe pale and Toni kroos

    Wxaaanan so glin lahaaa

    Sadio mane and wijnuldom

Comments are closed.