WARBIXIN: Isbad-Badalka Kaalmaha 3-Aad, 4-Aad Iyo 5-Aad Ee Premier League Oo Cajiib Noqday, Maxaase Iska Badalay Gool Dhalinta Tartanka Kabta Dahabka Ah Ee Premier league?

Waxaa la galay waqtiga kulamada mashquulka badan ee horyaalka Premier league iyada oo la soo gaba gabeeyay kulamadii 15 aad laakiin 48 saacadood kadib waxaa bilaami doona kulamada 16 aad ee horyaalka Ingiriiska iyada oo ayna kooxuhu heli doonin maalmo badan oo ay ku nastaan.

Waxaa talaadadii iyo arbacadii la ciyaaray dhaaman tobankii kulan ee 20 ka kooxood ee Premier league iyada oo xamaasada xili ciyaareedku gaadhay halkii ugu saraysay. Kulamadii 15 aad ee Premier league waxaa ku jiray kulamo xiiso badan iyada oo natiijooyin layaableh laga diwaan galiyay.

Kooxaha kaalinta saddexaad, afraad iyo shanaad ayaa u muuqda meesha dagaalka ugu wayni xili ciyaareedkan ka socdo iyada oo labadii todobaad ee la soo dhaafay ay hadba kooxo kaalin u dhacayaan laakiin labada kaalmood ee hore wax iskama badalayaan.

Manchester City ayaa wali ah kooxda hogaanka Premier league laba dhibcood ku haysa laakiin Liverpool ayaa wali cagta-cagta u saaraysa kooxda Guardiola iyada oo muujisay in ay wali tahay kooxda kaliya ee Sky Blues la loolami karta. Man City iyo Liverpool ayaa sii joogteeyay rekoodhkooda guuldaro la’aanta.

Haddaba kadib kulamadii 15 aad ee horyaalka Ingiriiska, maxaa iska badalay miiska kala saraynta Premier league iyo waliba tartanka gool dhalinta kabta dahabka ah ee Golden Boot?.Halka hoose kaga bogo xogta oo dhamaystiran.

Aan marka hore idiin so0 natiijooyinkii Premier league ee kulamadii 15 aad oo dhamaysan tiran si aan kadib u eegno miiska kala saraynta iyo saamaynta natiijooyinkani ku yeesheen. Waa markii ugu horaysay ee dhamaan kulamada Premier league ee hal usbuuc goolal laga wada dhaliyay tan iyo  27-28 November 2010.

Labada kaalmood ee kowaad iyo labaad waxba iskamay badalin iyada oo Man City hogaanka ku haysa 41 dhibcood halka Liverpool ay kaalinta labaad ugu jirto 39 dhibcood waana labada kooxood ee kaliya ee aan ilaa hadda wax guuldaro ah kula kulmin Premier league xili ciyaareedkan.

Laakiin xiisaha ugu badani waxa uu ka taagan yahay kaalinta saddexaad, afraad iyo shanaad oo ay si buuxda ugu dagaalamayaan kooxaha Chelsea, Tottenham iyo Arsenal. Tottenham ayaa soo ceshatay kaalinta saddexaad kadib markii ay 3-1 ku dishay Southampton isla markaana ay Chelsea guuldaro lama filaan ahi ka soo gaadhay Wolves.

Laakiin Arsenal ayaa ku fashilantay in ay Man United guul ka gaadho waxayna taasi keentay in kaalintii afraad laga soo tuuray iyada oo Chelsea kaalinta afraad u soo dhacday waxaana muuqda in kaalinta saddexaad, afraad iyo shanaad ay hadba kooxihi ku dhacayso.

Tottenham ayaa 33 dhibcood kaalinta saddexaad ugu jirta halka Chelsea iyo Arsenal ay min 31 dhibcood ku haystaan laakiin Blues ayaa farqiga goolasha kaalinta afraad ugu jirta halka Gunners ay u laabtay kaalinta shanaad.

Manchester United ayaa noqotay koox ku jirta qaybta kala badhka kala saraynta Premier league waxayna Red Devils haysataa 23 dhibcood oo kaliya kadib markii ay soo ciyaartay 15 kulan iyada oo waliba 4 guuldaro iyo 5 babraro soo gaadheen taas oo keentay ay lumiso aragtidii kaalmaha sare ee horyaalka Ingiriiska. Man United ayaa 18 dhibcood hoos uga dhacay Man City halka 16 dhibcood ay ka hoosayso Liverpool oo kaalinta labaad ku jirta.

Halkan kaga bogo Miiska Kala Saraynta Premier League Ee Kadib Kulamadii 15-aad Ee La Ciyaaray:

Bogga 2-aad Kaga Bogo Kala Saraynta Gool Dhalinta Premier League.