WARBIXIN: Halkan Kaga Bogo Miiska Kala Saraynta Gool Dhalinta Lixda Horyaal Ee Yurub Ugu Waa Wayn Iyo Tartanka Gool Dhalinta Kabta Dahabka Ah Ee Yurub.

Waxaa soo dhamaanaya xili ciyaareedka 2017/18 waxaana inta badan lagu kala baxay koobabka horyaalada Yurub ugu waa wayn sida horyaalka Premier League, Bundesliga, League iyo kuwo la mid ah inkasta oo aan wali la go’aamin horyaalada Serie A iyo La Liga. Laakiin tartanka koobabka iyo kooxaha waxaa barbar socda gool dhalinta horyaalada Yurub iyo waliba kabta dahabka ah ee gool dhalinta Yurub.

Lixda horyaal ee Yurub ugu waa wayn ee kala ah Premier League, La Liga, Serie A, Bunesliga, Lique 1 si la mid ah horyaalka Portugal oo hadda qiimaynta UEFA hoose udhac sameeyay ayaa ah horyaalada ay ciyaartoydoodu ku tartamaan kabta dahabka ah ee gool dhalinta Yurub.

Inkasta oo xidiga kooxda Benfica ee Jonas uu 33 gool ku hogaaminayo gool dhalinta horyaalada Yurub ugu waa wayn haddana waxaa fursadiisa kabta dahabka ah hoos si wayn ugu dhigtay in halkii goolba uu la qiimo yahay 1.5 dhibic halka Mohamed Salah oo gool dhalinta Yurub kaalinta labaad kaga jiraa uu 30 gool ku haysto 60 dhibcood.

Haddaba shabakada Gool24.net ayaa hal meel iskugu keentay dhamaan lixda horyaal ee Yurub ugu waa wayn iyo ciyaartoyda ilaa hadda goolasha ugu badan ka soo dhaliyay iyada oo Mohamed Salah uu wali hal gool iyo 2 dhibcood kabta dahabka ah kaga hogamainayo Lionel Messi.

Edinson Cavani ayaa 25 gool ku hogaaminaya gool dhalinta horyaalka France halka Lionel Messi uu 29 gool ku hogaaminayo gool dhalinta la Liga waxaana 27 gool ku haya hogaanka gool dhalinta Bunesliga xidiga Bayern Munich ee Robert Lewandowski laakiin dhamaantood waxaa ka goolal badan Mohamed Salah oo gool dhalinta Premier league 30 gool ku haya.

Halkan Si Buuxda Ugaga Bogo Dhamaan Gool Dhalinta lixda Horyaal ee Yurub Ugu Waa Wayn Iyo Xidigaha Ilaa Hadda Goolasha Ugu Badan Ka Soo Dhaliyay.

1-Miiska Kala Saraynta Gool Dhalinta Premier League:

1 Mohamed Salah ⇒Liverpool 30

2 Harry Kane ⇒Tottenham Hotspur 25

3 Sergio Agüero⇒ Manchester City 21

4 Raheem Sterling ⇒Manchester City 17

=Jamie Vardy ⇒ Leicester City 17

6 Roberto Firmino⇒ Liverpool 15

=Romelu Lukaku ⇒Manchester United 15

8 Son Heung-Min ⇒Tottenham Hotspur 12

=Eden Hazard ⇒Chelsea 12

=Glenn Murray ⇒ Brighton  12

2-Miiska Kala Saraynta Gool Dhalinta Horyaalka La Liga:

1 Lionel Messi ⇒Barcelona 29

2 Cristiano Ronaldo ⇒Real Madrid 23

=Luis Suárez⇒ Barcelona 23

4 Antoine Griezmann ⇒Atletico Madrid 19

=Iago Aspas ⇒Celta Vigo 19

6 Cristhian Stuani ⇒Girona 17

7 Rodrigo ⇒Valencia 15

3-Miiska Kala Saraynta Horyaalka France Ee Ligue 1

1 Edinson Cavani ⇒Paris Saint-Germain 25

2 Neymar ⇒Paris Saint-Germain 19

3 Radamel Falcao⇒ AS Monaco 18

=Mariano ⇒Lyon 18

5 Karl Toko Ekambi ⇒Angers 17

=Florian Thauvin⇒ Marseille 17

7 Nabil Fekir ⇒Lyon 16

4-Miiska Kala Saraynta Gool Dhalinta Horyaalka Germany Ee Bundesliga:

1 Robert Lewandowski ⇒Bayern Munich 27

2 Kevin Volland ⇒Bayer Leverkusen 14

3 Nils Petersen ⇒SC Freiburg 13

= Aubameyang ⇒ Borussia Dortmund 13

5 Niclas Füllkrug ⇒Hannover 96 12

Mark Uth ⇒TSG Hoffenheim 12

5-Miiska Kala Saraynta Gool Dhalinta Horyaalka Talyaaniga Ee Serie A

1 Ciro Immobile ⇒Lazio 27

2 Mauro Icardi ⇒Internazionale 24

3 Paulo Dybala ⇒Juventus 21

4 Fabio Quagliarella ⇒Sampdoria 18

5 Dries Mertens ⇒Napoli 17

6 Gonzalo Higuaín ⇒Juventus 15

7 Edin Dzeko ⇒AS Roma 14

Miiska Kala Saraynta Gool Dhalinta Horyaalka Portugal:

1 Jonas ⇒Benfica 33

2 Bas Dost⇒ Sporting CP 25

3 Moussa ⇒Marega FC Porto 20

4 Vincent Aboubakar⇒ FC Porto 15

5 Raphinha ⇒Guimaraes 14

6 Fabrício ⇒Portimonense 12