WARBIXIN: FA-ga, Maamulka Premier league & Kooaha Premier league Oo Madaxa Iskula Jira Iyo Saamaynta Sharciga Cusub Ee Ka Bixitaanka UK Ee Midawga Yurub.

Kubbada cagta England waxaa ka jirta dood wayn oo ah saamaynta uu yeelan doono ka bixitaanka UK ee midawga Yurub iyada oo ay madaxa iskula jiraan kooxaha Premier league, xidhiidhka kubbada cagta England ee FA-ga iyo waliba maamulka Premier League.

Shalay galinkii danbe waxay xidhiidhka kubbada cagta England ee FA-gu ku wargaliyeen maamulka Premier league in la dhaqan galinayo sharci cusub kaas oo amar ku soo rogaya kooxaha Premier league iyo waliba kubbada cagta England kaas oo si buuxda u xadidaya tirada ciyaartoyda ajaanibta ah ee la diwaan gashan karo.

FA-ga ayaa soo diyaariyay qorshe ka cadhaysiiyay mulkiilyaasha iyo jamaahiirta kubbada cagta England kaas oo la aaminsan yahay in faa’iidadiisa ay ka badan tahay khasaaraha uu kubbada cagta England soo gaadhsiin karo.

Waxaana qorshan ku jiran in marka la dhamaystiro ka bixitaanka UK ee midowga Yurub in liiska koox kasta oo Premier league ah laga dhigi doono laba qaybood oo kala ah 13 ciyaartoy oo aan UK u dhalan oo ajaanib ah iyo 12 ciyaartoy oo muwaadiniin ah taas oo abuuraysa liiska 25ka ciyaartoy ee koox kastaaba ay u diwaan gashato Premier league.

Laakiin qorshahan ayaa ah mid ay ka horyimaadeen kooxaha Premier League wuxuuna afhayeen u hadlay muujiyay sida ayna suurtogal u ahayn in la qaato sharcigan waxaana jira doodo haddaba ka socda UK oo arintan looga soo horjeedo.

Haddaba maxay yihiin faa’iidooyinka iyo khasaaraha ay keeni karaan sharciyada cusub ee uu FA-gu ku doonayo in laga dhaqan galiyo kubbada cagta England?. Halkan hoose kaga bog.

Faa’iidada Laga Heli Karo Ka Bixitaanka UK Ee Midawga Yurub Ee Kooxaha Premier league:

Ka bixitaanka UK ee Midawga Yurub waxa uu faa’iidada ugu badan u keeni doonaa ciyaartoyda Ingiriiska ah ee hadda ku dulman horyaalka dalkooda waxayna noqon karaan kala badh liiska ciyaartoyda kooxaha kowaad ee Premier league.

Sida xogtii hore aanu idiinku soo gudbinay waxaa kooxaha Premier league lagu amri doona in 12 ciyaartoy oo kaliya ay ka dhigtaan ciyaartoy aan British ahayn taas oo la micno ah in 13 ka mid ah 25ka ciyaartoy ee koox kasta oo Premier league ahi ay noqon doonaan ciyaartoy dhalad ah oo UK u dhashay.

Waxayna tani a micno tahay in ciyaartoyda England ay heli doonaan fursad wayn oo ay kaga soo muuqan karaan shaxaha tababarayaasha Premier league ee waqti xaadirkan ay aadka ugu yar yihiin waxayna taasi keeni kartaa in tayada ciyaartoyda England ay sare u kacdo.

Faa’iidada labaad ee Brexit waxaa heli doona xulka qaranka England kaas oo si wayn uga faa’iidaysan kara ciyaartoyda xulkiisa ee fursada badan ka heli doonta kooxaha Premier league si ka duwan hadda oo ayna si wayn uga dhex muuqan ciyaartoyda kooxaha Premier league.

Marka saddexaad ciyaartoyda muwaadiniinta ah ee UK ayaa heli doona dhaqaale aad u badan oo waqti xaadirkan ku baxa ciyaartoyda ajaanibta ah iyada oo waliba uu si wayn sare ugu soo kici doono ka qayb galka ciyaartoyda muwaadiniinta ah ee kooxaha kowaad ee kubbada cagta heerka kowaad ee UK.

Waqti xaadirkan ciyaartoyda da’yarta England ayaan haysan fursad ay kaga soo muuqan karaan kooxaha waa wayn ee Premier league waxaana jira ciyaartoy da’yar ah oo u baxay horyaalada dibada si ay isku soo muujiyaan iyada oo laga soo qaadan karo Jadon Sancho iyo Reiss Nelson oo wacdaro dhigaya.

Laakiin sharciga cusubi waxa uu fursad wayn siinayaa in ciyaartoyda da’yarta England ay fursad ka heli karaan kooxaha heerka kowaad ee Premier league taas oo sare u qaadi karta horumarka xulka qaranka England ee mustaqbalka.

Waxayna faa’iidada UK ee ka bixitaanka midawga Yurub ku kooban tahay ciyaartoyda UK iyo waliba xulka qaranka England oo si wayn uga faa’iidaysan kara horumarka ciyaartoyda.

Bogga 2-aad iyo 3-aad ka sii akhriso khasaaraha iyo Ciyaartoyda Ajaanibta Ah Ee Uu Sharcigan Saamayn Ku Yeelan karo.