Home » Wararka Maanta » WARBIXIN: Chelsea Oo Loo Ansixiyay Qorshaha Dib U Balaadhinta Stamford Bridge Iyo Qiimaha Uu Roman Abramovich Bixin Doono.

WARBIXIN: Chelsea Oo Loo Ansixiyay Qorshaha Dib U Balaadhinta Stamford Bridge Iyo Qiimaha Uu Roman Abramovich Bixin Doono.






Qorshaha ay Chelsea dib ugu balaadhinayso garoonkeeda Stamford Bridge ayay golaha degaanka Hammersmith & Fulham u ansixiyeen iyada oo mulkiilaha Chelsea ee Roman Abramovich uu diyaar u yahay in uu dib ubalaadhinta Stamford Bridge uu ku bixiyo lacag gaadhaysa £500 milyan gini waxaana garoonka laga dhigi doonaa mid qaada 60,000 kun oo qof.

Maamulka sare ee kooxda Chelsea ayaa diyaariyay qorshihii lagu balaadhin lahaa garoonka ay hadda Blues ku ciyaartoy ee Stamford Bridge waxayna Blues wadaa qorshe ay garoonka xulka qaranka England ee Wembley Stadium ugu sii wareegi lahayd muddada uu socdo dhismaha Stamford Bridge.

In golaha degaanka Hammersmith and Fulham councillors ay Chelsea u ansixiyeen balaadhinta Stamford Bridge ayaa wax wayn u ah mulkiilaha Chelsea oo doonaya in garoonka kooxdiisa uu ka dhigo mid casri ah isla markaana sare loogu qaadayo kuraasta ay hadda jamaahiirtu ku daawadaan kulamada.

War rasmi ah oo ay Chelsea ka soo saartay in loo ansixiyay qorshihii kooxdeeda ee dib u balaadhinta Stamford Bridge oo lagu daabacay Evening Stardard ayaa lagu yidhi: “Caawa guddida qorshaynta goluhu waxay tixgaliyeen codsigii, waxaananu ka mahad celinaynaa ogolaansha qorshahan ee la noo gacan aliyay ee dib balaadhinta gurigeena taariikhiga ah. Go’aanka guddidu lama micno aha in shaqada la bilaabayo, kaliya tani waa talaabadii ugu danbaysay inkasta oo ay tahay mid aad muhiim u ah waxaana waajib ahayd in aan qaadno ka hor inta aan shaqada la bilaabin”.

Chelsea ayaa markii hore doonaysay in ay u guurto goob cusub oo ah  Battersea Power Station laakiin dib u balaadhinta Stamford Bridge ayaa u ogolaatay in ay ku sii nagaan karaan garoonkooda ay ku soo ciyaarayeen tan iyo sanadkii 1905 kii. Chelsea ayaa jamaahiirteeda u sheegtay in markasta ay ku soo war galin doonto horumarka laga sameeyo qorshaha db u balaadhinta Stamford Bridge.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *