WARBIXIN Cajiib Ah: 20-ka Kooxood Ee Premier League Oo Dhammaantood La Saadaaliyay Tababaraha Ugu Haboon Ee Qabsan Kara & Cida Loo Gacan Galiyay LIXDA Waaweyn.

Dhawaan ayay ahayd markii kooxda Tottenham ay caydhisay tababare Mauricio Pochettino iyaga oo magacaabay Jose Mourinho, Bixitaanka tababaraha ree Argentina ayaa caddaysay in tababarayaasha PL ay xilli kasta bixi karaan haddiiba ay dhawr natiijo oo xidhiidh ahi dhinacooga u samaan waayaan.

Tababarayaasha ayaa ah kuwo sidoo kale xilal cusub loo magacaabi karo sidaas darteed guddoomiyayaasha iyo agaasimayaasha kooxaha ayaa qudhoodu u baahan inay yeeshaan bar-tilmaameedyo ay magacaabaan haddiiba ay ku qasbanaadaan inay caydhin sameeyaan.

Natiijada sawirka Express sports premier league managers

Haddaba, Waxaanu halkan idiinku soo bandhigi doonaa saadaalin cajiib ah oo uu sameeyay wargeyska Express Sport oo uu ku sheegayo aragtida ah tababaraha ugu haboon ee koox kasta oo dhammaan 20-ka kooxood ee Premier League ah qabsan kara.

Arsenal – Julian Nagelsmann

Unai Emery ayaa ah mid markasta kaliya hal guuldarro u jira inuu waayo shaqadiisa Arsenal, Madaxda kooxdaas ayaa dalab ka gudbin kara tababaraha kaliya 32 sano jirka ah ee Julian Nagelsmann oo wacdarro ku dhigaya RB Leipzig, Da’diisa yar ayaa ka caawin karta inuu xidhiidh wacan la yeesho safka da’yarta ah ee Arsenal.

Advertisements

Chelsea – Brendan Rodgers

Blues haatan waa kuwo la duulaya tababare Frank Lampard waxaana qaldanaan doonta haddiiba la caydhiyo balse waxa jiri karta maalin uusan ka bedbaadi karin seefta mulkiile Abramovich, Rodgers ayaa tan iyo markii uu England kusoo laabtay Leicester ku caddeeyay awoodiisa tababarenimo waxaana uu horumarin karaa da’yarta Chelsea.

Liverpool – Erik ten Haag

Jurgen Klopp ayaysan haatan jirin sabab uu uga baxo Liverpool balse haddiiba ay dhacdo ayuu tababare Erik ten Haag noqon karaa midka xaliya dhibka bixitaankiisa, Ten Haag ayaa Ajax ka dhigay mid awood leh iyagoo ciyaarata kubad lala dhacay.

Manchester City – Mikel Arteta

Pep Guardiola waxa uu Manchester City kaga tagi doonaa isaga oo ku samaystay taariikh cajiib ah waxaana qasab ah in City ay raadiso bedelka ku haboon ee falsafadiisa oo kale leh, Mikel Arteta ayaa kamid ahaa shaqaalahiisa tababarka kuwa ugu wanaagsan waxaana uu xiiso ka helay Arsenal iyo Newcastle United.

Manchester United – Mauricio Pochettino

Marka laga yimaado qaabka xun ee ay ku bilawdeen, Haddana Solskjaer ayaa u muuqda mid si tartiib ah Man United dhinaca wanaagsan ugu wada balse Pochettino ayaa sugaya silbasho yar oo uu sameeyo, Tababaraha dhawaan Tottenham ka tagay ayaa soo caddeeyay inuu koox ka dhigi karo mid in badan ka wanaagsan inta ay lacagteedu u goyso fursad kale ayuuna u qalmaa.

Akhrsio 15-ka Tababare Ee Kale Ee Kooxaha Kale Loo Saadaaliyay Iyadoo Ay Magacyo Waaweyni Ka Muuqdaan Sida Steven Gerrard & Carlo Ancelotti

Aston Villa – Steven Gerrard

Bournemouth – Chris Wilder

Brighton – Alex Neill

Burnley – Graham Potter

Crystal Palace – Gareth Southgate

Everton – Carlo Ancelotti

Leicester – Eddie Howe

Newcastle – Marcelo Bielsa

Norwich – Tony Pulis

Sheffield United – Danny Cowley

Southampton – Javi Gracia

Tottenham – Nuno Espirito Santo

Watford – Chris Hughton

West Ham – Rafa Benitez

Wolves – Paulo Fonseca

Advertisements