WARBIXIN: Barcelona Oo Kaliya 10 Kulan Ka Xigaan Hanashada SADDEXDA Koob Ee Xilli Ciyaareedkan, 7 Kamid Ah Kulamadaas Oo Final Ah Iyo Qiimaynta Sida Ay Wax Ugu Kala Fududaan Karaan.

Kooxda Barcelona ayaa kaliya toban kulan u jirta inay noqoto kooxda saddexleyda koobabka ah ee xilli ciyaareedkan kuwada guuleysata iyadoo toddoba kamid ah kulamadaasi noqon karaan Final.

Tobbaanka kulan ayaa kala ah lixda kulan ee uga hadhay horyaalka La Liga oo ay dhibco door ah ku hayso, Labada kulan Semi Final ee Champions League, Kulanka Finalka Champions League waa haddii ay Liverpool dhaafto e’ iyo kulanka Final-ka Copa Del Rey oo ay Valencia kula balansan tahay.

Aan ku horraynee Barcelona ayaa filayn inay dhammaan tobbanka kulan u ciyaarto si adag iyadoo saddexda kulan ee ugu dambeeya horyaalka ku ciyaari karta xiddigaheeda keydka ah haddii ay saddexda kulan ee hore guulaysato maadaama ay 9 dhibcood ugu filan yihiin hanashada horyaalka.

Kooxda Ernesto Valverde ayaa haysata fursad ay guul kaga gaadho Real Sociedad, Alavés iyo Levante si ay horyaalkaba ugu guuleysato Sabtida dambe kahor kulanka ay soo dhawaynayaan Liverpool.

Sidoo kale waxa jirta suurogalnimo ay kulamada muhiimka u ah Blaugrana ku noqon karaan lix waana haddii ay kulamada soo socda guuldarro la kulanto Atletico Madrid oo labaad ku jirtaa.

Kulanka ugu muhiimsan ayaa ah midka ay marka hore soo dhawayn doonaan Liverpool iyo kulanka kale ee lugta dambeba, Xiddigaha Valverde ayaa u baahan doona inay noqdaan kuwo aad u digtoon oo iska fogeeya halista saddexleyda weerar ee Reds ee MSF.

Si kastaba ha ahaatee, Taatikada lagu dhammaystirayo hammiga saddexda koob ee jamaahiirta Barcelona ayaa looga fadhiyaa tababare Ernesto Valverde waxaana ay geediga toddobada kulan Final caawa ka bilaaban doonaan ciyaarta Real Soceidad.