WARBIXIN: Ronaldo & Messi Oo Markale Codkooda Isku Diiday, Xidigihee Ayay Ugu Codeeyaan Abaal Marinta Xidiga Aduunka Ugu Fiican? Iyo Qaabkii Kabtanada Iyo Tababarayaasha Aduunku Codkooda U Bixiyeen Oo Dhamaystiran.

Xidhiidka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa magaalada London ku qabtay xaflad aad u wayn oo lagu bixinayay abaal marinaha sanadkan 2017 ee shaqsiyaadkii kubbada cagta ugu fiicnaa waxaana hadda la ogyahay shaqsi kastaaba abaal marinta uu ku guulaystay. Ilaa sagaal abaal marinood ayay FIFA bixisay waxaana ugu xaflada lagu soo gabagabeeyay abaal marinta ugu saamaynta badan ee xidiga aduunka ugu fiican ee The Best.

Cristiano Ronaldo ayaa sanadkii labaad oo xidhiidh ah abaal marinta The Best ee xidiga aduunka ugu fiican ku guulaystay kadib markii uu codbixintii la sameeyay kaga sare maray Lionel Messi iyo Neymar Jr oo la sharaxnaa, waxaana codka ugu badan bixiyay kabtanada iyo tababarayaasha xulalka qaramada aduunka waana boqolkiiba 50% codka lagu soo xulanayay xidiga aduunka ugu fiican.

Cristiano Ronaldo ayaa kooxdiisa Real Madrid ka soo caawiyay in ay ku soo wada guulaysatay koobka Champions Leaque iyo La Liga wuxuuna farxadan la qabaa macalinka kooxdiisa ee Zinedine Zidane oo sabab wayn ku lahaa in Ronaldo laftiisu uu abaal marintan helo maadaama oo uu macalinka ree France ahaa maskaxdii ka danbaysay wacdarihii ay Real Madrid soo dhigtay.

Cristiano Ronaldo ayaa cod aqlabiyad ah ugu guulaystay abaal marinta xidiga aduunka ugu fiican isaga oo guud ahaan codkii la bixiyay ka helay boqolkiiba 43.16% halka Lionel Messi oo kaalinta labaad galay uu guud ahaan codbixintii la dhiibtay uu ka helay boqolkiiba 19.25% waxaana kaalinta saddexaad boqolkiiba  6.97% ku galay Neymar Jr.

Sidaa daraadeed, shabakada Gool24.net ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa codbixintii kabtanada iyo tababarayaasha xulalka qaramada aduunka ee ay ugu soo codeeyeen Cristiano Ronaldo, Lionel Messi iyo Neymar Jr.  Haddaba sidee ayay tababaryaasha iyo kabtanadu ugu qayb sameeyeen codbixintii xidiga aduunka ugu fiican?

Ka hor inta aanan idiin soo gudbin codbixinta iyo qaabkii ay u dhacday aan marka hore idiin soo gudbiyo qaabkii abaal marinaha loogu kala guulaystay oo dhamaystiran isla markaana kooban.

Xidiga Aduunka Ugu Fiican: Cristiano Ronaldo

Xidigta Aduunka Ugu fiican: Lieke Martens

Tababaraha Aduunka Ugu Fiican: Zinedine Zidane

Macalimada Aduunka Ugu Fiican: Sarina Wiegman

Goolhayaha Aduuna Ugu Fiican: Gianluigi Buffon

Goolka Aduunka Ugu Fiican Ee Puskás Award: Olivier Giroud

Abaal Marinta Taageerayaasha Aduunka Ugu Fiican Ee Fan Award: Celtic

Abaal Marinta Fair Play Award: Francis Kone

Shaxda Kooxda Aduunka Ugu Fiican ee World11: Gianluigi Buffon; Dani Alves, Leonardo Bonucci, Sergio Ramos, Marcelo; Toni Kroos, Andres Iniesta, Luka Modric; Cristiano Ronaldo, Lionel Messi, Neymar.

Haddii aan ku soo laabano qaabkii kabtanada iyo tababarayaasha xulalka qaramada aduunku ay codka u bixiyeen waxaa marka hore iga xusuusin ah in kabtan kasta iyo tababare kastaaba uu haysta fursada uu saddexda ciyaartoyba uu ugu codayn karayay laakiin kaalinta uu ugu codeeyo ayaa qiimo gaar ah sheegaysay iyada oo haddii kaalinta kowaad loogu codeeyo ay la micno ahayd 5 dhibcood, kaalinta abaad 3 dhibcood halka codka kaalinta saddexaad uu 1 dhibic la micno ahaa.

Aan ugu horaysiiyo Cristiano Ronaldo oo kabtan u ah xulka qaranka Portugal saddexdii xidig ee uu u codeeyay waxaad arki kartaa in aanu codkiisa dhaafin isla kooxdiisa Real Madrid , wuxuuna Ronaldo kaalinta kowaad ugu codeeyay Luka Modric oo uu 5 dhibcood siiyay, waxa uu kaalinta labaad iyo 3 dhibcood ugu codeeyay Sergio Ramos laakiin Ronaldo miyuu ka cadhoon doonaa Marcelo waxa uu siiyay hal dhibic iyo codka saddexaad !!.

Haddii aan soo qaadano xidiga kaalinta labaad ka galay abaal marinta The Best ee Lionel Messi oo kabtan u ah xulka qaranka Argentina waxaad markale arki kartaa in Messi laftiisu aanu codkiisa dhaafin Barcelona wuxuuna kaalinta kowaad iyo shan dhibcood siiyay Luis Suarez, wuxuuna 3 dhibcood iyo kaalinta labaad uu ugu codeeyay Andres Iniesta laakiin miyay jamaahiirta Barcelona ka cadhoon doonaan in Messi uu codkiisa saddexaad iyo hal dhibic uu u hibeeyay saaxiibkiisii hore ee Neymar Jr oo waliba la tartamayay?.

Aan soo qaadano kabtanka Brazil oo uu Dani Alves matalayay wuxuuna xidiga ree Brazil u muuqdaa mid dhinaca codka kaga fiican Ronaldo iyo Messi laakiin isaga laftiisu waxa uu kaalinta kowaad siiyay xidiga ay isku qaranka iyo kooxda yihiin ee Neymar Jr oo uu u hibeeyay shan dhibcood iyo kaalinta kowaad, waxa uu kaalinta labaad iyo 3 dhibcood siiyay Lionel Messi halka Ronaldo uu kaalinta saddexaad iyo hal dhibic siiyay.

Aan soo qaadano kabtanka xulka qaranka England oo uu Jordan Henderson matalayay wuxuuna kaalinta kowaad ugu codeeyay Cristiano Ronaldo oo uu shanta dhibcood farta ka saaray, waxa uu kaalinta labaad ugu codeeyay Lionel Messi oo uu saddex dhibcood siiyay halka Luis Suarez uu kaalinta saddexaad iyo hal dhibic siiyay.

Waxaa suurtogal ah in dadka qaar ay iswaydiiyaan muxuu Jordan Henderson codbixinta kala soo dooday Luis Suarez, haddii aad su’aashan iswaydiisay waxay jawaabtu tahay in kabtanada iyo tababarayasha xulalka qaramada aduunku ay u codaynayeen dhamaan liiskii ay markii hore FIFA soo saartay oo uu shaqsi kastaaba kala soo baxay saddexda ciyaartoy ee uu arko in ay abaal marintan u qalmaan taas oo la micno ah in aan codbixintu ku koobnayn saddexda xidig ee abaal marintan iskguu soo hadhay.

Sidaa daraadeed, markii codkii laysku geeyay waxaa saddexda ciyaartoy ee ugu codbadan noqday Cristiano Ronaldo oo abaal marintan ku guulaystay, Lionel Messi oo kaalinta labaad galay iyo Neymar jr oo kaalinta saddexaad galay.

Iyada oo dhamaadka warbixintan aad heli doonto dhamaan kabtan kasta iyo tababare kastaaba cidii uu codkiisa kala siiyay aan markale soo qaadano qaar ka mid ah codadkii tababarayaasha aduunka iyada oo aan ugu horaysiin doono kabtanka xulka qaranka Portugal ee Fernando Santos waxaana sida iska cad uu kaalinta kowaad iyo shan dhibcood siiyay xidigiisa Ronaldo, waxa uu kaalinta labaad iyo saddex dhicbood uu siiyay Luka Modric halka Messi uu kaalinta saddexaad iyo hal cod uu siiyay.

Taas badalkeeda tababaraha xulka qaranka Argentina ee Jorge Sampaoli kaalinta kowaad isna ugu codeeyay xidigiisa Lionel Messi uu shanta dhibcood siiyay, kaalinta labaad waxa uu saddex dhibcood ku siiyay Cristiano Ronaldo halka uu kaalinta saddexaad hal dhibic ku siiyay Marcelo.

Haddii aan soo qaadano tababaraha xulka qaranka Djibouti ee Moussa Khasoum waxa uu kaalinta kowaad shan dhibcoodku siiyay Cristiano Ronaldo halka kaalinta labaad uu saddex dhibcood ku siiyay Lionel Messi wuxuuna hal dhibic kaalinta saddexaad ku siiyay Marcelo.

Tababaraha xulka qaranka Spain ee Julen Lopetegui ayaa saddexda xidig ee uu soo xushay waxay noqdeen xulka qarankiisa Spain wuxuuna kaalinta kowaad ugu codeeyay Sergio Ramos, wuxuuna kaalinta labaad siiyay Dani Carvajal halka kaalinta saddexaad uu siiyay Andres Iniesta.

Suurtogal ma aha in aan halkan idiiku wada sharixi karo qaabkii aduunka oo dhan codbixinta looga so dhiibtay laakiin aan halkan idiinku soo gudbiyo qormada ay FIFA soo saartay oo dhamaystiran taas oo muujinaysa kabtan kasta iyo macalin kastaaba saddexdii xidig ee uu u codeeyay.

Waxaad awoodi kartaa in aad halkan ka dajisato ama aad ka akhrisan karto codibixintii xidiga aduunka ugu fiican lagu soo dooranayay oo dhamaystiran. Halkan riix qaabkii codbixintu u dhacday. Codbixintii kabtanada iyo tababarayaasha xulalka qaramada aduunka ee The Best

Haddii ayna sawirada hoose ee codbixintu si fiican kuugu muuqan linkiga sare ka dajiso ama ka fiiri codbixinta oo dhamaystiran. Laakiin haddii aad mobile isticmaalayso waa in aad haysato barnaamijka PDF.