WARBIXIN: Arsenal Musiibo Dhab Ah Ayay Xilli Ciyaareedka Dambe Gali Doontaa Haddii Ay SADDEXDAN Hoggaamiye Ka Tagaan Kaddib Aaron Ramsey & Petr Cech.

Kooxda Arsenal ayaa soo qaadatay xilli ciyaareed kale oo ku adag waxaana ay haatan seegayaan tartanka UEFA Champions League ee xiisaha badan markii saddexaad oo xidhiidh ah iyaga oo markale ka dheeli doona UEFA Europe League.

Gunners ayaa booska shanaad kaga soo dhammaystay kala sarreynta Premier League waxaana ay Final-kii UEFA Europe League oo xilli ciyaareedkooda wax weyn ka bedeli karayay ay guuldarro 1-4 ah kala kulmeen Chelsea.

Si kastaba, Xaalada Gunners ayaa xilli ciyaareedka dambe noqon karta mid sii xumaata oo gabi ahaanba faraha ka baxda haddiiba suuqa kala iibsiga ee kooxdeedu uu sida uu haatan yahay kusii socdo.

Sababta uu xaalka Arsenal uga sii dari doono ayaa ah in xiddigihii hoggaaminta dabiiciga ah lahaa ee safkeedu ay sii yaraanayaan kaddib bixitaankii Aaron Ramsey iyo hawl gabkii halyeey Petr Cech.

Kooxda ree London ayaa marka horeba lagu eedayn jiray inaysan sida kooxaha kale ee dhigeeda ah lahayn xiddigo leh hoggaamin ay ciyaartoyda kale ee kooxda ku riixaan.

Aaron Ramsey oo ahaa shaqsi hoggaamiye ah kuna soo bar-baaray Emirates Stadium oo yaqaana taariikhda kooxda ayaa qaab xor ah ugu wareegaya kooxda Juventus kaddib 30-ka bishan June.

Kooxda Unai Emery ayaa xataa heerkeeda xiddigaha hoggaaminta lehi ay god kusii dhici karaan maadaama oo haatan bixitaan lala xidhiidhinayo kabtanka kooxdeeda ee Kosceilny, Ozil iyo Granit Xhaka.

Saddexdaas xiddig ayaa dhammaantood ah kuwo leh hoggaamin qolka labiska ah isla markaana inta ugu badan xidha calaamada kabtanimo ee kooxda balse mustaqbalkooda ayay calaamad su’aal saarantahay saddexdaba.