WARBIXIN: Akhriso Sida Ay Abid Kooxuhu Ugu Kala Badan Yihiin Ku Guuleysiga Ballon d’Or – Kooxdee Ayay Ciyaartoyeedu Inta Ugu Badan Abaalmarintaas Hanteen ?

Waxa ugu weyn ee maanta lagu mashquulsan yahay marka ay noqoto dhinaca kubadda cagta isla markaana leh hadal haynta ugu badan ayaa ah abaalmarinta Ballon d’Or oo caawa lagu kala calaf-qaadi doono.

Labada ciyaartoy ee la filayo inuu loolanka ugu weyni dhex mari doono ayaa kala ah daafaca waxqabadka weyn kusoo sameeyay Livepool ee Virgil Van Dijk iyo kabtanka Barcelona ee Lionel Messi oo markale xogo cajiib ah soo diiwaan gashaday.

Haddaba, Kahor bandhiga caawa waxaanu halkan idiinku muujin doonaa liiska kooxaha ay ciyaartodoodu inta ugu badan kusoo guuleysteen abaalmarintan iyo sida ay u kala sarreeyaan.

Aan ku bilawnee kooxaha xifaaltanka weyni ka dhexeeyo ee Barcelona iyo Real Madrid ayaa ka siman abaalmarinaha ay ciyaartodoodu ku qaadeen ee Ballon d’Or iyagoo min 11 leh, Madrid ayay 11 jeer Ballon d’Or ku qaadeen toddoba ciyaartoy oo kala duwani halka ay Barca lix ciyaartoy oo kala duwani 11 jeer ku qaadeen.

Advertisements

Waxa soo raaca kooxaha ree Talyaani ee Juventus iyo AC Milan oo ay xiddigahoodu kusoo wada guuleysteen min siddeed jeer abaalmarintan Ballon d’Or iyagoo min lix ciyaartoy ay siddeed jeer abaalmarintaas ku guuleeyeen.

Waxa soo raacda Bayern Munich oo Germany ka socota oo ay saddex xiddig oo kala duwani shan jeer qaadeen Ballon d’Or iyaga oo ka tirsan kooxdooda halka Manchester United kooxda ugu soo horreysa England ay afar ciyaartoy oo kala duwani afar Ballon d’Or ku guuleeyeen.

Kooxaha kala ah Dynamo Kyiv, Inter Milan, Hamburg iyo Ajax ayay ciyaartoydoodu min laba jeer kusoo kala guuleysteen Ballon d’Or.

Dhinaca kale kooxaha kala ah Benfica, Blackpool, Dortmund, Monchengladbach, Dukla Prague, Dynamo Moscow, Ferencvaros, Liverpool iyo Marseille ayay xiddigahoodu min hal jeer ku hanteen abaalmarintan.

Advertisements