WARBIXIN: Saddex Xaaladood Oo Uu Xulka Argantina Ugu Soo Bixi Karo Koobka Aduunka Soo Aadan Ee Sanada 2018, Xili Rajada Ay Haatan Ka Qabaan Ay Halis Ku Jirto.

Rajadii Argentina ee koobka aduunka ayaa u muuqata mid halis kale sii gashay, kadib markii ay markale ku fashilmeen in ay guul ka gaadhaan xulka qaranka Peru oo marti ugu ahaa Buenos Aires. Inkasta kooxda Jorge Sampaoli ay heleen fursado ay kulankan ugu guulaysan kareen haddana waxay awoodi waayeen in ay saddexda dhibcood helaan. waxayna tani keentay in Argentina ay barbaro kale oo niyadjab leh la gasho xulka qaranka Peru.

Kalitya waxaa ka harsan min hal kulan ay ka ciyaari doonaan isreeb reebka koobka aduunka loogu soo Baxayo ee South America iyo kulamadan saamaynta wayn yeelan doonaan isla markaana lagu qiimeyn doono xulal kasoo bixi doono, xili Lionel Messi iyo saaxiibadiis ay haatan fadhiyaan booska 6aad ee dhanka kal sareynta kadib markii ay aruursadeen 25 dhibco.

Hadaba 4ta xul qaran ee ku dhameysata qeybta sare ayaa si toos ah ugu soo gudbi doona koobka aduunka uu marti galin doono dalka Russia sanada 2018, halka xulka ku dhameysta booska 5aad uu aadi doono kulamo kale oo isreeb reeb ah.

Si aan u ogaano nasiibka iyo qaabka ay kusoo bixi karaan xulka qaranka Argantina waxaan soo bandhigi doonaa xaaladaha iyo qaab kasta uu xulka uu hogaaminayo Jorge Sampaoli uu kusoo bixi karo.

Ugu horeyn kulamada soo aadan ay lagu go’aamin karaa soo bixitaanka xulka Argantina Ecuador (vs Argentina ((25 dhibcood)- Brazil (oo horey u haqiijisay inay u soo gudubtay koobka aduunka 2018) vs Chile- Peru (25 dhibcood)  Vs Colombia (26 dhibco).

Hadaba Sidee Argantina Ugu Soo Gudbi Kartaa Koobka Aduunka Sanada 2018 Uu Marti Galin Doono Dalka Russia.

Suurtagalnimada ugu horeeya: hadii Argentina ay ka guuleysato Ecuador, sidoo kale Brazil ay iyadana guul ka gaadho Chile ama bar baro ay wada galaan, gaar ahaan kulanka Peru iyo Colombia taasoo macnaheedu yahay in ugu yaraan midkood uu lumiyo dhibco. xaaladdan oo kale, Argentina waxay si toos ah u gali doontaa booska xulka Chile, iyo sidoo kale xulalka Peru iyo Colombia, ama hadii ay wada galaan barbaro!.

Suurtogalnimada labaad ayaa ah: in Argentina ay guul kasoo gaadho Ecuador, isla markaana kulanka uu xulka Colombia uu la yeelan doono Peru uu ku dhamaado barbaro, taasoo ka dhigeysa in Arjantiin ay si toos ah ugu soo baxdo koobka aduunka iyadoo xitaa aan la fiirin doonin ciyaaraha Brazil ay la ciyaarayaan Chile.

Fursada seddexaad: Waa in xulka Chile uu ka badiyaa Brazil, Peru ay ka badisaa Colombia, laakiin Argentina ay saddexda dhibcood gacanta kaga dhigtaa Ecuador in ka badan hal gool,. Xaaladdan oo kale Argentina ayaa si toos ah u aadi doonta kaalinta afaraad, waxayna kaga sari mari doontaa xulalka Colombia iyo Peru farqiga goolasha!.