WARBIXIN: 20-ka Kooxood Ee Lacagta Ugu Badan Is Geliyay Tan Iyo 2008 Oo La Shaaciyay & Real Madrid Iyo Barcelona Oo Laga Horreeyo.

Kooxda Manchester City ayaa noqotay kooxda lacagta ugu badan kooxdeeda soo galisay 11-kii sano ee ugu dambeeyay iyada oo in badan ka sarre martay xataa kooxda kaalinta labaad ee ugu soo dhaw.

Manchester City oo uu hoggaaminayo tababare Pep Guardiola ayaa kusoo guuleysatay dhammaan saddexleyda maxaliga ah ee England waana markii ugu horreysay ee abid sidaas la sameeyo waxaana intaas u dheer ciyaar aad u qurxoon.

Sky Blues ayaan heerkan kusoo gaadhin qaab sahlan waxaana ka dambaysa inay koox guuleed noqdaan lacago badan oo shidaal iyo tamar riixda looga soo dhigay.

Tan iyo 2008, Kooxdan ayaa suuqa kala iibsiga galisay aduun lacageed oo £1.2bn ah waana lacag wax badan ka sarreysa kooxda ugu soo dhaw.

SIDOO KALE AKHRISO:  Mourinho Ilaa Iyo Guardiola - Liiska 10ka Tababare Ee Lacagta Ugu Badan Abid Ku Qarashgareeyay Suuqa Kala Iibsiga Oo La Soo Saaray

Warbixintan oo laga soo xigtay Transfermarkt ayaanu halka hoose idiinku muujin doonaa 20-ka kooxood ee lacagta ugu badan suuqa kusoo bixiyay tan iyo 2008.

1. Man City, £1.5bn (-£1.2bn)

2. Real Madrid, £1.27bn (-£658m)

3. Barcelona, £1.27bn (-£658m)

4. Chelsea, £1.22bn (-£446m)

5. PSG, £1.11bn (-£821m)

6. Juventus, £1.08bn (-£426m)

7. Man Utd, £1.04bn (-£721m)

8. Liverpool, £1.01bn (-£327m)

9. Inter Milan, £786m (-£237m)

10. AC Milan, £745m (-£346m)

11. Atletico Madrid, £740m (-£69m)

12. AS Roma, £691m (-£32m)

13. Arsenal, £665m (-£297m)

14. Tottenham, £664m (-£72m)

15. Bayern Munich, £661m (-£395m)

16. AS Monaco, £615m (+£247m)

17. Napoli, £593m (-£222m)

SIDOO KALE AKHRISO:  "Waa Ciyaartoyga Ay Tahay In Liverpool Eegto Haddii Ay Doonayso Horumarka Xiga" - Jamie Carragher Oo Jurgen Klopp Farta Ugu Fiiqay Xiddiga Reds Ka Dhiman.

18. Borussia Dortmund, £562m (+£25m)

19. Everton, £530m (-£220m)

20. Wolfsburg, £506m (-£180m)

Dabcan 2008 ayaa ah markii ay Manchester City qabsadeen mulkiilayaasha carbeed waana bilawgii waayaha guusha ee Sky Blues oo taariikhdooda inta ugu cajiibsani ay halkaas kasoo curatay.