Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ee Ay Maanta Oo Jimce Ah Qoreen Wargeysyada Yurub

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel walba oo aad joogtaan, sida aan inooga barateen waxaan maanta oo Jimce ah idiin soo gudbineynaa wararkii ugu danbeeyay ee ay qoreen wargeysyada iyo warbaahinta qaarada Yurub ee ku saabsan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

FIIRO GAAR AH: Wararka Suuqa kala iibsiga  waxaa xaqiiqonimadooda iska leh hadba wargayska ku hor qoran ee xogta suuqa helay, sidaa daraadeed, shabakada Gool24 kama masuul aha xaqiiqinimada warararka suuqa kala iibsiga maadaama oo aanu soo turjunay oo kaliya.

Dabcan suuqa kala iibsiga ee Premier League ayaa si rasmi ah u xidhmay 8-dii August balse waxa wali furan suuqa horyaalada kale ee Yurub oo 2-da bisha September xidhmi doona.

SIDOO KALE AKHRISO:  Miyay Willian, N'Golo Kante & Rudiger Seegayaan Kulanka Berrito Chelsea Booqanayso Ee Man United? Tababare Lampard Ayaa Su'aashan Muhiimka Ah Ka Jawaabay.

WARARKII UGU DAMBEEYAY EE SUUQA

Barcelona ayaa Neymar JR oo ah bar-tilmaameedkeeda koowaad ee suuqa kala iibsiga ka codsatay inuu saxaafada ka hor sheego inuu doonayo u dhaqaaqista kooxdooda si ay uga hor istaagto Real Madrid oo maalmihii ugu dambeeyay saxeexiisa ka shaqaynaysa. (Sport)

Chelsea ayaa dalab 80 Milyan oo Pound ah ka gudbin doonta garabka kooxda Crystal Palace ee Wilfred Zaha haddiiba laga qaado ganaaxa suuqa kala iibsiga bisha January. (Sun)

Heshiiskii uu Paulo Dybala kaga soo dhaqaaqayay kooxda Juventus ee uu ugu soo biirayay dhinaca Tottenham ayaa burburay shalay sababtoo ah is afgaran waa dhinaca xuquuqda sawirada xiddigaas ah.(ESPN)

SIDOO KALE AKHRISO:  Xidigii Liverpool Ay Rekoodhkeeda Suuqa Kooxdeeda U Jabisay Ee Andy Carroll Oo Si Layaab Leh U Qirtay Sheeko Lagu Xaman Jiray.

Spurs ayaa Juventus weydiistay inay bixiyaan lacagaha xuquuqda sawirada Dybala walow aysan Juve ogolaan bixinta lacagtaas.. (90min)

Tottenham ayaa dhinaca kale filanaysay inay 64 Milyan kula wareegi karto Dybala balse Juventus ayuuba ka baxay xiisihii badnaa ee ay ku iibinaysay Dybala kaddib markii ay waayeen Romelu Lukaku oo Inter Milan u wareegay. (Telegraph)

Romelu Lukaku ayaa go’aansaday inuu iskaga tago Manchester United kaddib muran dhex maray isaga iyo tababare ku xigeenka kooxdaas ee Mike Phelan kaddib markii uu Lukaku ku fashilmay inuu baska raaco wakhtigiisii. (The Sun)

Manchester United backed ayaa gabi ahaanba iska laabtay xiisahii Mario Manduzkic kaddib dalabka lacagta ee Juventus iyo mushaharaadka uu xiddigu doonayo oo batay. (ESPN)

SIDOO KALE AKHRISO:  DEG DEG: Philippe Coutinho Oo Iska Diiday Mid Ka Mid Ah Kooxihii Waqooyiga London Ee Amaahda Ku Doonayay

Real Madrid ayaa aaminsan in albaabka Man United ee uu kasoo bixi lahaa Paul Pogba uu gabi ahaanba xidhmay kaddib markii ay Red Devils samayn waayeen wax saxeex ah oo khad dhexe ah waxaana ay haatan diirada saari doonaan saxeexa Neymar JR oo PSG ka tirsan. (Marca)

Sababta ugu weyn ee David Luiz ku dhalisay inuu Chelsea ku qasbo inay ka iibiyaan Arsenal ayaa ahayd inuu ka baqay inuu keyd ka galo shaxda tababare Frank Lampard (Standard)

Tottenham ayaa ka cadhootay diidmadii kooxda Sporting Lisbon ee inay hoos u dhinto qiimaha ay ku doonaysay khadkeeda dhexe ee Bruno Fernandes. (Mirror)