Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ee Ay Maanta Oo Isniin Ah Qoreen Wargeysyada Yurub

Wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda
Wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel walba oo aad joogtaan, sida aan inooga barateen waxaan maanta oo Isniin ah idiin soo gudbineynaa wararkii ugu danbeeyay ee ay qoreen wargeysyada iyo warbaahinta qaarada Yurub ee ku saabsan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

FIIRO GAAR AH: Wararka Suuqa kala iibsiga  waxaa xaqiiqonimadooda iska leh hadba wargayska ku hor qoran ee xogta suuqa helay, sidaa daraadeed, shabakada Gool24 kama masuul aha xaqiiqinimada warararka suuqa kala iibsiga maadaama oo aanu soo turjunay oo kaliya.

WARARKA SUUQA KALA IIBSIGA

Dalabka Arsenal ee 25ka milyan ginni ee ay ka gudbiyeen daafaca bidix ee Celtic Kieran Tierny ayaa waxaa ku xiran sharuudo badan oo lagu lagu kala bixinayo oo ay ka mid tahay in Arsenal ay u soo baxdo Champions League. Celtic ayaase u aragta inaysan aheyn wax waaqici ah waxaana ay doonayaan in si kaash ah loo wada siiyo lacagta. (Sky Sports)

SIDOO KALE AKHRISO:  Liverpool Oo Si Cajiib Ah U Hareermartay Sharci Cusub Oo Premier League Lagu Soo Kordhiyay Kulankii Xalay Ee Norwich

Kooxda horyaalka Shiinaha ka dhisan ee Beijing Guoan ayaa dooneysa inay la wareegto weeraryahanka Real Madrid Gareth Bale. Waxa ay doonayaan inay 30 jirkaan reer Wales ka dhigaan xiddiga ugu mushaharka badan taariikhda kubada cagta Shiinaha iyagoo u soo bandhigaya mushahar 1 milyan ginni isbuucii ah. (Telegraph)

Manchester United oo hore si xoogan loola xiriirinayay Gareth Bale ayaan haatan dooneynin inay la soo wareegaan. (Manchester Evening News)

Manchester United ayaa ugu danbeyn heshiis kala gaartay kooxda Leicester City saxiixa daafaca Ingariiska Harry Maguire. 26 jirkaan ayaa Old Trafford ku imaan doona heshiis 80 milyan ginni ah. (Bleacher Report)

Manchester City ayaa weli xiiseyneysa saxiixa Maguire laakiin waxa ay u baahan yihiin inay iska iibiyaan Nicolas Otamendi oo 31 sanno jir ah iyo Eliaquim Mangala oo 28 sanno jir ah si ay u awoodaan lacagta xiddiga Ingariiska. (Daily Mirror)

SIDOO KALE AKHRISO:  Waa Kuma Xiddiga Liverpool Ee Sariir La Seexday Koobkii UEFA Super Cup Ee Ay Ka Qaadeen Chelsea?

Daafaca Faransiiskaa ee kooxda Arsenal Laurent Koscielny oo 33 sanno jir ah ayaa heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda horyaalka Faransiiska ee Rennes xilli uu Gunners ku qasbayo inay kansalaan qandaraaskiisa. (RMC Sport)

Arsenal ayaa ku dhow inay garaacdo kooxda Tottenham saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid Dani Ceballos. 22 jirka reer Spain ayaa Emirates ku tagaya heshiis amaah ah. (Daily Mirror)

Xiddiga khadka dhexe ee Liverpool James Milner ayaa sheegay inuusan hubin mustaqbalkiisa mudada dheer ee kooxda inkastoo uu doonayo inuu dheereysto qandaraaskiisa. (Liverpool Echo)

Bayern Munich aaya si lama filaan ah ugu soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Ivory Coast ee kooxda Crystal Palace Wilfried Zaha ka dib markii ay ku guuldareysteen saxiixa Leroy Sane iyo Gareth Bale. (90min)

Crystal Palace ayaa laga soo diiday dalab 20 milyan ginni ah oo ay ka gudbiyeen daafaca Ingariiska ee kooxda Chelsea Reece James. 19 jirkaan ayaa amaah ku joogay kooxda Wigan xilli ciyaareedkii la soo dhaafay. (Daily Star)

SIDOO KALE AKHRISO:  Maanta Ayuu Garanayaa Micnihii Dhabta Ahaa Ee Hadalkan! Erayadii Mucjisada Lahaa Ee Uu Jurgen Klopp U Sheegay Philippe Coutinho Oo Maanta Taagan.

Kooxaha Arsenal, Chelsea, Manchester United iyo West ham ayaa dhamaantood xiiseynaya 20 jirka kooxda Dynamo Kiev ee dalka Ukraine Mykola Shaparenko. (Caught Offside)

Real Madrid ayaa diiday lix dalab oo laga soo gudbiyay 23 jirka khadka dhexe ee Spain Marco Asensio kaasoo lala xiriirinayay Liverpoo. (Cadena SAR)

Kooxda Burnley ayaa dalab 11 milyan ginni ah ka gudbisay 20 jirka garabka ka ciyaara ee Barcelona Marc Cucurella ka hor inta uusan go’aansanin inuu amaah ugu biiro kooxda Getafe. (Marca)

Heshiiskii amaahda ee goolhayaha Man United iyo xulka England ee 21 jirada Dean Henderson uu ugu biiri lahaa Sheffield United ayaa shaki ku jiraa iyadoo kooxda ay suuqa ka raadineyso goolhayayaal u dhigma. (The Sun)