Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ee Ay Maanta Oo Arbaca Ah Qoreen Wargeysyada Yurub

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel walba oo aad joogtaan, sida aan inooga barateen waxaan maanta oo Arbaca ah idiin soo gudbineynaa wararkii ugu danbeeyay ee ay qoreen wargeysyada iyo warbaahinta qaarada Yurub ee ku saabsan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

FIIRO GAAR AH: Wararka Suuqa kala iibsiga  waxaa xaqiiqonimadooda iska leh hadba wargayska ku hor qoran ee xogta suuqa helay, sidaa daraadeed, shabakada Gool24 kama masuul aha xaqiiqinimada warararka suuqa kala iibsiga maadaama oo aanu soo turjunay oo kaliya.

Dabcan suuqa kala iibsiga ee Premier League ayaa si rasmi ah u xidhmay 8-dii August balse waxa wali furan suuqa horyaalada kale ee Yurub oo 2-da bisha September xidhmi doona.

WARARKA SUUQA KALA IIBSIGA

Barcelona ayaa heshiiska ugu hadal haynta badan suuqa xagaagan ee Neymar JR dhammaysiri karta maalinimada Jimcaha ee soo socota. (Paris United)

SIDOO KALE AKHRISO:  Alexis Sanchez Iyo Jamaahiirta Man United Oo Ugu Dambayn Kala Raysan Doona, Sanchez Oo Koox Heshiis La Gaadhay & Faah-Faahinta Heshiiskiisa.

AC Milan ayaa diyaar u ah inay iibiso goolhaye Gianluigi Donnarumma iyada oo ka iibinaysa PSG si ay maalgelin ugu hesho heshiis ay midkood James Rodriguez ama Isco kagala soo wareegayso Real Madrid (Gazzetta dello Sport)

Sevilla ayaa qiratay inay ku fashilantay saxeexa garabka kooxda PSV ee Steve Bergwijn kaddib markii kooxda ree Holland ay dalbatay 40 Milyan oo ah in ka badan 10 Milyan lacagtii ay filanaysay Sevilla. (Estadio Deportivo)

Inter Milan ayaa diyaar u ah inay kooxda ay xifaaltamaan ee Juventus kula tartanto da’yarka kooxda Fiorentina ee Federico Chiesa kaas oo 75 Milyan oo euro lagu qiimeeyo. (Corriere della Serra)

Daafacii hore ee Manchester City ee Aleksander Kolarov ayaa ka dhaqaajinaya kooxda AS Roma si uu ugu wareego kooxda ree Turkey ee Fenerbahce. (Fotomac)

SIDOO KALE AKHRISO:  XOG: Waa Kuwee Saddexda Ciyaartoy Ee Ay Liverpool Heshiiiskooda Dhamaystiri Karto Saacadaha Suuqa Kala Iibsiga Ka Hadhsan?

Tiemoue Bakayoko ayay macquul tahay inuu ku laabto kooxdiisii hore ee Monaco kaddib markii kooxdaasi ay wada xaajood ay dib ugu qaadanayso Bakayoko la furtay kooxdiisa Chelsea. (L’Equipe)

Daniele Rugani oo Juventus ka tirsan ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda AS Roma oo shan Milyan kusii bixinaysa heshiis amaah ah oo ay hadha 25 Milyan si rasmi ah ugula wareegi karto. (various)

Borussia Dortmund ayaa xidhiidh la samaysay kooxda Juventus iyada oo ka doonaysa saxeexa weeraryahan Mario Mandzukic oo bar-tilmaameed u ahaa Man United.  (Gazzetta dello Sport)

Tababaraha kooxda Ajax ee Erik Ten Hag ayaa ku adkaystay inuu kooxdiisa xilli ciyaareed kale sii joogi doono Donny van De Beek walow heshiis 50 Milyan ah lagula xidhiidhinayo Real Madrid. (AS)

SIDOO KALE AKHRISO:  Xog Cusub Oo Ka Soo Korodhay Kulankii Maanta Dhex Maray Saraakiisha Barcelona & PSG Iyo Barca Oo Laba Arimood Doonaysa.

Atletico Madrid oo cidkasta ka yaabsanaysa suuqa xagaagan ayaa markale heshiis weyn oo 60 Milyan ah kula wareegaysa weeraryahanka Valencia ee Rodrigo waxaana la filayaa inay maalmaha soo socda dhammaystiri doonto. (Goal)

Madaxda ka tirsan kooxda Flamengo ayaa duulimaad samayn doona si ay wadahadalo waji ka waji ah ula yeeshaan Mario Balotelli kaddib markii ay ku najaxeen tartankii loogu jiray. (Gazzetta dello Sport)

Espanyol, Marseille iyo Valencia ayaa la filayaa inay ku tartamaan weeraryahan Mariano Diaz oo dhaafsan baahiyaha Real Madrid kahor inta uusan suuqa qaarada Yurub xidhmin. (Marca)

Hirving Lozano oo ka tirsan PSV ayaa 24-ka saacadood ee soo socda dhammaystiri kara heshiis uu 35 Milyan ugu biirayo dhinaca kooxda Napoli. (De Telegraaf)