Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Iyo Waxyaabihii Ay Maanta Oo Sabti Ah Ka Qoreen Wargaysyada Yurub.

Asalaamu calaykum, idilkiinba salaan akhristayasha sharafta lahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii wararka suuqa kala iibsiga iyo waxyaabihii ay wargaysyada Yurub ka qoreen maanta oo sabti ah.

Kooxaha Yurub ayaa dagaal wayn ugu jira in ay suuqa kala iibsiga ka raadsadaan ciyaartoyda ay u arkaan in ay kooxahooda xooin u noqon karaan inta aan la gaadhin xili ciyaareedka cusub.

Shabakada Gool24 oo aad uga barateen in ay marakasta si joogto ah idiinla socodsiiso wararka suuqa ayaa halkan idiinku soo ururisay wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo xidigaha la kala doonayo.

FIIRO GAAR AH: Wararka Suuqa waxaa xaqiiqonimadooda iska leh hadba wargayska ku hor qoran ee xogta suuqa helay, sidaa daraadeed, shabakada Gool24 kama masuul aha xaqiiqinimada warkan maadaama oo aanu soo turjunay oo kaliya.


Real Madrid ayaa lagu qasbay in ay 150 milyan gini oo qadimaad ah bixiso haddii ay doonayso in ay xagaagan la wareegto Pual Pogba iyada oo United meel adag iska taagtay in uu 26 sano jirkani kooxdeeda ka baxo.(Mirror)

Arsenal ayaa rajaynaysa  in ay dhegaysato dalabyada lagu doonayo gool dhaliyaha kooxdeeda ee Pierre-Emerick Aubameyang laakiin suurtogal ma noqon doonto in loo ogolaado in 30 sano jirkani uu ku biiro kooxaha Manchester United iyo Liverpool. (90min.com)

Gool dhaliyaha xulka Ivory Coast ee Wilfried Zaha ayaa kooxdiisa Crystal Palace ka dalbaday in loo ogolaado in uu Arsenal isla markaana hoos loo dhigo qiimaha lagu iibinayo laakiin Eagles ayaa 26 sano jirkan ku doonaysa £80m. (Mirror)

Chelsea ayaa qorshaynaysa in ay ku dhawaado magacaabista macalinkii kooxda Derby County ee Frank Lampard isaga oo todobaadka soo socda bilaaban doona tababarka ka horeeya kulamada saaxiibtinimo ee Blues.. (Sun)

Manchester United ayaa kalsooni ku qabta in ay dhamaystiri doonto saxiixa xidiga kooxda Newcastle United ee Sean Longstaff iyo xidiga kooxda Sporting ee Bruno Fernandes. (Evening Standard)

Qoyska Christian Eriksen ayaa guri ka raadsanaya magaalada Madrid iyada oo xidiga reer Denmark uu rajaynayo in uu dhamaystiri doono heshiiska riyada u ah ee uu Madrid ku doonayo. (Times)

Chelsea ayaa kooxda Atletico Madrid ku amartay in ay 50 milyan gini ka bixiyaan Alvaro Morata ama in ay Blues dib u soo ceshan doonto 26 sano jirkan reer Spain iyada oo wali ganaaxa suuqu saaran yahay Chelsea. Telegraph)

Tababaraha kooxda Tottenham Hotspuree Mauricio Pochettino ayaa gudoomiyaha Daniel Levy u sheegay in uu xagaagan lacag badan suuqa galiyo si ay kooxdooda Spurs xoojin ugu sameeyaan(The Sun)

Gareth Bale ayaa baaqi ku sii ahaan kara kooxdiisa Real Madrid kadib markii ay Los Blancos wayday dalab lagu doonayo 29 sano jirkan reer Wales. (Mirror)

Riix 2 aad si aad wararka suuqa u sii wada akhrisato