Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Iyo Waxyaabihii Ay Maanta Oo Khamiis Ah Ka Qoreen Wargaysyada Yurub.

Xidiga kooxda Southampton ee Mario Lemina, oo ay doonayaan kooxaha Manchester United, Arsenal iyo Leicester ayaa sheegay in aanu doonayn in uu xili ciyaareedka cusub ka sii tirsanaado Saints. (France Football, Daily Echo)

Tottenham ayaa isku taagaysa in ay  Real Madrid  amaah kaga soo qaadato xidiga khadka dhexe ee Dani Ceballos oo 22 sano jir ah kaas oo dheeraad ka ah qorshaha Zidane ee Madrid (Mirror)

Laakiin Arsenal ayaa kooxda ay xifiltamaan ee Tottenham ku garaaci karta saxiixa Dani Ceballos iyada oo Unai Emery uu xidiga dalkiisa Spain soo xero galin karo (Marca, Express)

Arsenal ayaa isku diyaarinaysa in ay Crystal Palace u gudbiyaan dalab cusub oo ay Wilfried Zaha ku doonayaan kaas oo ay qayb ka noqon karaan Calum Chambers, Carl Jenkinson ama Mohamed Elneny iyada oo Crystal Palace hore u soo diiday dalabkii 40 ka milyan gini ahaa.(Mirror)

Manchester City ayaa doonaysa in ay kooxdeeda ku sii haysato xidiga khadka dhexe ee Fabian Delph inkasta oo ay lacag rekoodh ah kula soo saxiixdeen Rodrigo isla markaana Delph lala xidhiidhinayay kooxo Premier league ah. (Metro)

Xidiga kooxda Manchester United ee Juan Mata oo 31, sano jir ah ayaa iska diiday lacag £550,000 kun oo gini ah oo uu todobaadkii mushaar ahaan uga qaadan lahaa kooxda reer China ee Shanghai SIPG wuxuuna ka doortay in uu dhimo mushaarkiisii Old Trafford si uu United u sii joogo. (90Min)

Inter Milan ayaa dalabkii ugu horeeyay oo 70 milyan ah ka gudbisay Romelu Lukaku waxayna marka hore ku doonaysaa amaah 10 milyan yuro ah waxayna doonaysaa in 2020 ay 30 milyan bixiso halka 2021 ay doonayso in ay 30 ka kale ee milyan bixiso. (FabrizioRomano)

Barcelona ayaan bixin doonin lacag ka badan 190 milyan yuro ee heshiiska ay ku doonayaan in ay dib ugu soo celiyaan Neymar Jr sababtoo ah waxay aaminsan yihiin in qiimihii xidiga reer Brazil uu hoos u dhacay tan iyo wixii ka danbeeyay markii uu kooxdeeda ka baxay sanadkii 2017 kii (Marca)