Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Iyo Waxyaabihii Ay Maanta Oo Khamiis Ah Ka Qoreen Wargaysyada Yurub.

Wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda
Wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda

Asalaamu calaykum, idilkiinba salaan akhristayasha sharafta lahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii wararka suuqa kala iibsiga iyo waxyaabihii ay wargaysyada Yurub ka qoreen maanta oo khamiis ah.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa si rasmi ah u furmay July 1, waana waqtigii ay kooxuhu sugayeen in ay diwaan galin karaan saxiixyada cusub ee ay samaynayaan.

Kooxaha Yurub ayaa dagaal wayn ugu jira in ay suuqa kala iibsiga ka raadsadaan ciyaartoyda ay u arkaan in ay kooxahooda xooin u noqon karaan inta aan la gaadhin xili ciyaareedka cusub.

Shabakada Gool24 oo aad uga barateen in ay marakasta si joogto ah idiinla socodsiiso wararka suuqa ayaa halkan idiinku soo ururisay wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo xidigaha la kala doonayo.

FIIRO GAAR AH: Wararka Suuqa waxaa xaqiiqonimadooda iska leh hadba wargayska ku hor qoran ee xogta suuqa helay, sidaa daraadeed, shabakada Gool24 kama masuul aha xaqiiqinimada warkan maadaama oo aanu soo turjunay oo kaliya.


Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay Barcelona kala soo wareegto 22 sano jirka reer Brazil ee Malcom waxayna kula tartamaysaa Everton oo haddaba dalab 31.5 milyan gini ah ka gudbisay xdigan. ( Th Sun)

Halayaygii hore ee kooxda Liverpool ee Dean Saunders ayaa aaminsan in tababare Ole Gunnar Solskjaer aanu dhamaaysan doonin xili ciyaareedka cusub oo shaqada Manchester United laga caydhin doono.(talkSPORT)

Manchester United ayaa kalsooni ku qabtay in ay dariskooda Manchester City ku garaaci doonaan saxiixa difaaca kooxda Liecester City ee Harry Maguier oo 26 sano jir ah kaas oo ay 75 milyan ku doonayaan.( Dail Mail)

Gool dhaliyihii hore ee kooxda Chelseaa ee Diego Costa oo 30 sano jir ah ayaa diyaar u ah in uu la hadlo kooxda Everton oo doonaysa in ay si lama filaan ah dib ugu soo celiso Premier league. (The Sun)

Gonzalo Higuain oo dhawaan amaah kaga laabtay Chelsea ayay kooxda West Ham United doonaysaa in ay markale amaah ku soo qaadato iyada oo mustaqbalka 31 sano jirkan ee Juventus uu shaki ku jiro. (Sky Sports Italia)

Tottenham ayaa hogaanka kala wareegtay Atletico Madrid ee tartanka loogu jiro da’yarkii hore ee kooxda Barcelona ee Dani Olmo iyada oo  21 sano jirkan ay hore Man United uga doonaysay kooxdiisa Dinamo Zagreb waxaana lagu qiimaynayaan £27m . (AS)

Kooxda Everton suuqa gool dhaliye ugu jirta ayay Juventus ka soo diiday dalab 30 milyan gini ahaa oo ay ka gudbiyeen 19 sano jiraka Moise Kean. (Tuttosport)

AS Roma ayaa xiisaynaysa difaaca dhexe ee kooxda Tottenham iyo xulka Belgium ee Toby Alderweireld andkaas oo heshiiskiisa lagu burburin karo £25 milyan gini ilaa inta ka horaysa 26 July. (Sky Sports)

Everton xiisaynaysa gool dhaliyaha ay doonayso kooxda ay xifiltamaan ee Liverpool ee Lille ee Nicolas Pepe.  24 sano jirkan reer Ivory Coast ayay kooxda Everton ku doonaysaa in ay £58.5 milyan gini rekoodhka suuqa kala iibsiga kooxdeeda ugu dhigto. (Telegraph)

Riix 2 si aad wararka suuqa oo dhan u sii akhrisato