Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Iyo Waxyaabihii Ay Maanta Oo Khamiis Ah Ka Qoreen Wargaysada Yurub.

Wararka Kale Ee Suuqa Iyo Wargaysyada Yurub

Madaxa fulinta kooxda Atletico Madrid ee  Miguel Angel Gil Marin ayaa ku dhawaaqay in xidiga kooxdiisa ka baxaya ee Antoine Griezmann uu xagaagan ku biiri doono kooxda Barcelona (Sport)

Liverpool ayaa soo cusboonaysiisay heshiiskii sanadkii hore ee fashilmay ee ay ku doonaysay xidiga kooxda Lyon ee Nabil Fekir laakiin Reds ayaan markan diyaar u ahayn in ay bixiso 53 kii milyan gini ay xagaagii hore heshiiska kula gaadhay Lyon.(Le Progres).

Agaasimaha ciyaaraha kooxda Juventus ee Fabio Paratici ayaa soo gaadhay magaalada London si uu u soo gaba gabeeyo heshiisa ay ku doonayaan in Maurizio Sarri uu kooxdooda ku qabto. (Calciomercato)

Manchester City ayaa abaal marinaysa difaaca bandhiga layaabka leh soo sameeyayOleksandr Zinchenko wuxuuna qarka u saaran yahay in uu saxiixo heshiis cusub oo shan sanadood Etihad stadium ku sii hayn doona (Telegraph)

Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa meesha ka saaray in uu fasax hal sano ah ka galayo kubbada cagta kadib xili ciyaareedka cusub wuxuuna sidoo kale beeniyay wararkii Juventus la xidhiidhinayay.. (Independent)

Manchester Unitedayaa ugu danbayn soo gaba gabaysay xiisihii ay u haysay xidiga xulka Wales iyo kooxda Real Madrid ee Gareth Bale . (Evening Standard)

Kooxda PSG ayaa dalab shan sanadood ah oo uu xili ciyaareedkiiba 12 milyan yuro ku qaadan karo u soo bandhigtay kabtanka kooxda Ajax ee De Ligt. (ESPN)

Laakiin Wakiilka De Ligt ee Mino Raiola ayaa beeniyay in safarkiisii Paris uu ahaa mid uu ku dhamaystirayay heshiiska la sheegay in ay PSG la gaadhay De Ligt.(Express)

Kooxda AC Milan ayaa xiisaynaysa in ay Liverpool kala soo wareegto difaaca dhexe ee Dejan Lovern oo 29 sano jir ah kaas oo la filayo in ay Reds iibin karto.(Sky Sports)

laakiin Liverpool ayaa tixgalin doonta bixitaanka Dejan Lovern kaliya haddii ay hesho dalab lagu doonayo Lovern oo gaadhaya 25 milyan gini.(Times”.

Manchester City ayaa doonaysa in ay amaah ku dirto goolhayaha kooxdeeda ee  Aro Muric iyada oo Claudio Bravo uu soo laaban doono.(Mail)

Chelsea ayaa iska diiday in ay kooxda Juventus u ogolaato in Maurizo Sarri uu kooxdeeda ka baxo ilaa inta la bixinayo lacagta magdhawga ah ee heshiiskiisa Stamford Bridge baaqiga ka ah. (Mail)