Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Iyo Waxyaabihii Ay Maanta Oo Khamiis Ah Ka Qoreen Wargaysada Yurub.

suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda
suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda

Asalaamu calaykum, idilkiinba salaan akhristayasha sharafta lahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii wararka suuqa kala iibsiga iyo waxyaabihii ay wargaysyada Yurub ka qoreen maanta oo Khamiis ah.

Kooxaha Yurub ayaa dagaal wayn ugu jira in ay suuqa kala iibsiga ka raadsadaan ciyaartoyda ay u arkaan in ay kooxahooda xooin u noqon karaan inta aan la gaadhin xili ciyaareedka cusub.

Shabakada Gool24 oo aad uga barateen in ay marakasta si joogto ah idiinla socodsiiso wararka suuqa ayaa halkan idiinku soo ururisay wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo xidigaha la kala doonayo.

FIIRO GAAR AH: Wararka Suuqa waxaa xaqiiqonimadooda iska leh hadba wargayska ku hor qoran ee xogta suuqa helay, sidaa daraadeed, shabakada Gool24 kama masuul aha xaqiiqinimada warkan maadaama oo aanu soo turjunay oo kaliya.


Wararka suuqa The Sun

Manchester United ayaa dalab xili danbe ah u gudbinaysa kooxda Atletico Madrid si ay daqiiqada ugu danbaysa iskugu daydo in ay Barcelona ka afduubto heshiiska ay la gaadhay Antoine Griezmann.

Tottenham aaya dalab 60 milyan gini ah ka gudbisay xidiga kooxda lyon ee Tanguy Ndombele iyada oo tababare Mauricio Pochettino uu doonayo in uu khadka dhexe ee kooxdiisa ku soo xoojiyo.

Kooxda Napoli ayaa Arsenal u qabtay ilaa usbuuc dhamaadka si ay go’aan uga gaadhaan haddii ay doonayaan in ay sii haystaan goolhaye David Ospina oo amaah ku joogay Napoli.

Manchester United ayaa ka walwalsan xaalada heshiis cusboonaysiin la’aanta ah ee goolhaye David de Gea iyo da’yarka  Marcus Rashford iyada oo ayna jirin wax heshiis cusub oo lagu dhaw yahay.

Wararka Suuqa Daily Express

Liverpool ayaa soo cusboonaysiin karta xiisihii ay xagaagii hore kula heshiisay xidiga kooxda Lyon ee Nabil Fekir laakiin Reds ayaan markan doonayn in ay lacagtii sanadkii hore oo kale kula heshiiyaan lyon.

Wakiilka Matthijs de Ligt ee  agent Mino Raiola ayaa beeniyay in uu dalka France ugu safray in uu soo dhamaystiro heshiiska la sheegay in PSG la gaadhay De Ligt, wuxuuna ku tilmaamay war been abuur ah.

Arsenal ayaa la sheegay in ay wada hadal horumar laga sameeyay la yeelatay bartilmaameedka Manchester United ee William Saliba inkasta oo qiimaha xidigan lagu doonayaa uu dhibaato ku yahay.

Wararka suuqa Daily Mirror

Manchester United ayaa diyaar ah in ayna hoos uga soo degin qiimaha  £150 milyan gini ee ay ku qiimaysay xidiga ay kooxaha Real Madrid iyo Juventus doonayaan ee Pual pogba.

Xidiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal iyo xulka Uruguay ee Lucas Torreira ayaa sheegay in ka fiirsanayo mustaqbalkiisa Gunners isaga oo ay ku adkaatay in uu la qabsado nolosha England.

Wararka suuqa daily Star

Tottenham ayaa diyaar u ah in ay sare u qaado dalabkii ay ku doonaysay xidiga kooxda Real Betis ee Giovani Lo Celso iyada oo dalabkii ugu horeeyay uu ahaa 53 milyan gini kaas oo ay Betis soo diiday.

Real Madrid ayaa xagaagan liiska ciyaartoyda ay la soo wareegaysa ku darsan karta goolhayaha  Manchester United ee David de Gea kaas oo galaya 12 kii bilood ee heshiiskiisa ugu danbeeyay.

Difaaca kooxda Chelsea ee Emerson Palmieri oo lala xidhiidhinayay kooxda Juventus ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay joogistaankiisa Stamford Bridge.(Star)

Riix 2 Wararka kale ee suuqa wargaysyada Yurub