Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Iyo Waxyaabihii Ay Maanta Oo Isniin Ah Ka Qoreen Wargaysada Yurub.

Wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda
Wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda

Asalaamu calaykum, idilkiinba salaan akhristayasha sharafta lahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii wararka suuqa kala iibsiga iyo waxyaabihii ay wargaysyada Yurub ka qoreen maanta oo Isniin ah.

Kooxaha Yurub ayaa dagaal wayn ugu jira in ay suuqa kala iibsiga ka raadsadaan ciyaartoyda ay u arkaan in ay kooxahooda xooin u noqon karaan inta aan la gaadhin xili ciyaareedka cusub.

Shabakada Gool24 oo aad uga barateen in ay marakasta si joogto ah idiinla socodsiiso wararka suuqa ayaa halkan idiinku soo ururisay wararkii ugu danbeeyay ee suuqa iyo waxyaabihii ay maanta oo Isniin ah ka qoreen xidigaha la kala doonayo.


Wararka Suuqa ee Daily Star

Manchester United ayaa xidiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Sporting Lisbon ee Bruno Fernandes u calaamadsatay badalka Pual Pogba haddii uu kooxdeeda ka baxo waxaana sidoo kale bartilmaameed u ah Christian Eriksen.

Chelsea ayaan wali go’aan ka gaadhin tababaraha badali doona Maurizio Sarri oo Juventus ku wareegi doona iyada oo doorashada Frank Lampard loo arko mid halis leh.

Manchester United ayaa ka gaabsatay fursada ay Inter Milan isku dhaafsan lahaayeen gool dhaliyaaasha Romelu Lukaku iyo Ivan Perisic.

Wararka Suuqa ee The Sun

Xidiga kooxda Man City ee Leroy Sane ayaa doonaya in uu wada hadal la yeesho David Beckham si uu talo uga helo in uu ku biiro kooxda Bayern Munich.

Atletico Madrid ayaa la socota xidiga kooxda AC Milan ee Suso kaas oo sidoo kale bartilmaameed u ah Arsenal, waxayna Atletico xidigan reer Spain ee Suso u calaamadsatay in uu badal ugu noqon karo Antoine Griezmann.

Liverpool ayaa da’yarka Harry Wilson u ogolaanaysa in uu kooxdeeda kag bixi karo £21m iyada oo ay xiisaynayaan kooxda uu amaahda ku joogay ee  Derby County iyo RB Leipzig.

Wararka Suuqa ee Daily Mail

Manchester City ayaa dalab mushaar oo gaadhaya £26 milyan gini waxay u soo bandhigtay da’yarka kooxda Benfica iyo xulka Portugal ee  Joao Felix si ay kooxaha Yurub ugu garaaci karto saxiixa 19 sano jirkan.

Real Madrid ayaa dib u dhiska xagaagan ee kooxdeeda ku dhamaystiri doonta saxiixa Paul Pogba ama Christian Eriksen iyada oo iibka Eriksen uu qiimo ahaan aad uga hooseeyo Pogba waxayna Spurs xidiga reer Denmark ku iibin kartaa in £70 milyan ka jaban lacagta Pogba lagu heli karo.

Chelsea ayaa soo noolaysay xiisaheedii xidiga kooxda Bayer Leverkusen iy oxulka Jamaica ee Leon Bailey oo 21 sano jir ah laakiin waxaa Blues waajib ku ah in ay marka hore sugaan rafcaanka ay ganaaxa suuqa FIFA ka saartay uga qaateen maxkamada CAS.

Wararka Suuqa Ee Daily Express

Tababare ku xigeenka xulka qaranka England ee Steve Holland ayaa si lama filaan ah loogu soo daray liiska musharixiinta shaqada tababaranimo ee Chelsea oo uu Sarri banayn doono.

Tababaraha Arsenal ee Unai Emery ayaa xidhiidh la samaynaya difaaca kooxda PSG ee Thomas Meunier isaga oo ka dhiganaya mid ka mid ah ciyaartoyda uu xagaagan suuqa ka doonayo.

Manchester United ayaa  Christian Eriksen aya Youri Tielemans u aragta badalka ay ku soo buuxin karaan booska uu Paul Pogba banayn karo xagaagan haddii uu Old Trafford ka baxo.

Wararka Suuqa ee Daily Mirror

Kooxda Watford ayaa markale dib ugu laabanaysa Barcelona si ay ugala soo wareegto Jean-Clair Todibo oo 19 sano jir ah kaas oo ay suurtogal tahay in ay amaah ku heli karto.

Inter Milan ayaa Real Madrid wax ka waydiisay heli taanka Mateo Kovacic kadib markii uu soo dhamaysatay heshiiskii amaahda ahaa ee uu Chelsea ku joogay.

Shaqaalaha kooxda Chelsea ayaa isku khilaafsan cida Maurzio Sarri ka badali doonta shaqada tababaraninimo ee Blues iyada oo ay rajaynayaan in Frank Lampard uu badalkiisa noqon doono.

Real Madrid ayay waajib ku tahay in ay lacag £270 milyan gini ah ka soo saarto iibka ciyaartoyda kooxdeeda ee xagaagan si ay ugu hogaansan to sharciga dhaqaale wanaaga Yurub kadib markii ay haddaba suuqa la gashay lacag ka badan 220 milyan yuro.

Riix 2 si aad u akhrisato wararka kale ee wargaysyada Yurub ay suuqa ka qoreen.