Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Iyo Waxyaabihii Ay Maanta Oo Axad Ah Ka Qoreen Wargaysyada Yurub.

Wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda
Wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda

Asalaamu calaykum, idilkiinba salaan akhristayasha sharafta lahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii wararka suuqa kala iibsiga iyo waxyaabihii ay wargaysyada Yurub ka qoreen maanta oo axad ah.

Kooxaha Yurub ayaa dagaal wayn ugu jira in ay suuqa kala iibsiga ka raadsadaan ciyaartoyda ay u arkaan in ay kooxahooda xooin u noqon karaan inta aan la gaadhin xili ciyaareedka cusub.

Shabakada Gool24 oo aad uga barateen in ay marakasta si joogto ah idiinla socodsiiso wararka suuqa ayaa halkan idiinku soo ururisay wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo xidigaha la kala doonayo.

FIIRO GAAR AH: Wararka Suuqa waxaa xaqiiqonimadooda iska leh hadba wargayska ku hor qoran ee xogta suuqa helay, sidaa daraadeed, shabakada Gool24 kama masuul aha xaqiiqinimada warkan maadaama oo aanu soo turjunay oo kaliya.


Wararka Suuqa The Sun

Manchester United ayaa isku dayaysa in ay Barcelona ka afduubto Antoine Griezmann si ay u bixiso lacagta heshiiskiisa lagu burburin karo oo July 1 noqonaysa 120 milyan inkasta oo ay Barcelona iyo  Atletico Madrid ay wada xaajood ku jiraan.

Liverpool, Manchester United iyo Arsenal ayaa ku tartamaya saxiixa da’yarka koxda Borussia Dortmund ee Jacob Bruun Larsen oo 15 milyan gini lagu qiimaynayo.

Qoyska Christian Eriksen ayaa lagu arkay iyaga oo guri ka raadsanaya magaalada Madrid kadib markii uu gudoomiyaha kooxda Tottenham ee Daniel Levy uu maamulka Madrid u soo bandhigay saxiixa Eriksen.

Wararka Suuqa Daily Mail

Frank Lampard ayaa muhiimada kowaad ka dhigan doona in uu xaqiijiyo mustaqbalka Callum Hudson-Odoi ee marka uu si rasmi ah u noqdo macalinka cusub ee Chelsea.

Manchester United ayaa kalsooni ku qabta in da’yarka kooxdeeda ee Marcus Rashford uu saxiixi doono heshiis cusub oo uu todobaadkii mushaar ahaan u qaadan doono £250,000 kun oo gini.

Chelsea ayaa Atletico Madrid ku wargalisay in ay dib ugu yeedhan doonaan Alvaro Morata haddii ayna kooxda reer Spain xagaagan heshiiskiisa ka dhigin mid rasmi ah oo ayna waliba ka bixin 55 milyan yuro.

Manchester United ayaa markii labaad kooxda Barcelona xidhiidh kala samaysay helitaanka xidiga khadka dhexe ee Ivan Rakitic.

Chelsea ayaa waji gabax la kulantay kadib markii ay si lama filaan ah oo aan la qorshayn ay ugu dhawaaqeen in heshiiskii amaahda ahaa ee Mateo Kovacic ay mid rasmi ah ka dhigeen waxaana la soo dhigay  mobile app-ka ay Chelsea rasmiga u leedahay.

Wararka Kale Ee Wargaysyada Yurub Ka Qoreen Suuqa:

Arsenal ayaa qasab lagaga dhigay in ay  Crystal Palace siiso £100 milyan gini oo laba jibaar ka badan lacagta guud ee ay suuqa u haystaan haddii ay doonayaan saxiixa gool dhaliyaha reer Ivory Coast ee Wilfried Zaha, (Mail on Sunday)

Gudoomiyaha kooxda Tottenham ee Daniel Levy ayaa telefoon ka wacay maamulka kooxda Real Madrid si uu ugu soo bandhigo saxiixa Christian Eriksen oo 27 sano jir ah kaas oo iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo Spurs isla markaana uu heshiiskiisu dhacayo sanadka soo socda ee 2020. (Marca)

Riix 2 si aad wararka suuqa u sii akhrisato