Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Iyo Waxyaabihii Ay Maanta Oo Axad Ah Ka Qoreen Wargaysada Yurub.

Wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda
Wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda

Asalaamu calaykum, idilkiinba salaan akhristayasha sharafta lahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii wararka suuqa kala iibsiga iyo waxyaabihii ay wargaysyada Yurub ka qoreen maanta oo Axad ah.

Kooxaha Yurub ayaa dagaal wayn ugu jira in ay suuqa kala iibsiga ka raadsadaan ciyaartoyda ay u arkaan in ay kooxahooda xooin u noqon karaan inta aan la gaadhin xili ciyaareedka cusub.

Shabakada Gool24 oo aad uga barateen in ay marakasta si joogto ah idiinla socodsiiso wararka suuqa ayaa halkan idiinku soo ururisay wararkii ugu danbeeyay ee suuqa iyo waxyaabihii ay maanta oo Axad ah ka qoreen xidigaha la kala doonayo.


Liverpool ayaa iskaga baxday tartankii ay ugu jirtay saxiixa gool dhaliyaha kooxda Lyon ee Moussa Dembele iyada oo sababta lagu sheegay xaalada fiican ee uu  Divock Origi ku dhamaystay xili ciyaareedkan.(Star on Sunday.)

Man United ayaa dalab qaali ah ka gudbisay difaaca midig ee kooxda Crystal Palace ee Aaron Wan-Bissaka kaas oo uu Solskjaer doonayo in uu badal ugu noqdo Antonio Valencia oo kooxda laga fasaxay.(Sky Sports)

Atletico Madrid ayaa Chelsea ka doonaysa difaaca  Marcos Alonso si uu badal ugu noqdo Lucas Hernandez iyada oo  Diego Simeone uu doonayo in uu dib u dhis ku sameeyo difaaca kooxdiisa.

Manchester United ayaa doonaysa in ay kooxda Real Madrid heshiis amaah ah kagala soo wareegto xidiga reer Wales ee Gareth Bale, iyada oo 29 sano jirkani aanu qayb ka ahayn qorshaha Zidane. (Sunday Mirror)

Manchester United iyo kooxda ay dariska yihiin Manchester City ayaa ka fiirsanaya in ay la soo saxiixdaan difaaca dhexe ee kooxda Liecester City iyo xulka England ee Harry Maguire, laakiin City ayaa tartanka ka bixi doonta haddii ay Leicester xidigan qiimihiisa hoos uga soo degi waydo £90m. (Mirror)

Manchester City ayaa sidoo kale tixgalinasya in ay Leicester City kala soo wareegto difaaca Ben Chilwell iyada oo guud ahaan City qiimaha Harry Maguire iyo Chilwell ka bixi karta 125 milyan gini. (Star)

Liverpool ayaa ka mid ah lix kooxood oo wali baacsanaya difaaca kooxda Ajax iyo xulka qaranka Netherlands ee Matthijs de Ligt kaas oo kadib finalka UEFA Nations League ee caawa go’aankiisa gaadhi doona. (Mirror)

Manchester United ayaa heshiis cusub u soo bandhigi doonta Jesse Lingard oo 26 sano jir ah iyada oo mushaarkiisa todobaadkii laga dhigi doono £130,000 kun gini.(Sun on Sunday)

Jose Mourinho ayaa asxaabtiisa u sheegay in uu si dhab ah u tixgalinayo in uu qabto shaqada tababaranimo ee kooxda Newcastle United oo uu lacag badan ku kharash garayn doono Sheikh Khaled bin Zayed Al Nehayan oo mulkiyada kooxdan la wareegaya(Sunday Mirror)

Arsenal ayaa ku dhaw in ay dhamaystirto labada xidig ee kooxda Sampdoria ee Dennis Praet oo 25 sano jir ah iyo Joachim Andersen oo 23 sano jir ah. (Gazzetta dello Sport, Talksport)

Arsenal ayaa ku dhaw dhamaystirka xidiga kooxda Dalian Yifang iyo xulka  Belgium ee Yannick Carrasco waxayna Gunners doonaysaa in ay 25 sano jirkan kooxdeeda ku soo xoojiso (Sport)

Tottenham ayaa dalab £40m ah ka gudbin doonta difaaca kooxda Bournemouth iyo xulka Netherlands ee Nathan Ake. (Sun on Sunday)

Liverpool ayaa diyaar u ah in ay 22 sano jirka xulka Wales ee Harry Wilson u ogolaado in uu kooxdeeda ka baxo xagaagan iyada oo Reds da’yarkan ku qiimaysay 21milyan gini wuxuna waqtiyadii la soo dhaafay amaah ku soo qaatay kooxaha Derby County, Hoffenheim iyo RB Leipzig (Sunday Mirror)

Gianluigi Buffon oo 41 sano jir ah ayaa dib ugu laaban kara kooxdii uu waayihiisa ciyaareed ka soo bilaabay ee Parma kadib markii lagu dhawaaqay in uu ka baxayo kooxda Paris St-Germain this summer. (La Gazzetta dello Sport).

David Beckham ayaa kooxdiisa cusub ee Inter Miami xidiga Man United sida xorta ah kaga baxaya ee Antonio Valencia oo 33 sano jir ah(Sun on Sunday)

Madax waynaha Benfica ee Luis Filipe Vieira ayaa sheegay in qaabka kaliya ee ay ku iibin karaan da’yarka ay kooxaha waa wayn ee Yurub wada doonayaan ee Joao Felix ay tahay in ay iibiyaan balse ay amaah dib ugu heli karaan 19 sano jirkan. Man United, Man City, Barcelona, Juventus iyo Real Madrid ayaa dhamaantood lala xidhiidhinayaa.(Sunday Mirror).

Manchester United ayaa dalab £84 milan gini ah ka gudbisay difaaca kooxda Napoli iyo xulka qaranka Senegal ee Kalidou Koulibaly(Corriere dello Sport)

Manchester United ayaa heshiis cusub oo afar sanadood ah u soo bandhigi doonta xidiga reer Brazil ee Andreas Pereira oo 23 sano jir ah si uu u sii joogo Old Trafford. (Sun on Sunday)

Xidiga kooxda Chelsea iyo xulka  France ee Tiemoue Bakayoko ayaa go’aan ku gaadhay in uu xili ciyaareedka soo socda iska sii joogo kooxda uu amaahda kaga maqnaa ee Chelsea.. (L’Equipe)

Manchester City ayaa ku sii dhawaanaysa in ay la soo saxiixato da’yarka kooxda Millwall ee Samuel Edozie oo 16 sano jir ah. (Sun on Sunday)

Xidiga xulka England ee Sean Longstaff oo Manchester United lala xidhiidhinayay ayaa sheegay in uu boqolkiiba boqol diirada saarayo kooxdiisa Necastle United.(Chronicle)

Ole Gunnar Solskjaer ayaa isku dayi doona in uu la soo saxiixdo Harry Maguire ama Toby Alderweireld hadii ay Manchester United seegto soo xero galinta difaaca Ajax ee Matthijs de Ligt. (Sunday Express)