Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Iyo Waxyaabihii Ay Maanta Oo Arbaca Ah Ka Qoreen Wargaysyada Yurub.

Asalaamu calaykum, idilkiinba salaan akhristayasha sharafta lahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii wararka suuqa kala iibsiga iyo waxyaabihii ay wargaysyada Yurub ka qoreen maanta oo Arbaca ah.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa si rasmi ah u furmay July 1, waana waqtigii ay kooxuhu sugayeen in ay diwaan galin karaan saxiixyada cusub ee ay samaynayaan.

Kooxaha Yurub ayaa dagaal wayn ugu jira in ay suuqa kala iibsiga ka raadsadaan ciyaartoyda ay u arkaan in ay kooxahooda xooin u noqon karaan inta aan la gaadhin xili ciyaareedka cusub.

Shabakada Gool24 oo aad uga barateen in ay marakasta si joogto ah idiinla socodsiiso wararka suuqa ayaa halkan idiinku soo ururisay wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo xidigaha la kala doonayo.

FIIRO GAAR AH: Wararka Suuqa waxaa xaqiiqonimadooda iska leh hadba wargayska ku hor qoran ee xogta suuqa helay, sidaa daraadeed, shabakada Gool24 kama masuul aha xaqiiqinimada warkan maadaama oo aanu soo turjunay oo kaliya.


Wararka Suuqa The Sun

Caawiyaha tababaraha Manchester City Mikel Arteta iyo tababaraha kooxda Faransiiska ee Nice Patrick Vieira ayaa looga digay inay qabtaan shaqada tababare ee Newcastle, waxayna taladaas ka heleen tababarihii kooxda ka tagay Rafa Benitez oo si xun loola dhaqmay.

Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonaya in weeraryahanka reer Belgium Romelu Lukaku inuu iska diido Inter Milan oo uu sii joogo Old Trafford xilli ciyaareedka danbe.

Kooxda Bournemouth ayaa u soo bandhigtay weeraryahanka Ingariiska Callum Wilson qandaraas cusub oo shan sannadood ah iyadoo lala xiriirinayay kooxaha West Ham, Chelsea iyo Everton.

Wararka Suuqa Daily Mail

Tababare Frank Lampard ayaa heshiiskiisa Chelsea lagu daray in uu lacago gunooyin ah ku heli doono haddii uu kooxdiisa cusub ee Blues ka caawiyo u soo bixi taanka Champions League.

Arsenal ayaa qaab ceeb ah ku doonaysa in ay ku kala bixiso lacagta kala badhka ka ah qiimaha Wilfried Zaha waxayna maamulka Gunners kooxda Crystal Palace ka doonayaan in ay Zaha kaga iibiyaan 40 milyan oo ay waliba doonayaan in ay shan sanadood ku kala bixiyaan.

Barcelona  ayaa rajaynaysa in ay bixiso lacagta £100 milyan ginida ah ee lagu burburin karo heshiiska gool dhaliyaha xulka qaranka Argentina iyo kooxda Inter Milan ee Lautaro Martinez.

Saraakiisha Barcelona ayaa la kulmay wakiilada Neymar si ay uga shaqeeyaan in uu xidiga heer caalami ee xulka Brazil uu dib ugu soo laabto Camp Nou.

Wakiilada Dejan Lovren ayaa wada xaajood la yeelanaya kooxda AC Milan  iyaga oo kala hadlaya in difaaca Liverpool uu Milan ku laabto iyada oo xidiga reer Croatia uu shalay uun ku soo laabtay xarunta tababarka kooxdiisa Reds.

Wararka Suuqa The Sun

Difaaca Arsenal ee Carl Jenkinson ayay doonaysaa kooxda Crystal Palace iyaga oo 5 milyan oo kaliya in ay ka bixiyaan diyaar u ah si uu badal ugu noqdo Aaron Wan-Bissaka.

Arsenal ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab £12m ka gudbiso gool dhaliyaha kooxda Hull ee Jarrod Bowen.

Kooxda St Etienne ayaa Arsenal u sheegtay in ayna kooxdeeda waajib ku ahayn in ay iibiyaan difaaca dhexe ee William Saliba oo 18 sano jir ah..

Manchester United ayaa heshiis la gaadhay kooxda Sporting Lisbon oo ay ka doonayaan saxiixa xidiga khadka dhexe ee Bruno Fernandes.

Riix 2 si aad wararka suuqa oo dhan u sii akhrisato