Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Iyo Waxyaabihii Ay Maanta Oo Arbaca Ah Ka Qoreen Wargaysada Yurub.

Wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda
Wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda

Asalaamu calaykum, idilkiinba salaan akhristayasha sharafta lahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii wararka suuqa kala iibsiga iyo waxyaabihii ay wargaysyada Yurub ka qoreen maanta oo Arbaca ah.

Kooxaha Yurub ayaa dagaal wayn ugu jira in ay suuqa kala iibsiga ka raadsadaan ciyaartoyda ay u arkaan in ay kooxahooda xooin u noqon karaan inta aan la gaadhin xili ciyaareedka cusub.

Shabakada Gool24 oo aad uga barateen in ay marakasta si joogto ah idiinla socodsiiso wararka suuqa ayaa halkan idiinku soo ururisay wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo xidigaha la kala doonayo.

FIIRO GAAR AH: Wararka Suuqa waxaa xaqiiqonimadooda iska leh hadba wargayska ku hor qoran ee xogta suuqa helay, sidaa daraadeed, shabakada Gool24 kama masuul aha xaqiiqinimada warkan maadaama oo aanu soo turjunay oo kaliya.


Wararka suuqa The Sun

Chelsea ayaa xili aad u danbaysa si layaableh iskugu dayi doonta in ay Maurizio Sarri ku sii haystaan Stamford Bridge isla markaana ay sabab u noqon karaan in uu iskaga diido Juventus.

Jose Mourinho ayaa diyaar u ah in uu markii saddexaad qaban karo shaqada tababaranimo ee kooxda Chelsea oo hore laba jeer looga caydhiyay.

Manchester United ayaa diyaar u ah in ay difaaca midig ee kooxda Crystal Palace ee Aaron Wan Bissaka ay kula soo wareegto £50m.

Da’yarka kooxda Chelsea ee Callum Hudson-Odoi ayaa saxiixi doona heshiis cusub si uu Stamford bridge u sii joogi karo laakiin shuruuda ku xidhan ayaa ah in marka hore loo damaanad qaado in uu waqti uu ku ciyaari kaga heli doono kooxda kowaad.

Manchester United ayaa goolhayaha kooxda Ajax ee Andre Onana u calaamadsatay badalka David de Gea.

AC Milan ayaa isku dayi doonta in ay Arsenal kala soo wareegto xidiga khadka dhexe ee  Lucas Torreira si ay xidiga reer Uruguay dib ugu soo celiyaan Serie A.

Wararka suuqa ee daily Mirror

Tottenham ayaa dalab horumarin lagu sameeyay ku celin doonta kooxda Real Betis oo ay ka doonayaan xidiga Giovani Lo Celso.

Aaron Wan-Bissaka ayaa kooxdiisa Crystal Palace u sheegay go’aanka uu ku doonayo in uu ku rumeeyo riyadiisa Manchester United.

Zinedine Zidane ayaa madax waynaha kooxdiisa ee Florentino Perez kaga guuaystay dagaalkii suuqa ee ay Real Madrid ku kala dooranaysay Paul Pogba iyo Christian Eriksen iyada oo boodhka Madrid uu Zidane ku taageeray go’aanka uu Pogba ku doonayo.

Pep Guardiola ayaa tixgalinaya in uu hal sano oo fasax ah ka galo shaqada Manchester City haddii uu xili ciyaareedka cusub kula guulaysto Champions League .

Wararka Suuqa Daily Mail

Chelsea ayaa wada xaajood la furtay halyaygii hore ee kooxdeeda ee Frank Lampard si uu ugu soo laaban karo Stamford Bridge isaga oo tababare ah waxayna doonayaan in uu badalo Maurizio Sarri haddii uu kooxda ka baxo.

Ed Woodward ayaa ka cadhaysiiyay taageerayaasha kooxdiisa Man United kadib markii la ogaaday in ayna Man united  magacaabi doonin agaasime ciyaareed wuxuuna Woodward sii ahaan doonaa shaqsiga wada xaajoodyada iyo siyaasada suuqa sii wadi doona.

Riix 2 si aad u akhrisato wararka kale ee ay Wargaysyada Yurub ka qoreen suuqa kala iibsiga.