Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa kala Iibsiga Ciyaartoyda Iyo Waxyaabihii Ay Maanta Ka Qoreen Wargaysyada Ingiriisku Xidigaha la kala doonayo.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo xidigaha lakala doonayo.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee Premier league ayaa haddaba furan waxayna kooxuhu samayn karaan saxiixyo iyada oo si rasmi ah loo diwaan galin doono marka la soo gaadho July 1.

Kooxaha Premier league ayaa haddaba suuqa ugu jira ciyaartoyda ay kooxahooda ku soo xoojin karaan waxaana jira ciyaartoy badan oo ay warbaahintu ka hadlayaan in lala kala wareegi doono.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halan idiin ku soo koobtay wararkii ugu danbeeyay iyo waxyaabihii ay wargaysyada Ingiriisku ka qoreen xidigaha kala doonayo.

Suuga kala iibsiga iyo wararkii ugu danbeeyay waxaanu idiinka soo ururinay wargaysyada Ingiriiska iyo waxyaabihii ay maanta ka qoreen halkan ayaanad kaga bogan kartaa iyaga oo dhan.

Wararka Suuqa Ee The Times

Antonio Conte ayaa maamulka Chelsea kaga guulaystay dagaalkii sharci ee waqtiga dheer soo jiitamayay waxaana Blues lagu qasbay in ay Conte magdhaw u siiyaan £9 milyan gini.

Madax waynaha maamulka La Liga ee Javier Tebas ayaa Manchester City ku eedeeyay in ay lacagta dalka Abu Dhabi ku burburinayso tartanka wuxuuna sheegay in ayna Sports ahayn haddii ay City wax ciyaarayso wuxuuna hadalkani sii xoojinayaa ganaaxa ay City kala kulmi karto UEFA.

Wararka Suuqa Ee Daily Mirror

Gudoomiye ku xigeenka Man United ee Ed Woodward ayaa masuuliyiinta Inter Milan kala hadli doona mustaqbalka Romelu Lukaku iyada oo kooxda Old Trafford dalbanaysa £70 milyan gini.

Juventus ayaa xiisaynaysa tababaraha Man City ee Jurgen Klopp si uu u badalo Maxi Allegri laakiin waxaa qasab ku noqonaysa in ay bixiso lacagta heshiiskiisa lagu burburin karo oo 32 milyan gini ah.

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Kooxda Arsenal Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday Dhamaystirka Difaacii Chelsea Ee David Luiz Iyo Lambarka Uu Qaatay Oo La Shaaciyay.

Tottenham ayaa xiisaynaysa gool dhaliyaha kooxda Celta Vigo ee Maxi Gomez kaas oo ay West Ham United sidoo kale dalab ka gudbinayso waxaana lagu qiimaynayaa 25 milyan gini.

Bartilmaameedkii Manchester United iyo Bayern Munich ee Raphael Varane ayaa go’aan ku gaadhay in aanu ka bixin kooxdiisa Real Madrid wuxuuna cadeeyay in uu Zidane la sii shaqayn doono.

Madax waynaha UEFA ee Aleksander Ceferin ayaa ku adkaystay in aanu ka xishoon doonin in uu Man City ka ganaaxo Champins League kadib cabsida laga qabo in ay sharciga dhaqaale wanaaga Yurub jabiyeen.

Arsenal ayaa xiisaynaysa in ay goolhayaha reer Germany ee Markus Schubert ay xagaagan si xor ah kula soo wareegto si uu badal ugu noqdo Petr Cech oo ciyaaraha ka fadhiisanaya.

Frank Lampard oo lala xidhiidhinayo shaqada tababaranimo ee kooxdiisii hore ee Chelsea ayaa doonaya in uu Gary Cahill  ka dhigto saxiixa kowaad ee Derby County haddii aanu Sarri badalin.

Wararka Suuqa Ee The Sun

Manchester United ayaa joogta boos fiican oo ay kula soo wareegi karto xidiga kooxda Real Madrid ee Isco iyada oo miisaamaysa in ay dalab £105 milyan gini ah ka gudbiso.

Kooxaha Liverpool iyo Arsenal ayaa ku tartamaya xidiga saamaynt badan ee Ryan Fraser oo ka tirsan kooxda Premier League ee Bournemouth.

SIDOO KALE AKHRISO:  LA OGAADAY: Xidigii Muhiimka Ahaa Ee Ay PSG Ka Dalbatay Real Madrid In Ay Dalabkeeda Neymar Jr Soo Raaciso Oo La Ogaaday-Mana Aha Modric.

Kooxaha Manchester United iyo Arsenal ayaa war fiican ka helay xidiga kooxda Atletico Madrid ee Thomas Partey kaas oo aan meesha ka saarin in uu kooxdiisa ka baxayo.

Wararka Suuqa ee Daily Mail

Liverpool ayaa xagaagan suuqa ugu jirta gool dhaliye cusub laakiin Jurgen Klopp ayaan isha ku hayn in uu lacag badan ku kharash gareeyo gool dhaliye cusub maadama oo uu weerar fiican haysto.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa rajaynaya in Pual Pogba uu u gacan galiyo calaamada kabtanimada kooxdiisa Man United si uu ugu qanciyo in uu Old Trafford sii joogo.

Kylian Mbappe ayaa macalinkiisa Thomas Tuchel ku eedeeyay in uu ka horjoogsadya in uu Lionel Messi kaga guulaysan kari waayay kabta dahabka ah ee Yurub  kadib markii uu kaydka dhigay kulamadii Strasbourg iyo Nantes taas oo keentay in uu abuuray wararkii suua kala iibsiga ee bixitaankiisa uu ku muujiyay.

warrarkii ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga
suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda

Wararka Suuqa ee Daily Star

Arsenal ayaa wada hadal kula jirta wakiilka magaca wayn leh ee Mino Raiola si uu uga caawiyo in ay AS Roma kala soo wareegaan Kostas Manolas.

Liverpool ayaa soo gaba gabaysay xiisihii ay u haysay gool dhaliyaha kooxda Celta Vigo ee Maxi Gomez.

Man United ayaa isku taagaysa in ay la soo saxiixato difaaca midig ee doorashada kowaad u ah Ole Gunnar Solskjaer ee Aaron Wan-Bissaka oo ay ka doonayso kooxda Crystal Palace.

Chelsea ayaa dalban doonta magdhow 5 milyan gini ah haddii ay kooxihi xiisaynayso in ay la saxiixato tababare Maurizio Sarri wuxuuna warkani soo baxay xili Sarri laga xidhiidhinayo Juventus.

SIDOO KALE AKHRISO:  Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Real Madrid Iyo Celta Vigo Ee Kulankii Ay Los Blancos Guusha Gaadhay-Kumaa Noqday Xidigii Garoonka?

Tababaraha Arsenal ee Unai Emery ayaa dalbaday in xagaagan kooxdiisa loo sameeyo afar saxiix.

Wararka Suuqa ee The Independent

Juventus ayaa tababaraha Tottenham ee Mauricio Pochettino u aragta tababaraha ay u door bidayaan in uu badal u noqdo Maxi Allegri laakiin waxay si sii kordhaysa u dareemayaan in Maurzio Sarri iyo Simone Inzaghi ay yihiin doorashooyinka xaqiida noqon kara xagaagan.

Chelsea ayaa heshiis cusub oo waqti dheer ah u soo bandhigi doonta da’yarka kooxdeeda ee Reece James iyada oo Blues doonaysa in ay xidho da’yarta ugu fiican kooxdeeda kadib cabsida ganaaxa labada xili suuqa laga saaray.

Wararka Suuqa ee Daily Express

Gool dhaliyaha Liverpool ee Sadio Mane ayaan ku biiri doonin Real Madrid maadaama oo aanu Florentino Perez doonayn in uu xidiga heer caalami ee xulka Senegal uu la soo wareego.

Tottenham ayaa ka baxday tartankii ay ugu jirtay gool dhaliyaha kooxda Crystal Palace ee Wilfried Zaha sababtoo ah in 100 milyan gini lagu qiimaynayo.

Manchester United ayaa doonaysa in ay xagaagan sii haysato Pual Pogba balse ay dul dhigtay qiimo 140 milyan gini ah.

Liverpool ayaa tixgalinaysa in ay la soo wareegto gool dhaliyaha kooxda Werder Bremen ee Max Kruse  si uu badal ugu noqdo Daniel Sturridge oo si xor ah ku baxaya.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoy iyo wararka ka soo kordha waxaad insha Allah kula socon doontaan wararkeena soo socda.