Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Iyo Waxyaabihii Ay Maanta Axad Ah Ka Qoreen Wargaysyada Yurub.

Suuqa Premier League ayaa furan laakiin saxiixyada la sameeyo waxaa si rasmi ah loo diwaan galin doonaa marka la soo gaadho July 1.

Kooxaha Yurub oo dhan ayaa hadda u furan in ay saxiixyo samayn karaan waxaana socda dadaal wayn oo ay koox kastaaba suuqa kaga raadsanayso bartilmaameedyada ay doonayso in ay kooxdeeda ku soo xoojiso.

Kooxaha ugu waa wayn Yurub intooda badan waxay xagaagan u noqon doontaa mid mashquul badan oo ay ciyaartoy badan kula soo wareegayaan isla markaana ay xidigo badan oo kooxahooda ka tirsan ay iibinayaan.

Kooxaha isbadalka wayn laga filayo waxaa ugu horeeya Real Madrid, Man United, Bayern Munich, PSG, Barcelona laakiin dhamaan kooxaha kale ayaa suuqa ugu jira saxiixyo ay kooxahooda ku soo xoojinayaan.

Haddaba sidii aad shabakada caalamiga ah ee Gool24 uga barateen waxaanu halkan idiinku soo koobnay wararkii  Ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo wararkii ay maanta oo jimce ah ka qoreen wargaysyada Yurub.

Wararka Suuqa ee Daily Mirror

Tababaraha Arsenal ee Unai Emery ayaa si shaqsi ah ah ula xidhiidhay difaaca kooxdiisii hore Paris Saint-Germain ee Thomas Meunier si uu ugu qanciyo in uu Arsenal ka doorto Man United.

SIDOO KALE AKHRISO:  Man United Oo Haddaba Sii Go'aamisay Lacagta Ay Ole Gunnar Solskjaer U Gacan Galin Doonaan Suuqa January Iyo Shuruudda Ku Xidhan.

Manchester City ayaa lumin karta adeega xidiga kooxdeeda ee Leroy Sane kadib markii ay waxtar yeelan waayeen wada xaajoodyadii lagu doonayay in heshiis cusub loogaga joojiyo Bayern Munich.

Tababaraha Leicester City ee Brendan Rodgers ayaa tixgalinaya in uu 14 milyan gini kula soo wareego xidiga kooxda  Crystal Palace ee Andros Townsend.

Rajadii uu Romelu Lukaku ka qabay in uu ka baxo Man United oo uu ku biiro Inter Milan ayaa sabab ugu noqon karta in uu si wayn u dhimo mushaarkiisa uu hadda United ka qaato.

Liverpool ayaa war ay ku faraxdo ka heshay xidiga ay kooxaha Mancheser City iyo Manchester United sida wayn u doonayaan ee Bruno Fernandes oo xili ciyaareed aan la rumaysan karin ku soo qaatay Sporting wuxuuna sheegay in uu Liverpool in badan ka jecel yahay Man City.

Arsenal ayaa loo soo bandhigay fursada ay kula saxiixan karaan difaaca reer Colombia ee Eder Balanta oo ka tirsan kooxda FC Basel.

SIDOO KALE AKHRISO:  Ciyaartoydii Isku Muujisay, Kuwii Fashilmay Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Liverpool & Southampton Ee Kulankii Reds Guusha Soo Gaadhay.

Da’yarka Man United ee Axel Tuanzebe ayaa heshiiskiisii amaahda ahaa ee uu ku joogay Aston Villa waxaa laga dhigi karaa mid rasmi ah kadib markii uu waqti guulaystay kooxda la soo qaatay.

Wararka Suuqa ee Daily Mail

Manchester United ayaa wada xaajoodyo dheer ah waxay kooxda Paris Saint-Germain kala yeelatay difaaca Thomas Meunier oo ay Red Devils ku doonayso 22 milyan gini kadib markii ay United ka cadhootay qiimaha Crystal Palace ee Aaron Wan-Bissaka.

Paris Saint-Germain ayaa diyaar u ah in ay heshiis amaah ah xagaagan Barcelona kagala soo saxiixato Philippe Coutinho oo ku dhibtoonaya Camp Nou.

Manchester United ayaa dhamaystirtay heshiiska 16 sano jirka kooxda Ajax ee Dillon Hoogewerf kaas oo si rasmi ah u shaaciyay in uu United ku biiray.

Wararka Suuqa ee Wargaysyada Yurub

Difaaca Napoli ee Elseid Hysaj ayaa ku dhawaaqay in uu xagaagan ka baxo Napoli wuxuuna 25 sano jirkani sheegay in uu doonayo sidii uu kobab ugu guulaysan lahaa wuxuuna bartilmaameed u yahay Chelsea iyo Man United.(DigitAlb, Talksport)

Chelsea ayaa isku dayi doonta in ay Barcelona kala soo saxiixato 26 sano jirka reer Brazil ee Philippe Coutinho haddii ay Blues ku guulaysato in laga qaado xayiraada suuqa kala iibsiga laga saaray.(Gianluca di Marzio)

SIDOO KALE AKHRISO:  Man United Oo Ciqaabeysa Xiddigaheeda Haddii Ay U Soo Bixi Waayaan Champions League & Ciyaartoyda Oo Ka Careysan Sharcigaan

Gudoomiyaha kooxda Liverpool ee Tom Werner ayaa cadeeyay in shirkada mulkiyada Reds iska leh ee Fenway Sports Group ayna ujeedadeedu ahayn in ay kooxda iibiyaan kadib markii ay ku guulaysatay koobka Champions league.(Liverpool Echo)

Carlo Ancelotti ayaa kooxdiisa Napoli ku cadaadinaya in ay Bayern Munich kala soo saxiixdaan James Rodriguez (Daily Express).

Barcelona ayaa doonays ain ay Atletico Madrid kala soo saxiixato Antoine Griezmann oo 28 sano jir ah waxayna sidoo kale Barca rabtaa in ay dib PSG ugala soo wareegaan Neymar Jr oo 27 sano jir ah.(Mundo Deportivo)

Manchester City ayaa hadda tartan kala kulmaysa Barcelona iyada oo kooxda reer Spain ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xidiga kooxda Real Betis eeJunior Firpo (Manchester Evening News)

Difaaca ay Bayern Munich u sheegtay in uu kooxdeeda ka bixi karo ee Jérôme Boateng ayaa la hadli doona kooxaha PSG iyo Juventus. (Sun Sport)