Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Xaalada Neymar, Barcelona Oo Wafdi Uu Hogaaminayo Eric Abidal U Dirtay Paris & Dalabkii Ugu Horeeyay Ee Rasmi Ah Oo Ay Gudbin Doonaan Maanta

Madaxweyne Jose Maria Bartomeu iyo Barcelona weli kama aysan quusanin saxiixa Neymar, inkastoo xaqiiqda ay tahay in Paris Saint-Germain ay kaga cagajiideyso inay heshiis la gaarto koox ay colaadi kala dhaxeyso.

Wafuud ka socota Camp Nou ayaa u safray caasimada Faransiiska si ay isagu dayaan inay si rasmi ah u bilaabaan wadahadalka la xiriira saxiixa xiddiga reer Brazil.

Barcelona iyo Real Madrid ayaa si fool ka fool ah ugu tartamaya saxiixa weeraryahankii hore ee Santos oo ay doonayaan inay ku soo celiyaan La Liga, laakiin Real Madrid ayaa ah kooxda ay PSG dooneyso inay la hadasho.

Sida ay sheegtay RAC1, wafdi ka kooban Javier Bordas, Eric Abidal iyo Andre Cury ayaa lagu amaaninay inay maanta oo Talaado ah magaalada Paris kula kulmaan agaasimaha PSG Leonardo.

Barcelona ayaa si weyn u dooneysa inay si shaqsi ah u la kulmaan dhigooda kooxda heysata horyaalka Faransiiska kuwaasoo diidanaa ilaa iyo haatan inay wadahadal fool ka fool ah la yeeshaan Blaugrana.

Abidal ayaa fure u noqon kara kulanka maanta iyadoo xiddigii hore ee France uu yahay nin si weyn looga ixtiraamo dalkiisa islamarkaana xiriir fiican la leh madaxda PSG.

Waxaana muhim ah in Abidal uusan qeyb ka aheyn wadahadalkii ay Barcelona uga careysiisay PSG ee la xiriiray doonistoodii Marco Verratti sannado ka hor.

PSG ayaa rajeyneysa in Neymar uu ku biiro Real Madrid, laakiin kooxda Catalans ayaa si adag uga shaqeyneysa sidii ay uga hortagi lahaayeen inay taasi dhacdo.

Wadahadalka rasmiga ah ee maanta waxaa qeyb ka ah dalab miiska la soo saari doono, iyadoo Abidal uu isku dayi doono inuu heshiiska ka qeyb dhigo Philippe Coutinho.

PSG waxay dooneysaa kaash iyo ciyaaryahan, waxaana cad in kulanka maanta uusan aheyn kulan kaliya madaama waqti badan uu ka harsan yahay suuqa kala iibsiga Yurub.