Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Xaalada Difaacyada Man United Doonayso Ee Harry Maguire & Jerome Boateng Iyo Rajada Ay Red Devils Ka Leedahay.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaaga ee horyaalka Premier league ayaa barri oo khamiis ah xidhmaya waxayna Manchester United wali dadaal wayn ugu jirtaa sidii ay difaac dhexe kooxdeeda ugu soo dari lahayd inta aanu suuqu xidhmin waxaana bartilmaameedka ugu wayn u ah Harry Maguire iyo Jerome Boateng.

Difaaca xulka qaranka England iyo kooxda Leicester City ee Harry Maguire ayaa wali rajo ka qaba in Manchester United uu ku biiri karo inta aanu xidhmin suuqu barri oo khamiis ah sida uu Sky Sports sheegay laakiin kooxda Leicester City ayaa ilaa hadda laba dalab ka soo diiday Man United iyada oo dalabkii ugu danbeeyay uu 60 milyan gini ku qiimaynaa.

Manchester Unted ayaa u baahan in ay 15 milyan gini ay ku darto dalabkeeda la soo diiday sida ay Leicester City ku qiimaynayso Harry Maguire waxayna Foxes ku adkaysanaysaa in Manchester United ay xidigan ka bixiso lacagtii ay Liverpool kula soo wareegtay Virgil Van Dijk.

Manchester United ayaa haysta waqti ka yar 24 saacadood si ay u dhamaystirto heshiiska Harry Maguire laakiin labada kooxood ilaa hadda waxaa u dhexeeya farqi wayn oo dhinaca qiimaha iyada oo Leicester City doonaysa in Harry Maguire uu kooxdeeda sii joogto haddii ayna ku helayn lacagtii Van Dijk oo kale.

Laakiin kooxda Leicester City ayaa u muuqata in ay haddaba diyaar u tahay bixitaanka Harry Maguire waxayna qarka u saaran tahay in ay dhamaystirto labada difaac dhexe ee Filip Benkovic oo ka tirsan kooxda Dinamo Zagreb iyo Caglar Soyuncu oo ka tirsan kooxda Freiburg kuwaas oo ay isku darkooda ka bixinayso 35 milyan gini oo kaliya waxayna doonaysaa in iibka Maguire ay 40 milyan gini ka faa’iidi karto.

Dhinaca kale warar is khilafsan ayaa ka soo baxaya difaaca kale ee Man United lala xidhiidhinayo ee Jerome Boateng iyada oo Sky Sports qaybtiisa dalka Germany ay sheegayso in xidigani uu iska diiday dalabkii ay Man United ku doonaysay laakiin Sky Sports qaybtiisa England ayaa loo sheegay in Jerome Boateng uu bartilmaameedka kowaad u yahay Jose Mourinho.

Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in Jerome Boateng uu heshiis amaah ah ugu biiri karo Manchester United laakiin iyada oo waqti 24 saacadood ka yari uu ka hadhsan yahay waqtiga uu xidhmi doono suuqa Premier league ayay Man United waqtiga la baratamaysaa.