Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Iyo Waxyaabihii Ay Maanta Oo Sabti Wargaysada Yurub Ka Qoreen.

Asalaamu calaykum, idilkiinba salaan akhristayasha sharafta lahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii wararka suuqa kala iibsiga iyo waxyaabihii ay wargaysyada Yurub ka qoreen maanta oo Sabti ah.

Kooxaha Yurub ayaa dagaal wayn ugu jira in ay suuqa kala iibsiga ka raadsadaan ciyaartoyda ay u arkaan in ay kooxahooda xooin u noqon karaan inta aan la gaadhin xili ciyaareedka cusub.

Shabakada Gool24 oo aad uga barateen in ay marakasta si joogto ah idiinla socodsiiso wararka suuqa ayaa halkan idiinku soo ururisay wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo xidigaha la kala doonayo.

FIIRO GAAR AH: Wararka Suuqa waxaa xaqiiqonimadooda iska leh hadba wargayska ku hor qoran ee xogta suuqa helay, sidaa daraadeed, shabakada Gool24 kama masuul aha xaqiiqinimada warkan maadaama oo aanu soo turjunay oo kaliya.


Wararka suuqa Daily Exprees

Liverpool ayaa si layaab ugu soo biirtay tartanka loogu jiro xidigii kooxdeeda sida muranku ku jiray kaga baxay ee Philippe Coutinho kaas oo la filayo in uu xagaagan ka baxayo Barcelona.

Juventus ayaa iskaga baxday xiisihii ay ku doonaysay in ay markale Turin ku midayso Jorginho, iyo Sarri waxayna awooda saari doonaan sidii ay kooxdooda ugu soo celin lahaayeen Paul Pogba.

Rajadii ay kooxda Tottenham ka qabtay saxiixa xidiga kooxda Lyon ee Tanguy Ndombele ayaa hoos u dhacday kadib markii ay Paris Saint-Germain soo gashay tartanka xidigan loogu jiro.

Wararka Suuqda The Sun

xidigaha kooxaha waa wayn ee Premier league doonayeen ee Ryan Sessegnon ayaa diyaar u ah in uu iska diido heshiis cusub oo ay kooxdiisa Fulham u soo bandhigtay.

Manchester United ayaa waajib looga dhigay in ay  £45 milyan qadimaad ah ka bixiso difaaca kooxda Crystal Palace ee Aaron Wan-Bissaka iyada Crystal Palace dalbatay in United ay xidigan ka bixiso lacagtii ay Manchester City kula soo wareegtay Kyle Walker.

Willian ayaa iska diiday in uu todobaadkii mushaar u qaadan lahaa £230,000 kun oo gini, laba gaadhi iyo dirawaladoodii si uu guu biiro kooxda reer China ee Shanghai Shenhua wuxuuna ka doortay in uu kooxdiisa Chelsea sii joogo.

Wararka Suuqda Daily Mirror

Tottenham ayaa doonaysa in ay Christian Eriksen u ogolaato in uu xagaagan ku biiri karo kooxda  Real Madrid – laakiin waxaa ku xidhan shuurada ah in marka hore ay Madrid ka helaan Marco Asensio.

Kooxda Derby County ayaa tababaraha kooxdeeda ee Frank Lampard  u soo bandhigtay mushaar £10 milyan gini ah si ay uga joojiso in uu Chelsea ku biiro.

difaaca kooxda Arsenal ee Hector Bellerin ayay doonaysaa kooxda Atletico Madrid waxaana Gunners loo soo bandhigay Vitolo.

Wararka Suuqa Daily Mail

Heshiiska ay Manchester City kula soo wareegayso xidiga kooxda Atletico Madrid ee Rodri ayaa  Fabian Delph ku qasbi kara in uu xagaagan iskaga baxo Etihad Stadium.

Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayay doonaysaa kooxda dalkiisa France ee Lyon.

Xidhiidhkii u dhexeeyay xidiga reer Belgium ee Yannick Carrasco iyo kooxdiisa Dalian Yifang ayaa halkii ugu hoosaysay gaadhay iyada oo lala xidhiidhinayo kooxda Arsenal.

Everton ayaa doonaysa in ay heshii amaahda ahaa ee difaaca kooxda Chelsea ee Kurt Zouma ay u badasho mid rasmi ah kadib waqtigii guulaystay ee oo Toffees la soo qaatay.

Riix 2 si aad wararka suuqa ee wargaysada yurub ee kale u akhrisato