Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda, Xidigaha Lakala Doonayo Iyo Wargaysyada Yurub Waxyaabihii Ay Maanta Oo Sabti Ah Ka Qoreen.

warrarkii ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga
warrarkii ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga

Asalaamu calaykum, idilkiinba salaan akhristayasha sharafta lahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii wararka suuqa kala iibsiga iyo waxyaabihii ay wargaysyada Yurub ka qoreen maanta oo Jimce ah.

Kooxaha Yurub ayaa dagaal wayn ugu jira in ay suuqa kala iibsiga ka raadsadaan ciyaartoyda ay u arkaan in ay kooxahooda xooin u noqon karaan inta aan la gaadhin xili ciyaareedka cusub.

Shabakada Gool24 oo aad uga barateen in ay marakasta si joogto ah idiinla socodsiiso wararka suuqa ayaa halkan idiinku soo ururisay wararkii ugu danbeeyay ee suuqa iyo waxyaabihii ay maanta oo Jimce ah ka qoreen xidigaha la kala doonayo.


 

Wararka Suuqa Daily Mirror

Real Madrid ayaa kadib dhamaystirkii Eden Hazard waxay u dhaqaaqaysaa heshiiska Pual Pogba iyada oo Man United u soo bandhigi doonta heshiis isku badalasho oo uu Gareth Bale ku soo biiri karo Old Trafford.

Kooxda Paris Saint-Germain  ayay ka go’an tahay in ay Ajax kala soo saxiixato difaaca ay kooxaha badani doonayaan ee Matthijs de Ligt waxayna PSG doonaysaa in ay laba jibaarto dalabka Barcelona ku doonayso De Ligt.

Wararka Suuqa Daily Mail

Barcelona ayaa dareenkeeda ku soo jeedisay gool dhaliyaha Man United ee Marcus Rashford iyada oo 21 sano jirkan u calaamadsatay in ay la soo wareegi doonto haddii ay ku fashilmaan Neymar Jr ama Antoine Griezmann.

Difaaca Barcelona ee Thomas Vermaelen ayaa ku biiri doono kooxda Olympiacos kadib markii uu iska diiday fursada uu saaxiibkiisa xulka Belgium ee Vincent Kompany ugu noqon lahaa saxiixa kowaad ee kooxda Anderlecht.

Wakiilka caanka ah ee Mino Raiola ayaa lag adul qaaday ganaaxii caalamiga ahaa ee ay FIFA saartay taas oo Pual Pogba iyo Matthijs de Ligt ka caawin doonta in ay kooxo cusub ku biiri karaan.

Frenkie De Jong ayaa xidiga ay kooxda Ajax iyo Netherlands ka wada tirsan yihiin ee Matthijs de Ligt to ku dhiiro galiyay in uu xagaagan kula soo biiro Barcelona.

Xidiga Fulham ee Ryan Sessegnon ayaa doonaya in uu ku biiro  Tottenham kadib markii uu iska diiday heshiis cusub oo ay kooxdiisa Fulham u soo bandhigtay laakiin Spurs ayaa iska diiday in ay dalab £25m ka badan ku iibsan karaaran xidigan.

Wararka Suuqa Daily Star

Arsenal ayaa hal talaabo u jirta in ay hal talaabo jirta in ay dhamaystirto saxiixa xidiga reer Belgium ee Yannick Carrasco kaas oo hadda qarka u saaran in uu noqdo saxiixa kowaad ee Gunners.

Arsenal ayaa loo sheegay in ay ugu yaraan bixiyaan £44 milyan gini haddii ay doonayaan labada xidig ee kooxda Sampdoria ee Dennis Praet iyo Joachim Andersen.

Dhinaca kale, tababare Unai Emery ayaa wacay difaaca kooxdisiii hore ee Paris St-Germain ee Thomas Meunier si uu ugu qanciyo in uu Gunners kula soo biiro.

Riix 2 si aad u akhrisato wararka ay wargaysyada kale ee Yurub suuqa ka qoreen.