Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Iyo Waxyaabihii Ay Wargaysyada Yurub Ka Qoreen Maanta Oo Arbaca Ah.

Asalaamu calaykum, idilkiinba salaan akhristayasha sharafta lahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii wararka suuqa kala iibsiga iyo waxyaabihii ay wargaysyada Yurub ka qoreen maanta oo Arbaca ah.

Kooxaha Yurub ayaa dagaal wayn ugu jira in ay suuqa kala iibsiga ka raadsadaan ciyaartoyda ay u arkaan in ay kooxahooda xooin u noqon karaan inta aan la gaadhin xili ciyaareedka cusub.

Shabakada Gool24 oo aad uga barateen in ay marakasta si joogto ah idiinla socodsiiso wararka suuqa ayaa halkan idiinku soo ururisay wararkii ugu danbeeyay ee suuqa iyo waxyaabihii ay maanta oo Arbaca ah ka qoreen xidigaha la kala doonayo.

Wararka Suuqa Daily Mirror

Atletico Madrid ayaa kalsooni ku qabta in ay Chelsea kala soo saxiixan karto difaaca bidix ee Marcos Alonso kaas oo hore Real Madrid loola xidhiidhinayay.

Gudoomiyaha kooxda Tottenham ee Daniel Levy ayaa kulankii casho ee dhex maray madax waynaha Real Madrid ee Florentino Perez waxa uu ugu sheegay in aanu xagaagan iibinayn Christian Eriksen .

Chelsea ayaa kalsooni ku qabta in ay da’yarka Callum Hudson-Odoi uu saxiixi doono heshiis cusub oo uu todobaadkii mushaar ahaan u qaadan doono £100,000 kun oo gini inkasta oo uu xiiso badan ka helayay Bayern Munich.

Xidiga ay isha ku hayaan Arsenal iyo Liverpool ee Ryan Fraser oo ka tirsan kooxda Bournemouth ayay suurtogal tahay in xaaladiisu sii jiitanto ilaa dhamaadka suuqa kala iibsiga.

Wararka Suuqa Daily Mail

Manchester United ayaa  u calaamadsatay xidiga kooxda Frankfurt ee Sebastien Haller in uu noqdo badalka Romelu Lukaku oo ay xiisaynayaan kooxaha Inter Milan iyo PSG.

Tottenham ayaa Manchester United kula soo biirtay la socoshada xidiga kooxda Norwich ee Ben Godfrey.

Wararka Suuqa The Sun

Manchester City ayaa dhaqaajisay bixinta lacagta lagu burburin karo heshiiska da’yarka kooxda Benfica ee Joao Felix oo 120 milyan yuro ah si ay kooxaha Real Madrid, Man United ugu garaacdo saxiixa 19 sano jirkan.

Arsenal ayaa diyaar u ah in ay gool dhalyaha kooxdeeda ee Pierre-Emerick Aubameyang ay ku abaal mariso heshiis cusub oo uu mushaar ahaan todobaadkii u qaadan doono  £200,000 kun gini kadib xiisihii uu ka helay kooxaha China.

Fabio Paratici ayaa Maurizio Sarri u  sheegay in aanu ahayn shaqsiga kaliya ee ay u doonayaan shaqada tababaranimo ee kooxda Juventus waxaana jira musharixiin kale.

Antoine Griezmann ayaa qirtay in uu ku jiro xaalad hubanti la’aan ah kadib markii uu shaaciyay in aanu wali ogayn kooxda cusub ee uu ka ciyaari doono.

Wararka Kale Ee Suuqa

Liverpool ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiri difaaca kooxda Ajax iyo xulka Netherlands ee Matthijs de Ligt iyada oo waliba uu 19 sano jirkani mustaqbalkiisa go’aan ka gaadhayo kadib kulamada UEFA Nations league ee todobaadkan la ciyaarayo. (Bild )

Xidiga kooxda Paris St-Germain ee Kylian Mbappe ayaa maamulka kooxdiisa farta ka saaray warqada uu ku dalbaday in uu baxayo.(El Chiringuito)

Jurgen Klopp ayaa fasax hal sano ah kubbada cagta ka gali kara marka uu soo dhamaado heshiiskiisa Liverpool kaas oo dhacaya 2022 inkasta oo ay Reds doonayso in heshiis cusub lagu abaal mariyo.(ESPN)

Afarta kooxood Manchester City, Manchester United, Liverpool iyo Tottenham ayaa ku tartamaya xidiga kooxda Leicester City ee James Maddison(Daily Star)

Xidiga khadka dhexe ee Manchester United ee Paul Pogba ayaa koodiisii hore ee Juventus ka dooran kara Real Madrid oo markii hore ahayd kooxda kaliya ee uu doonayay in uu ku biiro (Independent)

Manchester United ayaa heli karta saxiixa xidiga kooxda Juventus ee Paolo Dybala oo 25 sano jir ah iyada oo Juventus xidigan qayb uga dhigi karta heshiiska ay Pual Pogba ku doonayso.(Express)

Unai Emery ayaa difaaca uu door bidayo ee xagaagan ka dhigtay Samuel Umtiti oo 25 sano jir ah isla markaana waqti adag ku soo qaatay Barcelona  waxayna sidoo kale Arsenal soo daawatay da’yarka kooxda RB Leipzig ee Dayot Upamecano. (Star)

Diego Maradona ayaa Man United ugu baaqay in uu leeyahay awoodii uu ku badali lahaa Solskjaer ee uu kooxda koobab ugu horseedi kari lahaa isaga oo hadda gacanta ku haya kooxda dalka Mexico eee Dorados oo heerka labaad ka ciyaarta.(FourFourTwo)