Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Iyo Waxyaabihii Ay Maanta Oo Sabti Ah Ka Qoreen Wargaysyada Yurub.

Wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda
Wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda

Asalaamu calaykum, idilkiinba salaan akhristayasha sharafta lahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii wararka suuqa kala iibsiga iyo waxyaabihii ay wargaysyada Yurub ka qoreen maanta oo Sabti ah.

Kooxaha Yurub ayaa dagaal wayn ugu jira in ay suuqa kala iibsiga ka raadsadaan ciyaartoyda ay u arkaan in ay kooxahooda xooin u noqon karaan inta aan la gaadhin xili ciyaareedka cusub.

Shabakada Gool24 oo aad uga barateen in ay marakasta si joogto ah idiinla socodsiiso wararka suuqa ayaa halkan idiinku soo ururisay wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo xidigaha la kala doonayo.

FIIRO GAAR AH: Wararka Suuqa waxaa xaqiiqonimadooda iska leh hadba wargayska ku hor qoran ee xogta suuqa helay, sidaa daraadeed, shabakada Gool24 kama masuul aha xaqiiqinimada warkan maadaama oo aanu soo turjunay oo kaliya.


Wararka suuqa The sun

Chelsea ayaa qarka u saaran in ay heshiis cusub oo laba sanadood ah ku abaal mariso xidig reer Brazil ee Willian kadib markii ay Eden Hazard u lumiyeen Real Madrid wuxuuna heshiiskan cusubi meesha ka saari doonaa xiisaha Barca ee willian.

Kooxda Crystal Palace qiimo  £70 milyan gini ah dul dhigtay xidiga ay dalabkii ugu horeeyay Man United ka soo diideen ee  Aaron Wan-Bissaka waxaana wali sii socda wada xaajoodka labada kooxood.

Kooxda Derby County ee uu macalinka u yahay Frank Lampard ayaa Chelsea ka dalban doonta 4 milyan gini oo magdhow ah waana qodob ku jira heshiiskiisa oo tilmaamaya in haddii uu ku biiro koox Champions League ku jirta ay lacagtan helayaan.

kooxahaottenham, Liverpool, Leicester City iyo Manchester City ayaan hadda xiiso u qabin khadka dhexe ee  £50 milyan gini lagu qiimayno ee Bruno Fernandes oo ka tirsan kooxda Sporting Lisbon waxayna albaabka u furaysaa in Man United ay kali ku noqoto.

Maamulka kooxda Real Madrid ayaa u arag in Paul Pogba uu u qalmo mushaarka ama kharashka ay galin karaan haddii ay la soo saxiixdaan Kylian Mbappe ama Neymar.

Xidiga aan Manchester United waqtiga fiican ku soo qaadan ee Fred ayaa bartilmaameed u ah kooxda AS Roma kadib markii uu xidiga reer Brazil isku soo muujin waayay xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay Old Trafford.

Arsenal ayaa heshiis cusub u soo bandhigi doonta labada gool dhaliye Pierre-Emerick Aubameyang iyo Alexandre Lacazette iyada oo mushaarkooda laga dhigi doono in ka badan £200,000 kun todobaadkiiba.

Wararka suuqa Daily Mirror

Manchester United ayaa kalsooni ku qabta in ay lacag £25 milyan ah kula soo wareegi karto xidiga kooxda  Newcastle ee Sean Longstaff.

xidigii hore ee kooxda Arsenal ee Edu, oo hadda ah isku duwaha kooxda xulka Brazil ayaa la filayaa in uu noqon doono agaasimaha ciyaaraha Gunners marka uu soo dhamaado tartanka copa America.

Bayern Munich ayaa qaboojisay xiisihii ay u haysay gool dhaliyaha kooxda RB Leipzig ee Timo Werner oo Liverpool marar badan lala xidhiidhinayay waxayna Bayern diirada saari doontaa xidiga  £50m lagu qiimaynayo ee Leroy Sane.

goolhayaha Barcelona ee Jasper Cillessen ayaa sheegay in qodobka heshiiskiisa Camp Nou lagu burburin karaa uu dhiabato ku yahay in uu Barcelona ka bixi karo iyada oo Barca dalbatay in 60 milyan yuro.

Wararka suuqa daily Star

Arsenal ayaa badalka  Laurent Koscielny waxay u calaamadsatay xidiga kooxda St Etienne ee  William Saliba oo 27 milyan gini lagu qiimaynayo halka ay Gunners Dortmund ka doonayso £10.6 si ay u heli karaan Koscielny.

Liverpool ayaa xagaagan iibin karta gool dhaliyaha kooxdeeda ee Mohamed Salah  kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay Jurgen Klopp.

Kooxda Everton ayaa ku dhaw in ay heshiiskii amaahda ahaa ee Andre Gomes ay mid rasmi ah u badali karaan iyada oo Barcelona u furan in ay xidiga reer Portugal iibiso.