Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Iyo Waxyaabihii Ay Maanta Oo Jimce Ah Ka Qoreen Wargaysada Yurub.

warrarkii ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga
warrarkii ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga

Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda iyo Xidigaha lakala doonayo maanta oo jimce ah

Suuqa Premier League ayaa furan laakiin saxiixyada la sameeyo waxaa si rasmi ah loo diwaan galin doonaa marka la soo gaadho July 1.

Kooxaha Yurub oo dhan ayaa hadda u furan in ay saxiixyo samayn karaan waxaana socda dadaal wayn oo ay koox kastaaba suuqa kaga raadsanayso bartilmaameedyada ay doonayso in ay kooxdeeda ku soo xoojiso.

Kooxaha ugu waa wayn Yurub intooda badan waxay xagaagan u noqon doontaa mid mashquul badan oo ay ciyaartoy badan kula soo wareegayaan isla markaana ay xidigo badan oo kooxahooda ka tirsan ay iibinayaan.

Kooxaha isbadalka wayn laga filayo waxaa ugu horeeya Real Madrid, Man United, Bayern Munich, PSG, Barcelona laakiin dhamaan kooxaha kale ayaa suuqa ugu jira saxiixyo ay kooxahooda ku soo xoojinayaan.

Haddaba sidii aad shabakada caalamiga ah ee Gool24 uga barateen waxaanu halkan idiinku soo koobnay wararkii  Ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo wararkii ay maanta oo jimce ah ka qoreen wargaysyada Yurub.

Wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda
Wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda

Haddaba halkan kaga bogo wararkii suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ugu danbeeyay oo aanu si khaas ah idiinku soo habaynay iyo wargays kastaaba wixii uu ka qoray.

Wararka Suuqa The Sun

War soo baxay ayaa sheegaya in kooxaha Real Madrid iyo Bayern Munich ay ka heshiiyeen Robert Lewandowski kaas oo ay suurtogal tahay in uu ugu danbayn ku biiro kooxda uu muddada doonayay ee Madrid.

Frank Lampard oo lala xidhiidhinayo shaqada kooxdiisii hore ee Chelsea ayaa wali doonaya in uu saaxiibkiisii hore e Ahsley Cole xili ciyaareedka soo socda ku sii haysto Derby County.

Difaaca bidix ee kooxda Leicester City ee Ben Chilwell ayaa bartilmaameed 71 milyan gini u ah kooxda Atletico Madrid.

Tottenham ayaa hogaaminaysa tartanka loogu jiro xidiga kooxda PSV Eindhoven ee Steven Bergwijn kaas oo lagu qiimaynayo 35 milyan gini.

Wararka Suuqa Daily Star

Gudoomiye ku xigeenka Man United ee Ed Woodward ayaa aqbalay in uu hoos u dhigo qiimaha Romelu Lukaku si xagaagan xidiga reer Belgium looga fasaxo Man United.

Kooxaha Manchester United iyo Chelsea ayaa wali xiisaynaya xidiga kooxda Barcelona ku dhibtoonaya ee Philippe Coutinho iyada oo waliba Chelsea ay badalka Hazard ka dhigan karto.

Liverpool ayaa xidhiidh la samaysay wakiilka gool dhaliyaha kooxda Lille ee Nicolas Pepe kaas oo lagu qiimaynayo 70 milyan gini isla markaana ay kooxo badani doonayaan.

Emerson Palmieri ayaa xili ciyaareedka soo socda iska sii joogi doona kooxdiisa Chelsea kadib markii ay soo baxeen warar xan ah oo sheegayay in uu Juventus ku biirayo xagaagan.

Wararka Suuqa Daily Mail

Manchester United ayaa doonaysa in ay Romelu Lukaku dib uga soo ceshato £80 milyan gini si uu ugu biiro kooxda Inter Milan iyada oo Antonio Conte uu doonayo in uu saxiixa kowaad ka dhigto.

Liverpool ayaa heshiisyo cusub u soo bandhigi doonta labada xidig ee kala ah James Milner iyo Joel Matip kadib markii ay xili ciyaareed cajiib ah ku soo qaateen Champions League.

Barcelona ayaan muhiimada kowaad ka dhiganayn saxiixa Antoine Griezmann inkasta oo uu xidiga reer France kooxdiisa Atletico Madrid ku wargaliyay in uu xagaagan baxayo.

Tottenham ayaa ka baxday xiisihii ay u haysay xidiga Barcelona amaahda kaga maqan ee Andre Gomes waxaana hadda iskugu soo hadhay Everton oo uu amaah ku joogo iyo West Ham United waxaana lagu qiimaynayaa 30 milyan gini.

Wararka Suuqa Daily Mirror

Ole Gunnar Solskjaer ayaa iska indho tiri kara bartilmaameedyada kooxdiisa Man United ee Kalidou Koulibaly iyo Harry Maguire si uu fursad kale oo noloshooda ah ugu gacan galiyo Chris Smalling, Phil Jones, Eric Bailly iyo Marcos Rojo.

Manchester United ayaa dalab qaali ah u dirtay xidiga kooxda PSG sida xorta ah kaga baxaya ee Adrien Rabiot iyada oo hadda Red Devils noqotay kooxda tartanka xidigan hogaaminaysa.

Kooxda Juventus ayaa tababaraha Chelsea ee Maurizio Sarri u soo bandhigtay dalab mushaar oo sanadkii gaadhaya 6.2 milyan gini si uu kooxdeeda badal ugu noqdo Maxi Allegri.

Arsenal ayaa doonaysa in ay la soo saxiixato xidiga kooxda Bournemouth ee Ryan Fraser oo 25 sano jir ah laakiin rajadii ay ka qabtay in ay soo iibsato xidiga Crystal Palace ee Wilfried Zaha muuq beeshay kadib markii ay Champions league u soo bixi kari wayday.

Riix 2 si aad wararka suuqa oo dhan u sii akhrisato