Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Iyo Waxyaabihii Ay Maanta Oo Isniin Ah Ka Qoreen Wargaysada Yurub

suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda
suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda

Maalin wanaagsan ama waqti kasta oo aad joogtaan oo wanaagsan akhristayaasha sharafta iyo xushmada naga mudanow kuna soo dhawaaada wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo waxyaabihii ay maanta oo axad ah ka qoreen ciyaartoyda lakala doonayo.

Waxaa soo dhawaanaya waqtiga uu si rasmi ah dib ugu furmi doono suuqa bisha January laakiin haddaba waxay kooxuhu isha ku hayaan xidigaha ay la soo saxiixan karaan inta uu furan yahay suuqa January waxaana jira ciyaartoy lakala doonayo oo ay suurtogal tahay in lala kala wareegi doono.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo waxyaabihii ay wargaysyadu ka horeen iyada oo war kasta uu xaqiiqnimadiisa masuul ka yahay wargayska aanu idiinka soo qaadaynay qodobadan.

SIDOO KALE AKHRISO:  Wargeyska Le Parisien Oo Kashifay In Barcelona Dadaal Been Ah Ku Bixineyso Soo Xerogelinta Neymar & Sababta Ka Danbeysa

Weeraryahanka France Ousmane Dembele ayaa weydiistay Barcelona in la iibiyo bisha Janaayo, waxaana bixitaankiisa uu u ogolaan karaa in Neymar uu dib ugu soo laabto Camp Nou. (Goal)

PSG ayaa tartan kala kulmeysa Juventus oo ku aadan goolhayaha Manchester United David de Gea. (The Sun)

Macalinka Everton Marco Silva ayaa sheegay inay isku dayi doonaan inay si joogta ah u la wareegaan xiddiga Barcelona Andre Gomez kaasoo haatan amaah ku jooga Goodison Park. (Liverpool Echo)

Xiddiga Chelsea Eden Hazard ayaa meesha ka saaray inuu u dhaqaaqayo Paris Saint-Germain, laakiin 27 jirkaan ayaa sheegay inuu ka tagi karo Stamford Bridge xagaagan. (Canal+, l)

Agaasimaha AC Milan Leonardo ayaa wadahadal kula jiray Chelsea oo ku aadan 31 jirka khadka dhexe Cesc Fabregas iyo daafaca 22 jirka ah Andreas Christensen. (Sport Mediaset)

SIDOO KALE AKHRISO:  Waa Kuma Goolhayaha Liverpool U Dheeli Kara Kulanka Southampton Ka Dib Dhaawacii Soo Gaaray Adrian?

Manchester United ayaa dad soo daawada u dirtay 19 jirka daafaca West Ham Declan Rice kulankii ay West Ham guuldarada 4-0 ka soo Man City Sabtidii. (Metro)

Manchester United ayaa sugi doonta inay la soo wareegto 22 jirka khadka dhexe Roma Lorenzo Pellegrini ka dib markii ay ogaadeen in qandaraaskiisa la burburin karo dhamaadka xilli ciyaareedka. (Mirror)

Chelsea iyo Arsenal ayaa labadaba doonaya xiddiga aan laga dooneynin Manchester United ee reer Brazil 22 jirka Andreas Pereiera iyagoo u dhaqaaqi doona bisha Janaayo. (Sun)

17 jirka weerarka ka ciyaara ee Liverpool Bobby Duncan oo ay ilmo adeero halyeeyga Reds Steven Gerrard  ayaa diirada u saaran kooxaha Jarmalka ee Bayern Munich iyo RB Leipzig. (Mail)

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Taariikhda & Waqtiga Kulanka Madrid Derby Ee Atletico Madrid Vs Real Madrid Oo Si Rasmi Ah Loogu Dhawaaqay.

Manchester United ayaa diyaar u ah inay Old Trafford ku ceshtaan Juan Mata iyagoo ka saxiixaya heshiis cusub oo seddex sannadood ah. (Daily Mirror)