Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Iyo Waxyaabihii Ay Maanta Oo Axad Ah Ka Qoreen Wargaysada Yurub

Maalin wanaagsan ama waqti kasta oo aad joogtaan oo wanaagsan akhristayaasha sharafta iyo xushmada naga mudanow kuna soo dhawaaada wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo waxyaabihii ay maanta oo axad ah ka qoreen ciyaartoyda lakala doonayo.

Waxaa soo dhawaanaya waqtiga uu si rasmi ah dib ugu furmi doono suuqa bisha January laakiin haddaba waxay kooxuhu isha ku hayaan xidigaha ay la soo saxiixan karaan inta uu furan yahay suuqa January waxaana jira ciyaartoy lakala doonayo oo ay suurtogal tahay in lala kala wareegi doono.

.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo waxyaabihii ay wargaysyadu ka horeen iyada oo war kasta uu xaqiiqnimadiisa masuul ka yahay wargayska aanu idiinka soo qaadaynay qodobadan.

Kooxda Paris Saint Germain ayaa Manchester United si xor ah ugala wareegi doonta goolhayaha reer Spain ee David De Gea iyada 28 sano jirkan laga dhigi doono goolhayaha aduunka ugu mushaarka badan marka uu soo dhamaadka xili ciyaareedkan uu idlaysto qandaraaskiisa United. (Daily Mail).

Kooxda Inter Milan ayaa wali doonaysa in ay isku beegto danta kooxdeeda iyo danta kooxda Manchester United waxayna Inter diyaar u tahay in ay Jose Mourinho ka caawiso labadiisa bartilmaameed ee Milan Skriniar  iyo Ivan Perisic si ay markooda u helaan Pual Pogba taas oo keeni karta in Man United ay labadeeda bartilmaameed ku heli  karto adeega Pogba. (Daily Mirror).

Maamulka kooxda Chelsea ayaa aaminsan in Eden Hazard uu kooxdooda iskaga bixi doono iyaga oo isku diyaarinaya nolol uu 27 sano jirkani ka maqan yahay iyada oo la ogaa qaabkii uu Hazard u qirtay in uu doonayay ka bixitaanka Blues intii lagu jiray xagaagii la soo dhaafay. (OK Diario)

Juventus ayaa isku dayeysa iney dalabkii saddexaad oo ay dib usoo celineyso Paul Pogba ka gudbiso, balse Inter Milan ayaa qudheeda dooneysa saxiixa xiddigaan. (TuttoSport)

Kooxda AC Milan ayaa kooxda Juventus dib ugu celin doonta Gonzalo Higuain iyada oo walwal ka qabta mushaarkiisa qaaliga ah ee 36 milyan euroska ah sanadkiiba waxayna u muuqataa in 30 sano jirkan lagu celin doono Juventus oo markale iib u raadin doonta suuqyada soo socda. (Corriere dello Sport).

Kooxaha Inter Milan iyo Wolves ayaa xiisaynaya difaaca Manchester City aan fursada ka haysan ee Eliaquim Mangala iyada oo waliba 27 sano jirkan si xor ah lagu heli karo dhamaadka xili ciyaareedkan. (Sun On Sunday)

Manchester United ayaa heshiis saddex sano ah u soo bandhigi doonta Juan Mata kaas oo 30 sano jirsaday kadib markii ay kooxda Atletico Madrid xiiso ka muujisay waxayna United sii haysan kartaa Mata ilaa 33 sano jirkiisa haddii ay heshiiskan ka saxiixato. (Daily Star Sunday)

Zlatan Ibrahimovic ayaa ogolaaday inuu dib ugu soo laabto kooxdiisii hore ee AC Milan isaga oo heshiis amaah lix bilood ah ku soo gaadhi doona bisha January waqtigaas oo uu markale ka soo muuqan karo Serie A.

Wargayska The Sun ayaa bogga hore ee caddadkiisii maanta waxa uu ku soo xardhay qiimaha heshiiska ay PSG ku doonayso in ay De Gea de Gea kaga saarto Man United iyo waliba kulankii Tottenham ay guusha wayn kaga gaadhay Chelsea.

Waxaana qoraalka lagu yidhi: “De Gea waxa uu ku wareegayaa 60 milyan gini” Waana lacagta uu mushaar ahaan u qaadan doono muddo safar sano ah haddii ay PSG si xor ah ugu guulaysato marka uu dhamaysto heshiiskiisa Old Trafford.

Waxaana qayta looga hadlay kulankii Chelsea iyo Tottehan lagu yidhi: “Tottenham way ka heer saraysaa wiilasha Sarri” waxaana sawirka loo adeegsaday dabaal degii ciyaartoyda Spurs iyo natiijadii culayslayd ee 3-1 ka ahayd oo dusha looga soo qoray.