Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Iyo Waxyaabihii Ay Caawa Ka Qoreen Wargaysyada Yurub

Habeen wanaagsan ama waqti kasta oo aad joogto oo wacan, akhristayaasha sharafta iyo xushmada naga mudanow ku soo dhawaada barnaamijka wargaysyadu waxay qoraan iyo wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ee ay caawa qoreen wargaysyada Yurub.

Kooxaha Premier League ayuu waqtigu ka ordayaa maadaama oo suuqa kala iibsiga England uu xidhmi doono maalin ka hor bilawga xili ciyaareedka cusub ee Premier League kaas oo hadda culays ku abuuraya kooxaha saxiixyada muhiimka ah suuqa ugu jira.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo ururisay wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo waxyaabihii ay caawa ka qoreen wargaysyada Yurub.


Tababaraha kooxda PSG ee Thomas Tuchel ayaa cadeeyay in uu wali jecel yahay in Neymar Jr uu kooxdiisa ka sii tirsanaado inkasta oo uu hore u sheegay in uu ka hor Copa America ogaa in Neymar uu bixitaan doonayay wuxuuna. “Tababare kastaa waxa yy doonaya Neymar,  aniguna la mid ayaan ahay” (Marca)

SIDOO KALE AKHRISO:  Ma Rumaysan Karaan Jamaahiirta Man United - Solskjaer Oo La Weydiiyay Dhammaystiraha Ugu Wanaagsan Ee Kooxdiisa & Xiddiga Uu Doortay Oo Aan Ahayn Rashford, Martial & Pogba Midna.

Kooxaha Manchester United iyo Leicester City ayaa qiimo dhan £80 milyan ku heshiiyay in ay kula kala wareegaan difaaca ay United muhiimada kowaad ka dhiganayso ee Harry Maguire. (Bleacher Report)

Kooxda Real Madrid ayaa heli karta koox gacmaheeda ka saari karta xidiga ay suuqa u wayday ee Gareth Bale iyada oo kooxda reer China ee Beijing Guoan doonaysa in ay Gareth Bale ciyaartoyga taariikhda kubbada cagta China ugu mushaarka badan (Source: Telegraph)

PSG ayaa kooxda Real Madrid ku war galisay in ay aqbali karaan dalab ka kooban lacag iyo Gareth Bale si ay ula saxiixan karaan xidiga ay Barcelona in uu ku laabto u diidan yihiin ee Neymar. (Independent)

SIDOO KALE AKHRISO:  Ciyaartoydii Isku Muujisay, Kuwii Fashilmay Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Liverpool & Southampton Ee Kulankii Reds Guusha Soo Gaadhay.

Manchester United ayaa hore u dhaqaajisay wada xaajoodyada xidiga  £70 milyan gini lagu qiimaynayo ee Nicolas Pépé oo ka tirsan kooxda Lille kaas oo ay doonayaan kooxaha Liverpool iyo Bayern Munich. (The Times)

Tottenham Hotspur ayaa boos fiican ugu jirta in ay la soo saxiixato xidiga kooxda Fulham ee Ryan Sessegnon laakiin kooxda Fulham ayaan doonayn in ay xidigan ku fasaxdo qiimo ka hooseeya £25m. ( Sunday Express)

Juventus ayaa meel fiican u taaganin ay kooxda Tottenham Hotspur kala soo wareegto xidiga liiska kooxdiisa Spurs laga saaray ee Danny Rose. ( Daily Mirror)

Kooxda Bayern Munich ayaa difaaca kooxdeeda ee David Alaba waxay u soo bandhigtay kooxaha Manchester City iyo Barcelona si ay Bayern lacagta Alaba ugula soo wareegto  Leroy Sané ama Ousmane Dembélé oo ka kala tirsan kooxaha ay xidiga kooxdeeda ee Alaba u soo bandhigtay. (Mundo Deportivo)

SIDOO KALE AKHRISO:  QISHKII UGU WEYNAA: Ciyaartoyga Ku Guuleystay Abaalmarinta Xiddiga Yurub Ee Sanadkan Oo Qarsoodi Loo Helay & Dhibcaha La Kala Helay - Messi, Van Dijk Mise Cristiano Ronaldo?

Real Madrid ayaa ku adkaysanaysa in ayna 40 milyan yuro wax ka yar ku iibin karin James Rodriguez, waxayna ay diyaar u yihiin in Atletico Madrid uu ku biiri karo haddii ay lacagtan heli karaan.(Marca)

Tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa sheegay in kooxdiisu ay xagaagan la soo saxiixan karto ilaa afar ciyaartoy oo ay safka kooxda ku soo xoojin karaan. (Sky Sports)