Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaartoy Ee Arbacada Maanta Ay Qoreen Wargeysyada Waaweyn Ee Yurub

Muddo kooban  ayaa ka hadhay waqtiga uu furmayo suuqa iibka ciyaartoyga ee xagaaga oo ku beegan horraanta bisha June, laakiin fayraska Korona ayaa laga yaabaa in sannadkan uu isbeddel ku keeno.

Inkasta oo uu hadda xidhan yahay suuqu oo aanu wali furmin, waxa kooxaha waaweyn ee Yurub ay kala jiidanayaan laacibiinta heshiisyadoodu dhamaanayaan ee sida bilaashka ah ku baxaya iyo kuwo kale oo ay u hurayaan lacago badan si ay iskugu xoojiyaan xili ciyaareedka dambe.

Warbaahinta dunida gaar ahaan wargeysyada ayaa waxay si maalin leh usoo bandhigaan dhaqdhaqaaqyada ugu dambeeyey ee kooxaha, ciyaartoyda ay doonayaan iyo waxyaabaha laga yaabo inay dhacaan.

Sidii aad nooga barateen, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyey ee suuqa iibka ciyaartoyga ee ay wargeysyada waaweyn ee Yurub qoreen maanta oo Arbaca ah:

Weeraryahanka Manchester City ee Leroy Sane ayaa tibaaxay in aanu wax xiiso ah u qabin inuu ku biiro kooxda ay Premier League ku xafiiltamaan naaadigiisa ee Liverpool. 24 jirkan ayaa heerka caalami ee reer Germany waxa uu doonayaa inuu tago Bayern Munich. (Bild)

Weeraryahanka Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland oo 19 jir ah waxa uu iska diiday inuu tago Juventus bishii January, sababtoo ah, kooxda haysata horyaalka Talyaaniga waxa uu qorshaheedu ahaa inay u dirto kooxdeeda 23 jirrada oo uu u ciyaaro. (La Repbblica)

Real Madrid iyo Paris St-Germain ayaa isku dayi doona inay lasoo saxeexdaan Haaland marka uu furmo suuqa iibka xagaaga. (Marca)

Manchester United ayaa waxay ka mid noqotay kooxaha ku tartamaya laacibka garabka uga ciyaara Wolverhampton Wanderers ee Adama Traore oo ay hore ugu hirdamayeen Liverpool iyo Manchester City. 22 jirkan reer Spain ayaa la filayaa inuu ka tago kooxdiisa. (Birmingham Mail)

Arsenal waxay rajaynaysaa inay lasoo saxeexan doonto garabka weerarka Bayer Leverkusen ee Moussa Diaby oo ah 20 jir u ciyaara xulka qaranka France ee U21. Kulankii Isniintii ay kooxdiisu ku garaacday Werder Bremen ayuu laba gool caawiiyey laacibkan hore ee PSG. (Le10Sport)

Neymar oo 28 jir ah oo la sheegayo inuu ku biiro Barcelona, waxa uu xili ciyaareedka dambe sii joogi doonaa Paris St-Germain, sababtoo ah dhibaatada uu dhaqaalaha gaadhsiiyey Caabuqa Korona, sida uu wakiilkiisu sheegay. (Star)

Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay kooxaha ku tartamaya difaaca reer Netherlands ee Xavier Mbuyamba oo ka tirsan Barcelona, sida uu sheegay wakiilka 18 jirkan. (Voetbal International)

Laacibka Newcastle United amaahda kula jooga ee Danny Rose oo 29 jir ah, ayaa rumaysan in Mauricio Pochettino oo hore macallin ugu ahaa Tottenham Hotspur uu ugu dambaynta laylin doono Manchester  United. (The Lockdown Tactics)

Dhawr kooxood oo reer Yurub ah ayaa xiisaynaya difaaca Tottenham ee Jan Vertonghen oo uu heshiiskiisa Spurs ku egyahay xagaagan. 33 jirkan reer Belgium ee difaaca ah ayaa la sheegayaa in kooxda reer Spain ee Real Betis ay dalab kasoo gudbisay, halka Valencia, Inter Milan iyo Roma ay iyaguna qorshaynayaan inay dalabyo u diraan. (Star)

Arsenal ayaa u dhow inay Chelsea ku garaacdo saxeexa laacibka khadka dhexe ee reer Turkey ee Orkun Kokcu oo ah 19 jir u ciyaara Feyenoord, si uu ugu beddelo Mesut Ozil oo 31 jir ah. (Mundo Deportivo)

Manchester City waxay ku raad-joogtaa difaaca midig ee Fulham ee Cody Drameh oo ah 18 jir u dhashay England. (Mirror)

Xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho oo 27 jir ah, wali go’aan kama gaadhin mustaqbalkiisa, iyadoo uu haddana amaah ugu maqan yahay Bayern Munich oo uu dib ugu laaban doono Barcelona marka uu xili ciyaareedku dhamaado. (Sport1)

19 jirka Manchester United ee James Garner ayaa loo ogolaan doonaa inuu amaah ku baxo xagaagan, waxaana xiisaynaya kooxaha Inigriiska ah ee Cardiff City, Swansea City iyo Sheffield Wednesday. (Mail)

Arsenal waxay lasoo saxeexan kartaa garabka weerarka reer Netherlands ee Justin Kluivert oo 21 jir ah, si uu qayb uga noqdo heshiiska 31 jirka reer Armenia ee Henrikh Mkhitaryan oo amaah ugu maqan kooxda maqan Roma si heshiiskaasi rasmi ugu noqdo. (Corriere dello Sport)

Khadkad hexe ee reer Ghana ee Daniel Amartey ayuu wakiilkiisu sheegay in 25 jirkani uu doonayo inuu ka tago Leicester City, maadaama aanu u ciyaarin kooxda koowaad illaa markii uu dhaawacu ka gaadhay kuraanta October 2018.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook