Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaaraha Ee Ay Maanta Oo Khamiis Ah Qoreen Wargeysyada Waaweyn Ee Yurub

Muddo kooban  ayaa ka hadhay waqtiga uu furmayo suuqa iibka ciyaartoyga ee xagaaga oo ku beegan horraanta bisha June, laakiin fayraska Korona ayaa laga yaabaa in sannadkan uu isbeddel ku keeno.

Inkasta oo uu hadda xidhan yahay suuqu oo aanu wali furmin, waxa kooxaha waaweyn ee Yurub ay kala jiidanayaan laacibiinta heshiisyadoodu dhamaanayaan ee sida bilaashka ah ku baxaya iyo kuwo kale oo ay u hurayaan lacago badan si ay iskugu xoojiyaan xili ciyaareedka dambe.

Warbaahinta dunida gaar ahaan wargeysyada ayaa waxay si maalin leh usoo bandhigaan dhaqdhaqaaqyada ugu dambeeyey ee kooxaha, ciyaartoyda ay doonayaan iyo waxyaabaha laga yaabo inay dhacaan.

Sidii aad nooga barateen, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyey ee suuqa iibka ciyaartoyga ee ay wargeysyadu qoreen maanta oo Khamiis ah:

Madaxweynaha Bayern Munich, Karl-Heinz Rummenigge ayaa tibaaxayt inay layaab ku noqotay markii uu 24 jirka weerarka uga ciyaara Germany iyo RB Leipzing ee Timo Werner uu tibaaxay inuu doonayo inuu dibedda uga baxo Jarmalka, iyadoo lala xidhiidhinayo Chelsea, Liverpool iyo Manchester United. (Bild)

Karl-Heinz Rummenigge waxa uu dhinaca kale soo jeediyey in aanay ahayn in madax-furasho lagu haysto weeraryahanka reer Germany ee Leroy Sane oo Manchester City ay ku xidhay £100 milyan oo Gini. (Mirror)

Bayern Munich waxay isku dayi doontaa in si kasta oo ay ahaataba ay dalab £50 milyan ah hor dhigto Manchester City si ay ugala soo saxeexato Leroy Sane oo uu heshiiskiisu dhacayo sannad kaddib. (Telegraph)

Manchester United waxay ku adkaatay weeraryahanka 23 jirka ah ee kooxda Lyon ee Moussa Dembele oo ay kula tartamaysay Chelsea. Waxa qiimihiisa lagu sheegay £61.8 milyan oo Gini. (Todofichajes)

Chelsea waxay doonaysaa inay iibiso laacibkeeda khadka dhexe ee Tiemoue Bakayoko oo ah 25 jir £31 milyan ku qiimaysan, laakiin kooxdiisa Paris St-Germain ma doonayso inay bixiso wax ka badan £26.5 milyan. (Le10 Sport)

Barcelona ayaa go’aamisay qiimaha ay ku iibinayso 22 jirkeeda afka hore ee reer France ee Ousmane Dembele, waxaanay siin doonaan kooxda la timaadda £53 milyan iyagoo hore ugu soo iibsaday £135.5 milyan. (Marca)

Barcelona waxay wada-hadallo la yeelatay difaaca Juventus ee Talyaaniga ah ee Mattia de Sciglio oo ah 27 jir ay ku beddelanayso difaaca midig ee reer Portugal ee Nelson Semedo oo ah 26 jir ay burbureen wada-xaajood u socday oo heshiiska loogu kordhin lahaa. (Marca)

Laacibka Bayer Leverkusen khadka dhexe uga ciyaara ee Kai Havertz oo 20 jir ah ayaa lala xidhiidhinayey Chelsea, Liverpool iyo Manchester United, laakiin laacibka heerkii hore ee xulka Germany ee Michael Ballack ayaa kula taliyey in uu sii joogo kooxdiisa hadda. (Football London).

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook