Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Oo Ay Qoreen Wargeysyada Maanta Oo Isniin Ah.

suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ma furna, balse wali wargeysyada kubadda cagta waxey baahinayaan wararka xanta ah ee la xiriira arrimaha suuqa kala iibsiga kooxaha, waxeyna koox walba xusul duub ugu jirtaa sidii ay isku xoojin laheyd marka uu suuqa furmo bisha January.

Waxaan idiin soo koobeynaa wararkii ugu dambeeyay oo ay warbaahinta ka qoreen arrimaha suuqa, inagoo u xaglin doona sheeko walba cidda qortay, taasna waxey meesha ka saareysaa inaan masuul ka noqono xaqiiqda iyo jiritaanka warka aan idiin baahinay.

suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda
suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda

Weeraryahanka Brescia Mario Balotelli oo 29-jir ah ayaa loo sheegay inuu hab dhaqankiisa wanaajiyo hadii uu kooxda booska doonayo. (Mail)

Eden Hazard oo dhawaan tagay Real Madrid ayaa rajeynaya in da’yarka reer France Kylian Mbappe uu kula soo biiro kooxda caasimadda sanadaha soo socda. (Marca)

Advertisements

Arsenal ayaan heli karin daafaca reer France Samuel Umtiti kaas oo doortay inuu dib ugu laabto Lyon hadiiba uu ka tagayo Barcelona. (L’Equipe)

Tottenham Hotspur ayaa qiimeyneysa Nathan Ake oo 24-jir ah, waxaana laga yaabaa in badal looga dhigo Jan Vertonghen oo qandaraaskiisa uu dhacayo dhamaadka fasalkaan. (Football Insider)

Raheem Sterling oo 24-jir ah ayaa diiday inuu saxiixo heshiis uu ku qaadanayo mushaar waalli ah, wuxuuna doonayaa inuu ogaado mustaqbalka Pep Guardiola. (TalkSport)

Xiddiga Borrusia Dortmund Jadon Sancho oo 19-jir ah ayaa ka dhawaajiyay inuusan January ka bixi doonin Signal Iduna Park xilli ay si weyn u doonayaan Liverpool & Man United. (The Athletic)

Tottenham dooqeeda koowaad wuxuu ahaa Carlo Ancelotti, balse heshiiska uu Napoli kula jiro ayaa ka dhigay mid qaali ah, waxeyna u weecdeen Mourinho. (Mail)

Advertisements