Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Oo Ay Qoreen Wargeysyada Maanta Oo Axad Ah.

suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ma furna, balse wali wargeysyada kubadda cagta waxey baahinayaan wararka xanta ah ee la xiriira arrimaha suuqa kala iibsiga kooxaha, waxeyna koox walba xusul duub ugu jirtaa sidii ay isku xoojin laheyd marka uu suuqa furmo bisha January.

Waxaan idiin soo koobeynaa wararkii ugu dambeeyay oo ay warbaahinta ka qoreen arrimaha suuqa, inagoo u xaglin doona sheeko walba cidda qortay, taasna waxey meesha ka saareysaa inaan masuul ka noqono xaqiiqda iyo jiritaanka warka aan idiin baahinay.

suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda
suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda

Ac Milan ayaa dooneysa iney dib ugu soo celiso San Siro Zlatan Ibrahimovic oo 38-jir ah, xiddigii hore qaranka Sweden ayaa koox la’aan ah iyadoo la xasuusto inuu Milan la qaaday horyaalkeedii ugu dmabeeyay 2011. (Calciomercato)

Luis Suarez oo 32-jir ah ayaa dareemaya in mareykanka ay tahay meesha ugu macquulsan uu ka xamaalan karo, waxaana lala xiriirinayaa kooxda Inter Miami. (ESPN)

Advertisements

Romelu Lukaku oo 26-jir ah ayaa qiray in maalintii uu Ole Gunnar ka ciyaarsiiyay garabka uu soo dhamaaday waayahiisa Manchester United. (Football Italia)

Kooxda Arsenal ayaa dhigeeda Inter Milan kula dagaalameysa da’yarka 17-jirka ah ee kooxda Flamengo iyo qaranka Brazil Reinier Jesus. (The Sun)

Kooxaha Bayern Munich iyo Borrusia Dortmund ayaa isku heysta saxiixa 17-jirka Spurs ka tirsan ee u dhashay Ireland (Troy Parrott). (Express)

Raheem Sterling ayaan saxiixi doonin heshiis cusub oo isbuucii uu ku qaadanayo 450,000 kun oo Pound ilaa uu ka ogaanayo mustaqbalka Pep Guardiola ee Etihad Stadium. (The Sun)

Kooxaha Man United iyo Paris Saint Germain ayaa ku loolami doona saxiixa da’yarka Roma dhexda kaga ciyaara Nicolo Zaniolo kaas oo 20-jir ah. (Il Messaggero)

Advertisements