Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda & Waxyaabihii Ay Wargeysyada Ugu Waaweyn Yurub Ka Qoreen Maanta Oo Sabti ah.

Suuqa kala iibsiga ee xagaagan ayaa la filayaa inuu noqon doono mid kamid ah suuqyadii ugu mashquulka badnaa abid kubadda cagta maadaama oo ay badan yihiin kooxaha waaweyn ee baahida u qaba inay is hubeeyaan.

Sidii aanu horeba idiinku soo gudbinay kooxaha Premier League ayaan iyagu ilaa haatan samaynayn dhaq-dhaqaaqii iyo lacagihii badnaa ee ay suuqa ku bixin jireen balse ilaa haatan sii wada dalabaadka ay gudbinayaan.

Waxaanu halkan idiinku soo bandhigi doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga iyo wixii ay wargeysyada Yurub ka qoreen dhaq-dhaqaaqa suuqa saaka oo Sabti ah.

Neymar JR => Barcelona 

Barcelona ayaa u muuqata mid waxkasta u samaynaysa saxeexa Neymar iyo sidii ay ku heli lahayd waxayna haatan PSG miiska u saareen Dembele, Coutinho, Semedo iyo Umtiti oo ay saddex kamida siinayaan haddii ay Neymar u ogolaanayaan. (BILD)

Manchester United ayaa haatan 30 Milyan ku dartay qiimaha ay ku doonayso xiddiga kooxdeeda ee Paul Pogba waxaana ay haatan ku doonaysaa 180 Milyan walow ay 89 Milyan ku heleen saddex sano kahor (Star)

SIDOO KALE AKHRISO:  XOG: Kadib Kulamadii Labaad Ee Premier league-Waa Sidee Miiska Kala Saraynta Kooxuhu? Iyo Kooxaha Fursadoodii Lumiyay.

Juventus ayaa lagu soo warramayaa inay haatan si dhab ah uga baxday tartanka Paul Pogba taas oo fursad dahabi ah siinaysa kooxdii ay la tartamayeen ee Real Madrid. (Mail)

Juventus ayaa dhinaca kale doonaysa inay Madrid lasoo wareegto Pogba si ay iyaguna u helaan saxeexa Isco oo la fasixi doono haddii Pogba soo gaadho Bernabeu

Arsenal ayaan marnaba qaab xor ah ku fasixi doonin kabtankeeda Laurent Kosceilny ee in la fasaxo dalbaday kana hadhay safarka Maraykanka waxaana ay ku doonaysaa inay ku hesho 8.8 Milyan. (London Evening Standard)

Dhinaca kale Arsenal ayaa dib usoo noolaysay xiisaheedii daafaca kooxda Benfica ee Rubin Dias oo 22 sano jir ah kaddib diidmada kasoo yeedhay Kosceilny (Mail)

SIDOO KALE AKHRISO:  Zidane Oo Ka Tagay James Rodriguez, Gareth Bale Iyo Mariano Safarka Ay Real Madrid Ku Aaday Austria

Manchester United ayaa u weecan karta 18-jirka kooxda Monaco ee Benoit Badiashile oo ay Wolves hore ula socotay hadii ay waayaan 26 jirka kooxda Leicester City ee Harry Maguire (L’Equipe, via Express)

Riix Bogga 2-aad Si Aad Uga Boggato Qaybaha Kale Ee Xogta Wararka Suuqa