Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda & Waxyaabihii Ay Wargeysyada Ugu Waaweyn Yurub Ka Qoreen Maanta Oo Khamiis Ah.

warrarkii ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga
warrarkii ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga

Suuqa kala iibsiga ee xagaagan ayaa la filayaa inuu noqon doono mid kamid ah suuqyadii ugu mashquulka badnaa abid kubadda cagta maadaama oo ay badan yihiin kooxaha waaweyn ee baahida u qaba inay is hubeeyaan.

Sidii aanu horeba idiinku soo gudbinay kooxaha Premier League ayaan iyagu ilaa haatan samaynayn dhaq-dhaqaaqii iyo lacagihii badnaa ee ay suuqa ku bixin jireen balse ilaa haatan sii wada dalabaadka ay gudbinayaan.

Waxaanu halkan idiinku soo bandhigi doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga iyo wixii ay wargeysyada Yurub ka qoreen dhaq-dhaqaaqa suuqa saaka oo Khamiis Ah.

Neymar JR => Barcelona

Barcelona ayaa haatan qaaday talaabadii ugu horreysay ee ay PSG kagala xidhiidhayso arrimaha Neymar, Barca ayaa la aamisan yahay inay heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga balse waxa ay haatan awoodeeda iskugu gayn doontaa inay qanciso Paris walow dalabkii koowaad laga diiday. (Le Parisien)

Paul Pogba => Real Madrid

Madaxweynaha Madrid ee Florentino Perez ayaan doonayn inuu lacag aad u badan ugu dhaqaaqo Paul Pogba kaddib markii lagu war-galiyay lacagta uu ku heli karo. ( Don Balon)

Matthijs De Ligt => Juventus

Sky ayaa laga soo xiganayaa wararkii ugu dambeeyay ee da’yarka Ajax De Ligt kaas oo ku dhaw kooxda Juventus, 19 jirkan ayaa la filayaa in Bianconeri ay heshiiskiisa soo af-meeri doonto dhawaanahan. (Sky)

Aaron Wan-Bissaka => Man United

Heshiiska Wan-Bissaka ayaa ah midka ugu dhaw ee saacadaha soo socda la shaacin doono, 21 jirkan ayaa soo gaadhay huteelka Lowry ee Man United saacadaha soo socda ayuuna caafimaadka u mari doonaa kooxdaas. (Sun Sport)

Lucas Torriera => AC Milan

Milan ayaa Arsenal u bandhigtay qorshe cusub oo ah inay shan Milyan bixiso marka horena laba sano oo amaah ah kula wareegto Torriera isla markaana ay 30 Milyan oo dambe bixiso si ay heshiis rasmi ah ugula wareegto. (Di Marzio)

Gerrard & Vieira => Newcastle United

Halyeeyada Arsenal iyo Liverpool ee Vieira iyo Gerrard ayaa ku jira liiska tababarayasha ay Newcastle United doonayso inay ku bedesho tababare Rafael Benitez oo kooxdeeda ka tagay. (Telegraph)

Adrien Rabiot => Juventus

Rabiot ayaa Juventus si rasmi ah ugu biiri doona marka uu heshiiskiisa PSG dhaco 30-ka bishan June, Bianconeri ayuu la gaadhay heshiis shan sano ah oo uu mushahar ahaan ku qaadan doono 7 Milyan oo lagu daray gunooyin. (GOAL)

Wilfred Zaha => Arsenal

Zaha ayaa doonaya inuu Arsenal ku biiro gudaha suuqan balse kooxdiisa Crystal Palace ayaa dalban doonta 80 Milyan walow ay Gunners kaliya 45 Milyan u haysato suuqa xagaagan oo dhan. (bbcsport_david)

Riix Bogga 2-aad Si Aad U Akhrisato Wararka Suuqa Uu Dhammaystiran