Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda & Waxyaabihii Ay Wargeysyada Ugu Waaweyn Yurub Ka Qoreen Maanta Oo Jimce Ah

Suuqa kala iibsiga ee xagaagan ayaa la filayaa inuu noqon doono mid kamid ah suuqyadii ugu mashquulka badnaa abid kubadda cagta maadaama oo ay badan yihiin kooxaha waaweyn ee baahida u qaba inay is hubeeyaan.

Sidii aanu horeba idiinku soo gudbinay kooxaha Premier League ayaan iyagu ilaa haatan samaynayn dhaq-dhaqaaqii iyo lacagihii badnaa ee ay suuqa ku bixin jireen balse ilaa haatan sii wada dalabaadka ay gudbinayaan.

Waxaanu halkan idiinku soo bandhigi doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga iyo wixii ay wargeysyada Yurub ka qoreen dhaq-dhaqaaqa suuqa saaka oo Jimce Ah.

Neymar JR => Barcelona | Ousmane Dembele => PSG

Dembele ayaa fure u noqon kara heshiiska uu Neymar JR ugu laabanayo Barcelona maadaama madaxda Paris Saint-Germain ay doonayaan in isaga heshiiska lagu soo daro. (SPORT & Mundo Deportivo)

Paul Pogba => Juventus

Juventus ayaa samaynaysa waxkasta oo ay saxeexa Paul Pogba ugu garaacayso Real Madrid, Juve ayaa haatan caawimo dhaqaale weydiisatay shirkada Adidas si ay heshiiska Poga usoo af-meeraan. (Corriere dello Sport)

Ander Herrera & Pablo Sarabia

PSG ayaa filanaysa inay toddobaadka dambe gabo-gabayn doonto heshiisyada Ander Herrera iyo Pablo Sarabia ay kooxdeeda ugu biirayaan. (L’Equipe)

Isco => Manchester City

Tababare Pep Guardiola ayaa doonaya inuu David Silva oo xilli ciyaareedka dambe ka tagaya City bedel uga dhigo khadka dhexe ee Real Madrid Isco Alarcon. (MARCA)

Fabian Ruiz => Real Madrid

Riyadii Real Madrid ee saxeexa khadka dhexe ee kooxda Napoli Fabian Ruiz ayaa ah mid gabi ahaanba burburaysa kaddib markii kooxda ree Talyaani ay heshiis kordhinilaa 2024-ka ah isku fahmeen xiddiga. (Di Marzio)

Samuel Umtiti => Man United

Man United ayaa Barcelona wax ka weydiisay daafaceeda Samuel Umtiti kaddib markii ay Barca xiiso u muujisay Victor Lindelof oo United ka tirsan. (Mundo Deportivo)

Donny van de Beek => Real Madrid

Ajax ayaa 50 ilaa 60 Milyan inta u dhaxaysa ku doonaysa xiddigeeda Van De Beek kooxda lala xidhiidhinayo ee Real Madrid ayaana diyaar u ah bixinta lacagtaas. (De Telegraaf)

Callum Hudson-Odoi 

Da’yarka Chelsea ee Callum Hudson-Odoi ayaa qarka u saaran inuu heshiis cusub oo shan sano ah u saxeexo kooxdiisa marka laga yimaado in Bayern Munich ay dib usoo noolaysay xiisihii ay u qabtay. (Metro)

William Saliba => Tottenham & Arsenal

Tottenham ayaa kooxda St Étienne u sheegtay inay dalab kasoo gudbin doonto daafaca Saliba, Arsenal ayaa horeba wadahadal ugula jirta daafacaas balse aan wali wax heshiis ah la gaadhin. (RMC Sport)

James Rodriguez => Atletico Madrid

James ayay macquul tahay inuu diido xiisaha uga imanaya kooxda Napoli si uu ugu biiro Atletico Madrid oo mar dambe tartankiisa soo gashay.  (Cadena SER)

Riix Bogga 2-aad Si Aad U Akhrisato Wararka Suuqa Uu Dhammaystiran

1 Comment

  1. Waxan kooxdeyda a c Milan u rajeynaa in ay waxbadan suuqa ka sameyso waayo waxaan ka yaarady mashquulkii ciyaaraha badan ee sanadkaan ayaga ok isaga baxay koobka Europa league

Comments are closed.