Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda & Waxyaabihii Ay Wargeysyada Ugu Waaweyn Yurub Ka Qoreen Maanta Oo Jimce Ah.

Suuqa kala iibsiga ee xagaagan ayaa la filayaa inuu noqon doono mid kamid ah suuqyadii ugu mashquulka badnaa abid kubadda cagta maadaama oo ay badan yihiin kooxaha waaweyn ee baahida u qaba inay is hubeeyaan.

Sidii aanu horeba idiinku soo gudbinay kooxaha Premier League ayaan iyagu ilaa haatan samaynayn dhaq-dhaqaaqii iyo lacagihii badnaa ee ay suuqa ku bixin jireen balse ilaa haatan sii wada dalabaadka ay gudbinayaan.

Waxaanu halkan idiinku soo bandhigi doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga iyo wixii ay wargeysyada Yurub ka qoreen dhaq-dhaqaaqa suuqa saaka oo Jimce ah.

Neymar JR => Barcelona

Neymar ayaa maanta si kama dambays ah u qarxin doona hadalkii la sugayay waxaana uu kasoo muuqan doonaa TV laga leeyahay dalkiisa Brazil oo uu kaga hadli doono mustaqbalkiisa iyo haddii uu Barcelona ku biirayo. (Sport)

Matthijs De Ligt => Juventus

Juventus ayaa ugu dambayn ogolaatay inay bixiso dhammaan 75-ka Milyan ee ay Ajax ku dalbayso daafaceeda Matthijs De Ligt waxaana la filayaa inay si kama dambays ah saxaafada ugu soo bandhigto Sabtida heshiiskan daba dheeraaday. (Sport)

Paul Pogba => Real Madrid

Paul Pogba ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda tartanka weyn ugu jirta ee Real Madrid oo sanadkii ku heli doono 13 Milyan oo euro balse haatan caqabada ayaa ah in Madrid ay heshiis la gaadho Man United oo 180 Milyan dalbanaysa. (Diario Goal)

Antoine Greizmann => Barcelona

Barcelona ayaa maanta oo Jimce ah bixin doonta lacagaha 120-ka Milyan ah ee lagu bur-burin karo heshiiska Greizmann ee Atletico Madrid waxaana la filayaa inay maalinimada Isniinta ah saxaafada usoo bandhigi doonto. (Mundo Deportivo)

Ousmane Dembele => Liverpool

Barcelona ayaa haatan ogolaatay inay iibiso da’yarkeeda Ousmane Dembele oo ay 100 Milyan ku qiimaynayso waxaana ay bar-tilmaameedka Liverpool u ogolaan doontaa inuu u wareego Anfield si ay lacag ugu hesho heshiisyada Neymar iyo Greizmann. (Calciomercato & Sky Sports)

Sergej Milinković-Savić => Man United

Manchester United ayaa wali sii wada shaqada ay ku doonayso soo xero galinta khadka dhexe ee kooxda Lazio ee Sergej Milinković-Savić waxaana ay kooxda ree Talyaani u gudbinayaan dalab 80 Milyan ah. (Di Marzio)

Dani Alves => Manchester City

Manchester City ayaa dib usoo cusboonaysiin doonta dadaaladii ay ku doonaysay 36 jirka ree Brazil ee Dani Alves oo markale isku soo muujiyay Copa America. (Globoesporte)

Idrissa Gueye => Paris Saint-Germain

Paris Saint-Germain ayaan wali ka hadhin loolankii khadka dhexe ee kooxda Everton ee Idrissa Gueye waxaana ay haatan Toffees miiska u saareen dalab cusub oo 30 Milyan ah. (L’Equipe)

Romelu Lukaku => Inter Milan

Lukaku ayaa kusii adkaystay go’aankiisa ah inuu iskaga tago Man United xagaagan kaddib markii uu tababare Ole Gunnar Solskjaer u sheegay inuu joogo oo uu booskiisa u dagaalamo xilli uu xiiso weyn ka helayo Inter Milan. (ESPN)

Dani Ceballos => Arsenal

Kooxda tababare Unai Emery ee Arsenal ayaa u muuqata mida haatan gacanta sarre ku leh tartanka loogu jiray khadka dhexe ee Real Madrid ee Dani Ceballos oo ay kula loolamaysay Tottenham (Marca)

Riix Bogga 2-aad Si Aad Uga Boggato Qaybaha Kale Ee Xogta Wararka Suuqa