Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda & Waxyaabihii Ay Wargeysyada Ugu Waaweyn Yurub Ka Qoreen Maanta Oo Jimce Ah

warrarkii ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga
warrarkii ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga

Suuqa kala iibsiga ee xagaagan ayaa la filayaa inuu noqon doono mid kamid ah suuqyadii ugu mashquulka badnaa abid kubadda cagta maadaama oo ay badan yihiin kooxaha waaweyn ee baahida u qaba inay is hubeeyaan.

Sidii aanu horeba idiinku soo gudbinay kooxaha Premier League ayaan iyagu ilaa haatan samaynayn dhaq-dhaqaaqii iyo lacagihii badnaa ee ay suuqa ku bixin jireen balse ilaa haatan sii wada dalabaadka ay gudbinayaan.

Waxaanu halkan idiinku soo bandhigi doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga iyo wixii ay wargeysyada Yurub ka qoreen dhaq-dhaqaaqa suuqa saaka oo Jimce Ah.

Paul Pogba => Real Madrid Iyo Juventus

Pogba ayaa la filayaa inuusan wax qasbid bixitaan ah ku samayn kooxdiisa Manchester United isla markaana uu kooxda ula duuli doono dalka Australia oo ay kulamada xilli ciyaareedka ka horreeya kusoo qaadanayan toddobaadka soo socda.

Harry Maguire => Man United

Man United ayaa haatan ah kooxda ugu cad cad ee helista saxeexa daafaca Leicester City ee Harry Maguire maadaama oo kooxdii kula tartamaysay ee Manchester City ay ka deyrisay lacagta ay dalbanayso Leicester. (90Min)

Marcelo Vieira => Juventus, Arsenal, AC Milan iyo Paris Saint-Germain

Daafaca bidix ee kooxda Real Madrid ee Marcelo ayaa kooxdiisa weydiistay inay iska fasaxdo waxaana uu haatanba haystaa liis dheer oo dalabaad ah oo kaga kala yimid Juventus, Arsenal, AC Milan iyo Paris Saint-Germain. (Sport)

Mauro Icardi => Juventus

Kooxda Juventus ayaa rajaynaysa inay dhigeeda Inter Milan ka hesho weeraryahankeeda Mauro Icardi xilli ay Nerazzuri isha ku hayso soo xero galinta Romelu Lukaku. (Gazzetta dello Sport)

Saul Niguez => Manchester United

Madaxda sarre ee Manchester United ayaa ku fikiraya inay dalab ka geeyaan khadka dhexe ee Atletico Madrid ee Saul Niguez haddii ay xagaagan lumiyaan Paul Pogba, Saul ayaa Atletico lagaga fasixi doonin lacag ka yar 135 Milyan. (AS)

Dani Ceballos => Arsenal, Liverpool iyo Tottenham

Kooxaha Premier League ee Arsenal, Liverpool and Tottenham ayaa dhammaantood tartan ugu jira khadka dhexe ee Real Madrid ee Dani Ceballos kaas oo ku qiimaysay 35 ilaa 45 Milyan. (Marca)

Ousmane Dembele => Bayern Munich

Walow laga soo diiday dalabkii koowaad ee 70-ka Milyan ahaa ee ay ka gudbisay haddana Bayern Munich ayaan marnaba iska dhiibayn rabitaankeeda xidigaas waxaana aad u xisaynaya saxeexiisa madaxda sarre ee Bayern. (BILD)

Kieran Tierney => Arsenal & Napoli

Daafaca bidix ee kooxda Celtic ee Kieran Tierney ayaa u muuqda mid u dhaqaaqi doona magaalada London iyo kooxda Arsenal isaga oo dhabarka u jeedinaya Napoli. (CalcioNapoli24)

Riix Bogga 2-aad Si Aad U Akhrisato Wararka Suuqa Uu Dhammaystiran