Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda & Waxyaabihii Ay Wargeysyada Ugu Waaweyn Yurub Ka Qoreen Maanta Oo Isniin Ah.

Suuqa kala iibsiga ee xagaagan ayaa la filayaa inuu noqon doono mid kamid ah suuqyadii ugu mashquulka badnaa abid kubadda cagta maadaama oo ay badan yihiin kooxaha waaweyn ee baahida u qaba inay is hubeeyaan.

Sidii aanu horeba idiinku soo gudbinay kooxaha Premier League ayaan iyagu ilaa haatan samaynayn dhaq-dhaqaaqii iyo lacagihii badnaa ee ay suuqa ku bixin jireen balse ilaa haatan sii wada dalabaadka ay gudbinayaan.

Waxaanu halkan idiinku soo bandhigi doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga iyo wixii ay wargeysyada Yurub ka qoreen dhaq-dhaqaaqa suuqa saaka oo Isniin ah.

Paulo Dybala => Barcelona

Lionel Messi oo saamayn ku leh go’aanada suuqa ee Barcelona ayaa la sheegayaa inuu madaxda kooxdaas u sheegay inay lasoo saxeexdaan xiddiga dalkiisa ee Paulo Dybala balse waa kaliya haddii ay seegaan saxeexa Antoine Greizmann. (Don Balon)

Mauro Icardi & Nianngolan => Man United | Romelu Lukaku => Inter Milan

Manchester United ayaa iska dayacday fursada ay xiddigaha Inter Milan ee Icardi iyo Nianngolan kula saxeexan lahayd ee heshiis ay dhinaca kale ugu diri lahayd Romelu Lukaku. (La Repubblica)

James Rodriguez => Atletico Madrid

Xiddiga aan looga baahnayn Real Madrid ee James Rodriguez ayaa sugi doona dalab kasoo gaadha dhinaca Atletico Madrid kahor inta uusan go’aansan haddii uu aqbalayo dalabka kasoo gaadhay Napoli.(Gol Caracol)

Lucas Vazquez => Arsenal & Inter Milan

Real Madrid ayaa 30 Milyan ku doonaysa xiddiga kooxdeeda ee Lucas Vazquez oo ay ku raad joogaan kooxaha Arsenal iyo Inter Milan walow aan wali wax dalab ah oo xoogan laga soo gudbin. (MARCA)

Nicolo Zaniolo => Juventus 

Da’yarka wacdaraha kusoo dhigay kooxda Roma ee Zaniolo ayaa door-bidaya inuu ku biiro kooxda Juventus halkii uu uga wareegi lahaa Tottenham. (Corriere Dello Sport)

Harry Maguire => Manchester United

Manchester United ayaa ah kooxda kaliya ee baaqiga ku ah tartanka loogu jiro daafaca Leicester City ee Harry Maguire kaddib markii ay loolanka ka baxday Man City balse Foxes ayaa kaliya ku fasixi doonta 26 jirkan 85 Milyan. (Sun on Sunday)

Nathan Ake => Manchester City

Man City ayaa qiimaynaysa inay dhigeeda Bournemouth kala soo saxeexato daafaca ree Holland ee Nathan Ake kaas oo ay 40 Milyan kula wareegi karto. (Sunday Mirror)

Stephan El Shaarawy => Shanghai Shenhua

Xiddigii kooxda Roma ee El Shaarawy ayaa la filayaa inuu maanta u duulo dhinaca dalka China si uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda Shanghai Shenhua oo uu heshiis buuxa la gaadhay. (Sky Sport Italia)

Gonzalo Higuain => AS Roma

Higuain ayaa doonaya heshiis amaah ah oo uu ugu wareego dhinaca kooxda Roma kaas oouu ku jiri doono qoddob ogolaanaya inuu si rasmi ah ugu biiri karo balse waa inuu marka hore heshiis cusub u saxeexo Juventus.(Corriere Dello Sport)

Mauro Icardi => Napoli 

Icardi ayaa lagu soo warramayaa inuu haatanba guri ka raadsanayo magaalada Napoli isaga oo kooxda magaaladaas ugu biiraya heshiis uu sanadkii 10 Milyan ku qaadanayo, Insigne ayaa la filayaa inuu dhinaca Inter u wareego. (Corriere Dello Sport/Tuttosport)

Riix Bogga 2-aad Si Aad Uga Boggato Qaybaha Kale Ee Xogta Wararka Suuqa