Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda & Waxyaabihii Ay Qoreen Wargeyska Ugu Caansan Yurub Maanta Oo Salaasa Ah

Suuqa kala iibsiga ee xagaagan ayaa la filayaa inuu noqon doono mid kamid ah suuqyadii ugu mashquulka badnaa abid kubadda cagta maadaama oo ay badan yihiin kooxaha waaweyn ee baahida u qaba inay is hubeeyaan.

Waxaanu halkan idiinku soo bandhigi doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga iyo wixii ay wargeysyada Yurub ka qoreen dhaq-dhaqaaqa suuqa saaka oo Salaasa Ah.

Kylian Mbappe => Real Madrid 

Real Madrid ayaa qorshaheeda ka dhigtay inay imika laga bilaabo suuqa xagaa kasta samayso saxeex weyn oo kooxdeeda ah waxaana ay go’aansadeen inay xagaaga dambe u dhaqaaqaan Kylian Mbappe. (AS)

Neymar JR => Barcelona

Barca oo dhawaanahanba qoddobo xoogan ku xidhaysay in Neymar JR uu kooxdeeda kusoo laabto ayaa haatan u sheegtay inay siin doonto sanadkii mushahar 19.7 Milyan ah oo ah midkii uu kooxda ka qaadan jiray markii uu ka tagay waana mushahar aad uga hooseeya midka 36-ka Milyan ah ee uu haatan ka qaato PSG. (Mundo Deportivo)

Jadon Sancho => Man United

Manchester United ayaa u dhaqaaqi doonta saxeexa garabka Borussia Dortmund ee Jadon Sancho balse waa kaliya haddii uu marka hore kooxdeeda ka tago Paul Pogba oo Real Madrid lala xidhiidhinayaa. (Daily Star)

Yannick Carrasco => Bayern Munich

Bayern ayaa dhaawac weyn u geysan karta qorshaha suuqa kala iibsiga ee Arsenal waxaana ay u dhaqaaqi doonaan bar-tilmaameedka kooxdaas ee Yannick Carrasco haddii ay ku hungoobaan saxeexa Leroy Sane oo ay doonayaan. (BILD)

Sergej Milinković-Savić. => PSG

Paris Saint-Germain ayaa qarka u saaran inay dhammaystirto saxeexa khadka dhexe ee kooxda Lazio Sergej Milinković-Savić. oo ay 80 Milyan kula wareegayaan. (CalcioMercato)

Quincy Promes => Ajax

Kooxda Ajax ayaa si rasmi ah u dhammaystirtay saxeexa garabkii kooxda Sevilla ee Quincy Promes oo ay 12 Milyan kula soo wareegeen iyaga oo heshiis shan sano ah ka saxeexday. (Ajax)

Romelu Lukaku => Inter Milan

Manchester United ayaa weeraryahanka kooxdeeda ee Romelu Lukaku aan ku dalban doonin wax ka yar 60 Milyan xilli la sheegayo inuu heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Inter. (Gazzetta dello Sport)

Nicolas Pepe => Liverpool & Man United

Pepe ayay wali macquul tahay inuu u dhaqaaqo kooxaha Man United iyo Liverpool midkood marka laga yimaado inuu dalab 90 Milyan ah ka helayo kooxaha Inter Milan iyo Atletico Madrid. (La Voix du Nord)

Armando Izzo, Franck Kessie iyo Ivan Perisic => Arsenal

Arsenal ayaa bartilmaameed ka dhiganaysa saddexdeyda horyaalka Talyaaniga ee Izzo, Kessie iyo Perisic balse waxa ay marka hore ku qasbanaan doontaa iibinta xiddigo dhawr ah si ay lacag ugu hesho xiddigahan 100-ka Milyan ku qiimaysan. ((Calciomercato)

Antoine Greizmann => Barcelona

Greizmann ayaa Barcelona ku biiri doona 1-da July maalinta uu qiimo dhacu ku iman doono qandaraaskiisa Atletico Madrid isaga oo 120 Milyan ugu wareegaya Camp Nou. (Diario Gol)
Riix Bogga 2-aad Si Aad U Akhrisato Wararka Suuqa Uu Dhammaystiran